Waa Sidee Xaaladda Iyo Duruufaha Ku Gadaaman Caruurta Darbijif ka ah Yaa Se Leh Masuuliyadda 1aad ? Q.1aad(WQ: Geele cismaan Takar)

Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland waxaa ku qoran (Qodobka 19) ,Dawladda ayaa masuul ka ah caafimaadka, horumarka iyo waxbarashada hooyadda, ilmaha iyo naafadda aan haysan cid daryeesha sidoo kale (Qodobka 24) wuxuu tilmaamayaa Muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay wuxuu xaq u leeyahay inuu helo nolol, amni, xaqa noloshiisa gaar ahaaneed waxaana mamnuuc ka ah garaacista, ciqaabta jidhka iyo wixii kale dhawaac ah ee soo gaadha.
xeerka siyaasadda daryeelka caruurta aan daryeel waalidnimo haysan qaybtiisa 12aad wuxuu tilmaamayaa in Caruurta darbi jiifka ahi ka mid yihiin qaybaha ugu nugul caruuraha aan fursada u helin daryeel waalidnimo iyo daryeelada kale toona waa in mudnaanta koobaad la siiya.
Dawladu waa inay samaysaa daraasad rasmiya xaaladda iyo duruufaha ku gadaaman carruurta darbijif ka ah oo ay qaadaa talaabooyin qorshaysan oo wax kaga qabanayso xad gudubyada jidheed, jinsiyeed iyo maskaxeed ee carruurta darbijiifka ah loo gaysto.

Dareenka qof gaajaysan ma soo gudbin kartid adigoo dheragsan
Waa inaad mudo la soo qaadato wakhti oo aad deristo xaalada dhabta ah ay ku sugan yihiin waxaana ugu daran xiliga roobka iyo xiliyada qobowga.

Xiligan oo lagu jiro wakhtii dhaxanta ayaa waxaad arkaysaa dhalin tiro badan oo ku qadhqadhaysa hareeraha wadooyinka waawayn ee caasimadaha gobolada isla markaana dadka ka codsanayaan sidii ay uga gacan qaban lahaayeen qabowga,gaajada iyo darxumada maalin walba haysata.
Hadaba yaa leh masuuliyada koowaad dhalintan ku tabaalaysan badhtamaha caasimada hargeisa iyo gobolada qaarkood ?

Aan ka yar horeysiiyo jawaabta suโ€™aashaa maanso dareen aad lahayd oo ka hadlaysay darbi jiifka oo uu ku codeeyey inan kamida dhalinta darib jiifka ah waxaanay u hadlaysaa caruurtaa dhibaataysan.

Duruuf adag baan ku koray
Daryeel hooyana ma helin
Dadaal aabana ma arag
Tol iyo xidid ii damqada
Dadkana kuma lihi wallaal
Waxa aan u hoydaa darbiga
Baahida dacal kayga taal
Ayaa dawarsiga I baray
Darxumo badan baan qabaa
Dubkeyga waxaa ku shidan
Dab kuu waa yuhu I sudhay
Damiir togan baan lahaa
Inaan dadka caawiyoo
Digtoor noqdo waan jeclaa
Duliga nolosha aan ku jiro
Diiftayda waxaan arkaa
Daโ€™deeyda markeey tagaan
Dugsiga iyagoo qurxoon
Farxada waan kala didnaa
Dugaag waxaan qayb sanaa
Hambada aad daadisaan
Barbeey dhaxamuhu dileen
Barbaa daadad soo rog maday
Habeen dumay uu la tagay
Aqoon yahan nama darsaaan
Qoraa guna wuu na dagay
Dadweynaha uma bandhigo
Waxa aanu rabnaa dareen
Daryeel iyo nolol haboon

Maalinba maalinta ka dambeesay way isa soo taraysay carruurta suuqa waxay ka kala yimaadaan Somalia ,jabouti ,ethoipia iyo muwaadiniin Somaliland ah oo ku barakacay dalka gudihiisa waxaa jira qaar intooda badan aanan garanayn ehelkooda.
Sidoo kale xaalada carruurta darbi jiifka cid la socota ma jirto markay suuqa soo galayaan .
Hadaba carruurta sidan oo kale hadaanan dadkoodii hayn Karin yaa ka masuula ? la soco Q2aadโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆโ€ฆ
GEELEMBA@GMAIL.COM