Waalidka iyo Carruurta (WQ; Kamal Xassan Isaaq)

 

Waxaa jirey ,Wiil yar  oo 7 sano jir ah  oo ku nool meel baadiye ah , ayaa had iyo goor hooyadii iyo aabbihii is dagaali jireen , maskaxdiisa iyo maankiisan mushkilad bay ku noqotay arintani, haddaba waxaa maalin maalmaha ka mid ah dhacday in odaygii iyo islaantii bilaabeen cay iyo dagaal , wiilkii yaraana wuu agtaana , wuxuu ka codsaday waalidkiisii inay dagaalka  joojiyaan, nasiib daro ma joojin ee hawshooda ayey iska wateen, wiilkii yaraa  wuxuu ka  fikiray sidii uu dagaalkooda u joojiyo ,  waxaanu ku yidhi”hirgoo…..hirgoo…… gumadiyo kuruskaba kala goo”  oo inta badan reermiyigu isticmaalaan  markay awrta isku dirayaan  si ay u dagaalmaan ,

Odaygii iyo islaantii markay maqleen hadalkii inankooda yar  , labadoodiiba intay qosol ku dhufteen , ayey joojiyeen dagaalkii iyo hadlkii ay wadeen , maalintaa wixii ka  dambeeyeyna may dhicin  inay is dagaalaan,  haddaba akhriste waxaad is waydiisa maalin iyo habeen kasta imisa carruura  ayey hooyadood iyo aabbayaashood ku dul murmaan oo isku dul caayaan ama isku dul laayaan , marka taas laga yimaado waxaa jira waalid badan oo ubadka ilaahay ku arsaaqay caaya oo bahdila mana dareensa saameynta maskaxeed ee ay ku yeelanayso mustaqbalka carruurtiisa , fariinta aan waalidka iyo cid kasta oo carruurta gacanta ku haysa aan u u gubinayaa waxay noqonaysa , geedku intuu yar yahay ayaa la toosayaa ee adigu hadaad geedkii qaloociso hadhow qoomamo iyo ciil baa xigi doona , qofkasta dhaqanka wanaagsan ee uu awlaadiisa kula dhaqmo ayey iyaguna hadhow bulshadooda kula dhaqmayaan , haddii aad tahay waalid naxariis badan ,carruurtaaduna waxay noqon doonaan kuwo bulshada u naxariista.

Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu ubadka inoo hagaajiyo.

 

WQ; Kamal Xassan Isaaq

Hargeysa Somaliland

kamaalcadow@hotmail.com