Jamaal Gadari waxan aqoon wanaagsan u yeeshay sannadihii 1988-90, Ilaahay ha u naxariisto (WQ: Ibraahin-Hawd Yuusuf)

Ciyaaryahankii weynaa Jamaal Soofe Yaasiin (Jamaal Gadari) Ilaahay ha u naxariisto. Xalay buu geeriyooday isaga oo ay da’diisu tahay 48 jir keliya.

Jamaal taariikhda kubadda cagta wax uu ku lahaa magac iyo maamuus weyn. Qaybtii dambe ee 1980-nadii ilaa qaybtii hore 1990-nadii qaaradda Aasiya iyo dunidaba wax uu ka ahaa xiddig magaciisu faafay. Wax uu ahaa reer Burco wax ay se reerkoodu isaga oo carruur ah u guureen dalka Gadar oo uu magaciisa u ciyaari jiray. Dalkiisa cusub wax uu u soo hooyay guulo badan, sida Koobkii Khaliijka oo uu u qaaday 1992. Sidoo kale dalkiisa wax uu geeyay Olombigii Barcelona 1992. Sannado badan wax uu ahaa gooldhaliyaha u gu horreeya Gadar, wax uuna u haystay goolasha u gu badan isreebreebka Koobka Adduunka iyo horyaalka dalalka Khaliijka. Wax uu caan ku ahaa goolasha madaxa la gu dhaliyo isaga oo ahaa nin dheer.

Sannadkii 1987 Ciyaarahii Gobollada Soomaaliya Jamaal isaga oo dalka hooyo fasax ku joogay wax uu u saftay gobolka Togdheer, wax uuna Kismaayo/Cabdixaaq ka dhaliyay goolkii u gu qurux badnaa u guna tiiro dheeraa ee abid gobolladu ka la dhaliyaan.
Ilaahay ha u naxariisto ee Jamaal aniga reer Dooxa ayaannu wada ahayn oo aqoon wanaagsan baan u yeeshay sannadihii 1988-90, wax uuna ahaa qof gob ah.

Xigasho: Ibraahin-Hawd Yuusuf