Waan Kula qabaa doonistaada (WQ: Xasan Cabdi Shire)

 

Waa abbaaro 09:00 subaxnimo, aniga iyo saaxiibkay Cumar ayaa jaanta isla helnay si aannu u raacdeyno jidka ay maraan gaadiidka dadwaynuhu. Gacanhaadis iyo foodhi wada socda kaddib baskii waxa uu waddada badhtankeeda ugu hakaday  si aan lahayn joogsi dhammaystiran, aniga iyo jaallahay oo aan lugaha ku wada hubsanna wuu dhaqaaqay. Salka ayaannu ku boobnay meeshii noogu dhowayd annaga oo aan lahayn dookha halka iyo kursiga nagu habboon, waxa nagu soo dhacay xaggee ku badbaadi kartaan oo kali ah. Kirooshboogu isaga oo qaylo hanjabaad ka muuqato dhegaha nagaga ridaya, ayuu nagu yiri  “fadhiista halkaasba,” waa kursi badh janjeedha oo xitayn aanad ku fadhiisan karin adiga oo dhallinyaro ah iskaba daa qof weyne, waxa uu sii raaciyay: ‘’keena lacagta adiga iyo saaxiibkaa.’’ Jeebka bidix ayuu Cumar ka soo saaray lacag kaash ah, intaas kaddib na waxa aannu hoos isu waydiinnay “war tolow miyaa laydin raafay,  mise nidaamka Baskan ayaa caynkan ah!”

Xawaaraha gaadhiga iyo xayndaabka waddooyinku isma laha, xiisadda gawaadhida ee ka taagan waddadu ma yara, baska aannu  saarannahay na waxa uu hadba dhinac u dhufanaya marba haadkii bannaan oo khalad iyo sax uma kala sooc na, sidaa oo kale waxa uu in ka badan afar jeer halis geliyay dadkii saarnaa baskaas. Dadka badankoodu, hadba halistu dhinaca ay jirto ayaa ay gacanta iskaga dhigayaan oo naxdin ayaa qalbigooda buuxisay, ku darso oo qofna uma sheegin in direewalka basku dhimo xawaaraha uu ku socdo sidoo kalena maro waddada saxda ah,  waayo? Qof kasta waxa uu ka baqayaa in uu direewalku ku yiraahdo “iga soo degdeg,” umana muuqato in direewalka basluhu yahay kii lacagta la siinayay ee soo shaqo tegay. Taas beddelkeeda, macmiilkii ayaa baqaya oo lacag iyo xuurto xorriyad la’aan ah ayaa isugu biiray. Intii aannu sii soconnay waxay Baska isku dhici gaadheen Takaasi yaryar oo  iyagu na soo gura dadka shicibka ah ee lacagtooda iska bixin kara.  Labadan gaadhi ee is-halis galinaya waxa ay sidaan dadkii shicibka ahaa laakiin gawaadhida gaarka loo leeyahay  sidaas ma yeelaan, labadan gaadiid na mid kasta haad khaldan iyo hab khaldan ayay u socdaan.

Markii aannu halisgalnay dhowr jeer ayaan direewalkii ku dhawaaday oo waxa aan waydiiyay:

Aniga: Direeweal magacaa?

Direewalkii: Maxaad uga baahan tahay?

Aniga: Waxa aan ka yaabay sida wanaagsan ee aad gaadhiga u waddo!

Direewalkii: Ismaaciil ba lay dhahaa, 24 sano ayaan gaadiidka dadwaynaha waday.

Aniga: Gaadhiga maad qunyar u socoto illayn dad baad siddaaye, dhowr jeer na halis baynu galnee.

Direewealkii: Aniga waxba igama galin oo fursad ayaan ku ordayaa, dadku na waa ku raalli ee adiga maxaa ku daaray?

Aniga: Dadku miyaanay hore intaas kuu oran mise waa kuu maanta?

Direewalkii: Qofna intaas iguma oran karo oo waa iska degayaa qofki waxaas iila yimaadda, iskaba daayoo, dadka Takaasida saarani ma oran karaan, waaba aniga oo haysta shicibka intaas le’eg.

Aniga: Sabab?

Direewalkiii: “Dadkan marka laga yimaaddo lacagta ay i siiyeen, waa inaad ogaataa waa taageerayaashaydii, laakiin adigu waad hadal badantahay!” Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Weliba anigayga noocaas ah ayaa berri kuu noqon kara hoggaamiye aanad ka daba hadlin kana dacwoon karin, dee aniga ayaa kuu talin doona adeeroow inankaagan yaroow, hagaajinta iyo haggidda bas degdegaya yaannu waqti kaaga hallaabin ee hawlahaaga ku mashquul!” “Horta miyaanad dalka joogin, ma qurbo joog baad tahay?” ayaa uu sii raaciyay.  Annaga oo yaabban baannu ka degnay baskii, oo weliba buuqayaga dadku nala yaabban yihiin, qaarkoodna waxa ay lahaayeen “Maxay yihiin kuwa direewalka wanaagsan ku buuqay!” iyo “ma qolo cusub oo dalka ku cusub baa?” Dhulka markaan taabtayna waxa kiriishboogii damcay inuu qoorta isii jiido, isagoo leh “ Muxuu ahaa kani, oo qolomo ayuu ahaa horta?!” Waxa aan is iri wuxuu ahaa mid uu adeer u ahaa oo aan aqoon khalad iyo sax wixii na dhexmaray aniga iyo direewalka baska, laakiin si wanaagsan waxa uu u garanayay, adeerkii oo ahaa diraawalka baska. Kelmaddii ahayd ‘’aniga ayaa weliba hogaamiye kuu noqonaya’’ ayaa maankayga kusoo dhacday, waxaan isugu jawaabay waa runtii isaga oo kali ah ayaa dadka hogaamiye u noqon kara, illayn waxa uu fahmay in dadku aanay xitayn baskaas ama tagsiga oran karin “war bal aayar oo qunyar u soco.”

Dhulka markaannu gaadhnay ayaa Cumar igu yiri “ horta Xasanoow ma xasuusata sheekadii Juxa ee ahayd: Maalin maalmaha kamid ah ayaa Juxa  kiish  u dhiibtay  xammaal si uu gurigiisa u geeyo isagoo aaminay, hadhowna u siiyo lacagta xammaalka, kaddib xammaalkii ayaa qaatay kiishkii halkii uu ka gayn lahaa guriga Juxa, maalintii dambe ayaa Juxa iyo ninkii xammaalka iskaga soo hor baxeen meel suuq ah, markaas ayaa Juxa iska qariyay xammaalkii kiishka ka dhacay, halkii uu ku qabsan lahaa kiishkii uu ka dhacay ninkani! Dabadeed dadkii ogaa xaalku sida uu u dhacay, ayaa Juxa waydiiyay “war maxaad ninka uga cararaysa Juxoow?” Juxa ayaa ku jawaabay: “waxaan ka baqay inuu lacagtii xammaalka I waydiiyo!”  Laakiin Juxa waxa uu illowsanaa in xammaalku kiishkii oo dhan ka qaatay oo uu ku leeyahay wax ka badan lacagta xammaalka. Hadda dadku waxa ay illowsanyihiin in u adeegaha dantooda iyo hogaamiyaha ay iyagu wax ka badan u dhiibteen oo ah ammaano iyo aaminaad labada ba.

Waxa qoray Xasan Cabdi Shire