Waa maxay dawlad ama dawladnimo? (WQ: Bashiir Maxamed Bashiir)

– Dawladu waa habdhis( system) ka kooban unugyo habaysan oo xukuma, ilaaliya, xadeeya, xaliya, dabra dhamaan hab-dhaqanka bulsho meel kuwada nool una yeela bulshadaas calaamad( sooc/flag) ay kaga duwan tahay bulshooyinka kale ee la dariska ah ama dunida kula nool.

– Dawladi waa dad leh dal cayiman oo uu ka jiro maamul ku dhisan sharci, lehna awood sharcigaa lagu fuliyo. Dawladnimda ama dwlad waa masuuliyad wadareed ka samaysamay iskaashi bulsho oo ku salaysan maamul iyo maarayn iyo kala danbayn sharci oo bulshadaasi isla fahantay inay kuwada noolaato horumarna ku gaadho.

– Casrigan aan joogno dawladnimadu nolosha waa u laf dhabar, waana lagu soo hirtaa, waa mid lagu kala badbaado, waa mid wakhti, maaliyo muruq ba geliyo si sareedo badhaadhe iyo barwaaqo l ummadeed loo gaadho.

– Sida la wada aqoonsanyahay bulsho markay meel kuwada nooshay baahiyaheedu waa farabadan yihiin. Baahiyaha asaasiga(basic needs ) ee Aadmaha lagama maarmaanka u ah nolosha bulshada iyo horumarkeeda( society development ) waxa ka mida sidan hoose:

– Caafimaadka, Waxbarashada, Caddaalada, Dastuur, Biyo, Nabadgelyo iyo Deganaansho iyo Dhaqaale IWM ee aasaasiga u ah nolosha. Su’aashu waxa ay tahay, Qof waliba oo bulshada ka mid ahi a qabsan karaa ama ma samaysan karaa dhamaan aasaasiyaadka nolosha? Jawaabtu waa MAYA, sidaas aawadeed dawladniadu waa lagama maarmaan. Sida la wada aqoonsan yahay, waxaa bulshada u keeni kara adeegaasi waa DOWLAD. Sidaasi darted dowladnimo waxay ka samaysantaa baahi-bulsho

Qaabdhismeedka dawladnimo
waxa ay ka kooban tahay Saddex rukun ama Waaxood oo waaweyn. Waax kastaa waxa ay qabataa shaqo u gaara. Waax kastaana way ka madaxbanaan tahay waaxda kale wallow xidhiidh wada shaqayneed ka dhexeeyo.

1) Waaxda Fulinta (Executive branch)
– Waaxda fulintu waa waaxda fulisa hawlaha dawlada waana waaxda u qaabilsan in ay daboosho qabatana hawlaha bulshada. Laanta fulinta waxa hormuud u ah madaxwaynaha, madaxwayne ku xigeenka, wasiirada, agaasimayaasha, badhasaabada iyo maayirada.

2) Waaxda Sharci dajinta(legitimate branch )
– Waa waaxda u qaabilsan dawlada dajinta, samaynta sharciga iy qawaaniinta dawlada lagu hagayo. Laba golle ayay u qabsantaa
1) Gollaha guurtida
2) Gollaha wakiilada
Isku darka labadan golle ayaa la isku yidhaaa baarlamaan.
3) Waaxda Garsoorka (judicial branch).

– Waa waaxda u qaabisan garsoorka, caddaalada, sinaanta iyo ilaalinta sharciga.
Saddexdaas waaxood marka ay si wacan u gutaan waajibaadkooda, Fahmaana masuuliyada saaran, ka shaqeeyaan sharciga iyo wixii bulshadu isla garatay ee ay ku heshiisay, waxa suurto gal ah in la helo dawlad Wanaagsan oo adeeg haboon Bulshada u qabta.

Hab-Xukunka Dawlad

-Dawladaha adduunka badankooda laba nidaam oo dawladeed uunbey ku shaqeeyaan.
Nidaamka Madaxwaynuhu Dawladda Xukumo(executive presidential style ) iyo
2. Nidaamka Ra’iisal Wasaaruhu Xukumo Dawladda( executive Prime minister style ).
Nidaamka Ra’iisal wasaaruhu xukumo awoodda hawl dawladeedka waxa iska leh Ra’iisal wasaaraha iyo wasiiradiisa. Gaar ahaan Wasiiradu awood badan ayay leeyihiin oo hadii ay wasiiro badani is casilaan ra’iisal wasaaruhu xilka ma sii hayn karayo. Dawlada Madaxwaynuhu xukumo Awooda Shaqo isagaa iska leh. Wasiirada ayuu hawlaha u igamadaa, wasiiraduna shaqaale farsamo yaqaan oo madaxwaynuhu dirsaday ayay xisaabsan yihiin.

Qalinkii: Bashiir Maxamed Bashir