Af-aqoollada ku talax tegay abla-ablaynta afafka, iyo af-dhaadhi kasta oo ku xeeldheer lafo-gurka suugaanta afkeenna hooyo, waxaa ay dareemi karaan waa’ga cusub ee u beryay afka Soomaaliga – haddii ay dhegta u raariciyaan – heeska Saxiib Sax; codka Deeqa Afro; erayyada, laxanka iyo soo-saaridda Cabdirisaaq Bulqaas; iyo muusigga Mustafa Dafle.
“Saaxiib anigaa ku jecel sax,
dartaa caashaqa la ahay kax,
haddaad i tidhaah mar uun bax.
jidhkaba dhidid baa ka odhan fax.”
Hase ahaatee, inta sugaantu biyo-yaroodka ku tahay, soobaanta iyo “tiraab-tixeedda” u ma arkaan bog cusub oo ku soo biiray sugaantii afkeenna. Waxaana hubaal ah in ay ku tiraabayaan, “bal dhegayso waxaa ay ku hadlayso! Sax, kax, bax, ma hees baa? Ma suugaan baa?”
Heeskan oo soo if-baxay dabayaaqadii 2016, anigu falanqayntiisa waxaa aan ku soo baraarugay toddobaadkan taasoo keentay in aan ku eego baadhis afeed, intii garashadayda ah.
Haddaba, markaan u kuurgalay heeska waxaa aan ku dhiirraday in aan qalinka u qaato qareennimo aan ku dhaliiltirayo, weliba, mid aan ugu ololaynayo inuu yahay waa’ san oo u beryay afka hooyo.
Waxaa aan xusuustaa heesahii Dugsigii Qaraamiga sida Kaar, Laac, Rifdoon, Banaadiri iyo Burcaawi kuwaas oo muddo 50-60 sannadood ah safka hore kaga jira heesaha Somaaliyeed. Runtii, heesahaasi ma ay hana qaadeen haddii durbaba lagu ladhi lahaa canbaarayn. Waayo? Waxaa ay baalmarsanaayeen tixdii la yaqaanay, waxaana ay ka dabarfurteen xarafaynta qaafiyada iyagoo sidii buraanburka tuduc kasta laga unki jiray xaraf kale oo qalindaraale ah.
Sidoo kale, heeska “Saaxiib Sax” waxaa uu la kowsanayaa curin ka baxsan tixdii Somaaliyeed isagoo loo ahaysiiyay sida tixda Carabiga ee hal xaraf soo afmeero tuduc kasta. Sidaa darteed, heeskan waxba laga ma weydiinayo afgarooc la fil ah intii uu ka soo gaadhay ololahii barashada af-Somaaliga ee 1972. kuwaa aan soo tibaaxay, murankoodu kama duwana hadaaq-yeedhmadii (utterance) ay ku tiraabeen dhiggoodii, markii “Tiraab-tixeeddu” ay gilgilaysay dunida suugaanta, qarniyadii 18aad iyo 19aad. Waxyar garatada, kuwan iyo kuwiiba, waxaa hoday aqoon ku kooban in afka lagu hayb-sooco labo daaqsimood oo kala ah Tix iyo Tiraab.
Tixdu waa fiinta ugu korraysa afka, waxaana lagu asteeyaa saddex summadood oo kala ah: dhacdayn, muunadayn iyo xarafayn iyadoo lagu tilmaamsado habdhac (rhythm) tiraysan iyo tibixqaad (qaafiyad) isku dheelli-tira tudcaha. Hase ahaatee, “Tiraabta”, ka sokow, weedh dhiskeeda, ma ay jiraan xaraf, xubin iyo isu dheelitir lagu haaneediyo.
Tiraabtu, waxaa ay ka xadhig-furataa “Daabab Tixood” (Poetic Devices) sida dabarrada habdhac (rhythm) iyo tibixqaad (qaafiyad) ee lagu suugaaneeyo lidkeeda, ama tixda. Sidoo kale, tiraabtu waxaa ay hoy u tahay illimada murti, googaaleysi, sheeko, baaniso, odhaah iyo qaybo ka mid ah maahmaahyada. Tiraab waxaa lagu dirsoocaa dhacdo, duluc iyo macne. Mar kale, tiraabta waxaa lagu saleeyaa hab-dhis erayo la isku suurayn karo (semantic) oo loogu tiraabo odhaah. Waxaana ka soo faafa googaalaysi, carrabjalqin, afmuceed, maahmaah, murti, halxidhaale iyo sheeko taawo (art).
Haddaba, mar haddii dadkeennu aanay hore u aqoon “Ttiraab-tixeedda” (prose poetry) ama الشعر النثري}} oo hadda uun ku soo biirtay afka hooyo, horseedna uu ka yahay heeska “Saaxiib Sax”, mugdi kuma jiro in uu heedhheedh iyo hiimsa-hiimse ka gelayo dirkii aqoontoodu ku ekayd inta aan kor ku soo tibaaxnay.
“Murtida sida tusbixii tax,
cishqiga uba deji sidii shax,
jacayl dhaawaciisii baa ax,
aniga igu riday habeen dhax”.
Tiraab-tixeedda lagu soo ballaysimay heeska “Saaxiib Sax” waxaa laga soo dheegtay ama ay ku fadhidaa qaab-dhiska tixda Carbeed oo weydaarsan tixdii Somaalida. “Tax, shax, ax,” waxaa ay yahiin erayo tibixqaad (qaafiyadeed) oo lagu ladhay dhammaadka tuduc kasta, ogow weli weedhu kuma soo afxidhmayso erayyada hore, balse waxaa soo afjaray erayga “dhax”.
Aroorka Afka ayaa loo maraa or iyo eray. Waxaana uu leeyahy laba waaxood oo kala qalan, “Hadal iyo Hawraar”. Hawraartu waxaa ay u dhigantaa “sugaan” waxaana loo sii kala saafaa, Tix iyo Tiraab. Balse, “Hadal” waxaa looga jeedaa, midka aan dharaar iyo habeenba u adeegsanno wada xidhiidhka, sida, qormo, warbaahin, codbaan (speech) iyo deexasho (rhetoric). Waxaana uu ka dhismaa odhaahyo aan loo deyin duluc iyo hab-dhac toona.
“Qalbiyow waxii xun kaba nax,
macaan laan ubaxa ii rux,
isagaa iga mudan inaan tix,
ka tiriyaa jacaylkan uun wax.”
“Ttxda” sida gabay, geeraar, jiifto, masafo, buraanbur, hees, guurow, shirrib iyo welgo ayaa lagu halbeegaa hodontinimada afka. Hase ahaatee, “Tiraabtu” waxaa ay tahay barta u ka soo bud-dhigmo afku. Marka la tixeeyona waxaa ay ku sifoowdaa sed u sii kordhay.
Qoraagii/gabyaagii Samuel Taylor ayaa sheegay tiraab-tixeeddu “in ay tahay erayyo loo tidco si qurxoon; halka tixdu ay ka tahay erayyadii ugu qurxoon oo loo soo taxo sida ugu tayaysan.”
“Meel uu roob weyn ku yidhi shux,
dhulkuna gebigiiba yahay dix,
dadkuna farxad uu la yahay kax,
macaan an dalxiisne soo bax.”
Tiraab-tixeedda, hadda innagu cusub, waxaa dunida laga garanayaa tan iyo qarnigii 15aad. Dalka Japan waxaa ay ka taabba-gashay qarnigii 17aad waxaana looga yaqaanay “Haibun“. Ilaa maanta, waxaa la hayaa maansooyin tiraab-tixeed ah oo xilligaa uu Tiraabyahan Matsuo Basho ku soobaaniyay ama ku bilay buuggiisa “Okuno Hosomichi“.
Arlada Reer Galbeedka, iyagana, tiraab-tixeeddu, waxaa ay ka tisqaaday bilowgii qarnigii 19aad. Waxaana mayalka u hayay dalalka France iyo Germany. Gabyaagii Bolesław Prus (1847–1912) ee dalka Poland, isagoo ay si weyn u saamaysay kacdoonkii tiraab-tixeed ee dalka France, waxaa buuggiisa “Mold of the Earth” laga dheehan karaa tiraab-tixeeddo uu hal-abuuray waa’gaas iyadoo bulshadu u xiisayn jirtay si ay uga digo-rogtaan ama ay ugu dhereriyaan tixda aan la badhxin.
Dunida Carabtana, waxaa la sheegay gabyaagii iyo qoraagii reer Syria, Francis Marrash (1836–1873) inuu ahaa qofkiii ugu horreeyay ee curiyay tiraab-tixeed Carabi ah.
Balse, maansada tiraab-tixeeddu waxaa ay laba kaclaysay sannadahii 1950-1960 ka dib markii ay si xoog leh u soo shaac-bixiyeen sugaanyahannada Maraykan oo ay ka mid ahaayeen Allen Ginsberg, Bob Dylan, iyo Charles Simic. Kan danbe, Simic waxaa uu ku guulaystay abaalmarinta qoraaga sare ee Pulitzer ee 1989. Sidoo kale, Gabyaaga Sweden, Tomas Tranströmer, ee ku caanbaxay tiraab-tixeedda ayaa sannadkii 2011 ku guulaystay jeexa suugaaneed ee abaalmarinta milgaha badan ee Nobel.
Isku soo xoori, afyahannada u kuur galay/gala afkeenna hooyo sida M. Maino, Magaret Laurence, B. W. Andrzejewski, I. M. Lewis, iyo John Johnson (helloy hellalay) waxaa ay af Somaaliga ku asteeyaan guunnimo; hodontinimo; qaro iyo qoto dheeri. Isla markaa, waxaa ay qireen inuu afkeennu fadhiid yahay oo weli sii qottomo halkii ay uga xijaabteen odayyadii iyo abuulankii Somaalidu ka soo isirranayd. Sidaa awgeed, waxaa hubaal ah heeska “Saaxiib Sax” inuu jebiyay derbi ku wareegsanaa afka, waxaana lagu qiimayn karaa tallaabo hore loogu qaaday sidii afkeennu uu u la jaanqaadi lahaa is rogaanrogga afafka casriga ah.
“Adoon uga hadhin jacayl dhex,
falanqay wadnaha sidii dux,
hadhuub caano geella ugu rux,
mudadii caashaqeennu waa lix”,
Gunnaanadka qormadan, waxaa aan amaan iyo bogaadin u soo jeedinayaa soo-saaraha heeska, Cabdirisaaq Bulqaas heerka sare ee uu u soo agaasimay maqal iyo muuqaal dhammays ah. Hobolada Deeqo Afro ayaa iyana muujisay hubqaad, golojoog iyo farxeelnimo ay wax kula qaybsan karto xiddigaha heer caalami. Mustafe Dafle ayaa isaguna wacdaro ka muujiyay sidii uu dhegta u soo gaadhsiin lahaa dhawaaq aad u cuddoon oo jaan iyo jabaqba lagu sargooyay dhaqdhaqaaqa kamarada iyo salamadhlaynta xiddigta.
Si kasta oo loo dhugtu, runtii, heeska “Saaxiib Sax”, waxaa ka muuqda dooc, dareen iyo ifafaale in Somaalidu u sii guranayso dhinaca sugaan, maqal iyo muuqaal u kasmaysan heer adeggaysan (globalized), wax kastoo ay wanaag iyo xumaan leedahay!
Sheekaduna waa sii socotaa…..
Xassan Cumar Hoorri waa qoraa ka faallooda arrimaha afafka iyo dhaqanka. Waxaa laga la xidhiidhi karaa hassanhorri@gmail.com ama ku tixraac @horrimania