Waar Goorma Ayaa Layna Qabsaday? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Maqaalkan maalin hore ayaan qoray, laakiin maan fidin, waxaan u fidiyay maanta waa tan dadku khariidadan ay ethopia baahisay ka hadlaya, markaas ayaan jeclaystay inaan dhacdadan idinla qaybsado aan la kulmay.

Maalin aan fogayn aniga oo gaadhiga watay ayaan arkay wadadii oo si cajiib ah loo xidhay, oo aanan waligay arag, wuxu ahaa qaabka loo xidho wadooyinka marka qof dambiile ah la qabanaayo, gaadhi ayaa badhtamka la dhigay labada hareeroodna laba gaadhi oo kale ayaa lagu xidhay.

Anoo yaaban ayaan u soo dhawaaday, mid qaad cunaaya oo calyadii hareerah ka da’ayso oo af agad una eeg Ethopian, ayuunbaa i yidhi keen buugii gaadhiga, waxan ku idhi oo maxaad ahayd, wuxu igu yidhi ma waxa doonaysaa in aan policeka kuugu yeedho, intu intaa lahaa ayaan hareerah eegay, waxaan arkay xafiis maaliyada ah oo dhinaca midig iga soo eegaya, markaas ayaan gartay inay kuwii cashuurah yihiiin, ninkii ayaan ku idhi ma ethpoian ayaad tahay? wuxu igu yidhi waligay maan arag.

Maalin dhawayd nin macalin ah ayaanu sheekaysanay waxaanu ka sheekaysanay arimaha gobolka, maclinkii uun baa igu yidhi dhawr iyo sagaashankii anigoo madarsad tuulo xadka ka dhiga, ayaa nin aan garanayo iyo laba nin oo cadaan ah ii yimaadeen, ninkan soomaliga ihi joornaal ayuu gacanta ku hayaa markaas ayaan joornaalkii ka qaaday, mise waxa ku sawiran khariidada geeska afrika oo hargays iyo magaalooyinkaba ethopia ku jiraan, ninkii ayaan ku idhi waar waa maxay waxan aad sidataa, wuxu igu yidhi waar mabaan eegin eh, ninkan cadaanka ah ayuunbaan ka qaaday, ninkii cadaanka ahaa wuu isku kaaya eegayay, intu soo dhaqaaqay ayuu joornaalkii naga qaaday.

An ku noqdo sheekada hore eh, sheekadaa waxa laygu sheegayay inaanay dheerayn maalinta ay cashuurta inaga qaadi doono ethopianku, warkaas ayaa lay sheegaayay.

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@Gmail.com.