Waa maxay farqiga u dhaxeeya Muraabaxo iyo Ribo si guud?

 

Qaybtii 1aad

Muraabaxadu waa iib ku taagan qiimaha hore ee waxa lagu iibiyey iyo inta lagu kordhiyey macaashkaba la islana garanayo, waana iib ku dhisan amaano taasi oo noqonaysa mid la isla og yahay oo ay isku waafaqeen laba dhinac ee heshiiyey, sida uu yidhi Al-Sharbiini: waa sax iibka muraabaxadu in alaab lagu gadey 100 tusaale ahaan uu ku yidhaahdo qof kale iyaga oo og waxa ay ku iibiyeen in uu  cidii kale waxaan kaaga iibiyey 200 boqol ama kaaga iibsadey in la mid ah ama ra’samaalkii iwm, shilin kastana waxa uu ka macaashay toban shilin. (Muqni Al Muxtaaj 476/2).

Muraabaxadu waa muuqaal ka mid ah iibka waanay banaan tahay sida ay culimo badan isku raaceen, Quraanka Ilaahay waxa uu ku yidhi: “ Iibka Ilaahy wuu xalaaleeyey ribbadana wuu xaaraantinimeeyey”  ( Al Baqara, 275), sidaas buu Ibnu Qudaama ku yidhi Muqniga waa iib banaan cid karahdayna ma anaan arag (136/4), Bankiyada Islaamiga ahna sidaas bay ugu shaqeeyaan in badan oo ganacsigooda ka mid ah.

Iibka muraabaxadu waxa uu kaga duwan yahay iibka caadiga ah kan caadiga ah qofku ma garanayo inta iibkiisa laga macaashay iyo dheeraadka la socda ra’samaalkiisa.

Markaa waxaa inoo soo baxaysa farqiga u dhaxeeya muraabaxada iyo ribbada in uu yahay dhawr arin oo kala ah:

Muraabaxada waa iib badeeco oo ay banaan tahay in waxa lagu daro waxna laga dhimo,halka ay ribbadu tahay hawl waxa is amaahin oo waxa lagu darey kaliya, lacagtu Islaam ahaan waa hawl fududeyn ee ma ah badeecad, dhaqaaleyahanda ra’samaaiyiintuna lacagta badeecad bay u arkaan.

Iibiyaha  muraabaxadu wuxuu iibinayaa alaab uu qaadanayo oo galaysa damaanadiisa, dabadeedna wuxuu kaga iibsanayaa lacag ahaan ama qayb qayb in uu u bixiyo,  markaa waxaa mas’uuliyada leh kii soo iibsadey inta uuna ka iibin ka hor ee uuna u dhiibin kii kale, laakiin ribbooluhu lacag uun buu deyminayaa kii waxa iibsanayey  wixii uu uga baahnaa, mana iibsanayo ribbooluhu waxba, waxna ma haysto  wax damaanadiisa ku jiraana ma jiro, ms’uuliyadna ma qaadayo, kani waa farqi weyn oo u dhaxeeya labadan arimood.

Bankiyada muraabaxada Islaamiga ahi ma sameyn karaan wax korodh ah  inta lagu jiro waqatiga qayb qayb loo bixinayo lacagtii muraabaxada, maxaa yeelay intii lagu heshiiyey way sugan tahay. Laakiin heshiisyada deynta ribbadu faa’iidada waa la kordhin karaa wayna is badali kartaa, waxaana ku jira shardi odhanaya faa’iidada waa la bad-badli karaa mudada bixinteeda inta lagu jiro.

Iibka muraabaxada Islaamiga ah waa waa ganacsi badeecooyinka oo dhaqdhaqaajinaya suuqii dhaqaalaha bulshada, ribbaduna waa lacag la kireeyey oo kaliya dhaqdhaqaaqii dhaqaalahana xanibaysa.

La soco qaybe kale:

Waxaa Diyaariyey: Xasan Ciise – Suxufi/Cilmi Baadhe