Waa maxay Leap Year-ku? (WQ: Tayasir Axmed Cumar)

 

SHARAX KOOBAN

Inta aynaan guda galin gundhiga iyo ujeedada guud ee qormadeena, aynu yara dul istaagno in aynu somaali ahaan ku macnayno weedhan afka qalaad/ingiriisiga lagu yidhaahdo Leap year. Hadaba fikrad ama duluc ahaan leap year; waa sanad dhaca ama yimaada afartii sanaba hal mar, kana kooban 366 maalmood. Hadii af soomaali ahaan aynu u micnaynana noqonaya sanadka sida lama filaanka ah u dhaca ama sanadka lama filaanka ah.

MUXUU YAHAY LEAP YEAR KU

leap year ku waa sanadka ay ku jirto bil ay maalini dheeri ku tahay maalmihii ay caadiyan ku dhamaan lahayd. in ta badan bisha 2aad ee sanadka milaadiga (FEBRUARY) ah ayaa la yidhaa leap year waayo waxay caadiyan ku dhamaata 28 balse sanadkan waxay ku dhamaanaysaa 29 badanaana waxay dhacdaa afartii sanaba hal mar, tan ta xigtaana waxa ay dhici doonta 2024 ka, halka tii ka horeysay ay dhacday 2016 kii. Taariikh ahaan boqorkii ruum ee la odhan jiray Julius Caesar ayaa loo nisbeeya inuu yahay aabaha leap year ka (the father of leap year), Julius Caesar ย intaanu xukunka qabsan ka hor, hab tariikheedkii ย boqortoyadii ruum wuxuu ku salaysnaa oo sanadkiiba ka koobnaa 355 cisho, halka ay ahayd in uu caadiyan ka koobnaado 365 cisho, hab tariikheedkii ayaa khal khalay madaxdii boqortoyada ruum ย ayaa doonay inay bil dheeraad ah ku daraan si ay u sugaan in habtirsiga taarikhdu la shaqeeyo xilliyada (seasons). Sikasta ha ahaatee, markii uu xukunka qabsaday Julius Caesar ย ย wuxuu la tashaday qolooyinkii cilmi fallaga yaqaanay, tashi ka bacdina wuxuu Julius Caesar tariikhda milaadigu markii ay ahayd 46 B.C, go’aan ku gaadhay in afartii sanno ee kastaba hal maalin lagu daro oo dheeraadi ah, waxayna ku dhacday bisha labaad hab tirisiga milaadiga (February) si meesha looga saaro faraqa ama is khilaafka u dhexeeya lunar and solar calendars-oo iyaguna kala ah is waafajinta inta ay dayaxa ku qaadato in uu ku wareego dhulka iyo inta ay dhulka ku qaadato in uu ku wareego cad ceeda- isku beegidooda. Hadaba ku dhaqanka iyo garawshiyaha leap year ku wuxuu si wax ku ool ah u dhaqan galay tariikhdu markii ay ahayd 45 B.C tariikhda tirsiga milaadiga.

Waxay sidaas ahaataba, qarnigii 16aad 10 cisho oo kamid ah sanadka ayaa meesha ka baxay. Dabadeedna markii ay tariikhda milaadigu ahayd 1582 kii ayaa nin baadari ahaa oo la odhan jiray Pope Gregory XIII ku sameeyay wax ka badal hab tirsiga taariikhda ee Julian Caesar uu dajiyay, waxaanu soo saaray hab tirsiga tariikhda ee aynu isticmaalno imika run ahaantiina loogu magacdaray isaga lana yidhaa Gregorian Calendar. waxaanu talaabadan sameeyay isagoo sugaya habkii ugu fiicnaa ee ahayd inloo dhigo tariikhda. wuxuu baadari Gregory ka duulayay oo uu ka cabir qadanayay, xiliga ama marka cadceedu ay jarto dhulbadhaha (the equator) ee ay maalinta iyo habeenkuna isku masaafad yihiin, garoo waa xilliga gu’ga aynu u naqaan.

QURAFAADKA LAGA AAMINSANAYAHAY LEAP YEAR KA (SUPERSTITION).

Marka loo eego dhaqanka soo jireenka ah ee ingiriiska maalintan oo kale (February 29, leap day) waxay yidhaahdaan waa maalinta kaliya ee gabadhu waliba inanta gashaantida ahi guur ka dalban karto wiilka, halka scotland oo kamida boqortoyada ingriiska ay 1288 kii soo saartay sharci ama qanuun odhanaya ninkii diida dalabka dumarku la yimaadan maalintan ee guurka ah inuu bixin doono ganaax. Ireland iyaduna waxa ay u aqoonsatay maalintan maalinta doobabka (Bachelor’sday).

Wadanka Giriigu isna wuxuu aaminsan yahay labada qof ee is guurasada maalintan inay nasiib xun yihiin maalintanina nasiib xun u horseedi doonto. inta badana dadka is calmaday misena guur ku heshiiyay wayka saaraan qorshahooda in ay is guursadaan ama is aroostan ba maalintan oo kale (leap year) quraafadkay aamisan yihiin awaadeed.
Sida taarikhda ku cad waaran xidhitaan kii ugu horeeyay ee la soo saaro waxa lasoo saaray February 29, 1692 kii. waxaanu ahaa waaran nin sixir dhigay lagu soo qabanayay oo dacwadiisa la hor dhigay maxkamada.

Hadaba gabo gabo iyo gunaanad, dadka maalintan oo kale dhasha inta badan waxaa loo yaqaanaa “leaplings” ama “leapers” waxa ay sugaan Afar sanno inay u dabaal dagaan ciidal milaadigooga ama maalinta dhalashadooda (birth day), lakiin inta badan ma dhacdo taasi oo waxa ay iska dabaal dagaan February 28 keeda ama March 1 deeda. waxa layaab ah 4.1 malyuun oo qof oo aduunka oo dhan ah ayaa dhashay maalintan February 29, tariikhdu waxay tibaaxaysaa iyadoo cuskanaysa daraasad la sameeyay in 1,461 kii qof ee dhashaba uu hal qof oo kamid ahi fursad u leeyahay inuu dhasho maalintan February 29. Sida kutubta taarikhdu tibaaxayaan, qoys dalka Norway u dhashay ayaa sadex walaalo ah oo kamid ah qoyskaasi nasiib u yeesheen inay dhashaan sadex leap year oo isku xig xiga, waxaanay kala ahaayeen 1960, 1964, iyo 1968 dii.