Faaqidaadda buugga long walk to freedom: The Autobiography of Nelson mandela 1995 Q.2aad (WQ: Maxamed Haaruun)

7. Nalsan kolkii uu dugsiga sare dhameeyay, waxa uu sheegay in uu doonaayay in uu karaani noqdo, ikhtiyaarka labaad na waxa uu ahaa turjubaan, waana shaqooyinka ugu sareeya ee dadka madawga ahi qaban jireen waagaas. Si kastaba, Nalsan labadaas midnaba ma yeelin ee sharciga ayuu bartay, halgan dheer ka dib na, looyar buu noqday. Isaga iyo saxiibkii Oliver Tambu ayaa wada furtay xafiis garyaqaanimada ah, dadkii madowga ahaa oo aan hore u arkin looyarro madaw ayayna faynuuska u daareen. Looyarnimada magac iyo dhaqaale ba wuu ka helay muddo gaaban oo uu ku shaqeeyay, laakiin faaiidada dhabta ah waxa uu ka helay intii uu halganka ku jiray, iyo intii uu xabsiga galay. Aqoontiisii dhinaca sharciga, iyo khibraddii uu u lahaa hanaanka uu u shaqayn jiray nidaamka caddaaladda ee Koonfur Afrika dii waagaasi, xoog ayay u anfacday.

 

 

 

Aqoonta sharcigu keligeeed ma anficin ee waxa ku laadhnaa garaadkiisa dabiiciga ah ee xoogga u sareeyay, iyo geesinimo aan caadi ahayn oo dhiigiisa ka buuxday. Qayb kasta oo ka mid ah Socdaalka dheere e xoriyadda, ee uu Nalsan inooga sheekaynaayo, waxa si cajiib ah uga dhex muuqda saddexdaas xaqiiqo – Garyaqaanimo, guurtinimo iyo geesinimo isku dhafan. Hal tusale waxa aan u soo qaadan karaa Maxkamaddii Rivonia  ee xabsi-daaim  ka ku xukuntay 1962 gii, iyo sidii uu u maamulay. Looyaradiisu waxa ay u sheegeen in kiiska loo soo xidhay, oo ah abaabul jabhad hubaysan iyo ka mid ahaansho xisbi la xaaraantimeeyay, taas oo cadaymo badan na loo hayo, ay ciqaabtiisu dil tahay, sidaas darted na aanu wax qiraal ah bixinin.

Nalsan soo jeedintaas waa diiday, dacwad-afeedkii, oo qiraal kii ka mid ahaanshaha jabhaddu na ku jiro, isaga ayaa soo qortay, isla isaga ayaana maxkamadda horteeda ka jeediyay. Afar saacadood buu hadlaayay, oo hadlaayay, caalamka oo dhan na waa lagu faafiyay. Looyaradiisa waxa uu ku yidhi, nimanyahaw haba nala dilo, laakiin in aan ninka cad ka baqdo, oo dafiro wax uu isaguba igu heli doono, oo kiis iiga dhigi doono, waxa ka roon aniga oo qirta, oo asbaabta igu kaliftay na badheedhahayga ka dhiibta. Tiisii buu ku adkaystay, waana sababta loo maleeyo in dilkii ay kaga baxsadeen isaga iyo saaxiibadii. Taasi waa iga yaabisay. Hadii aanu sharciga aqoon u lahayn, dabcan waxa uu ku khasbanaan lahaa in uu raaco uun talada looyaradiisa.

 

 

 

 

 

8. La kulankii tooska ahaa ee Winnie Mandela iyo 1984. Ka dib markii uu 18 sanadood ku jiray Robben Island, 1982 gii waxa halyeygii loo soo wareejiyay Jeelka POLLSMOOR, kaas oo ku yaalla Koonfur Bari ee Cape Town. Halkaas waxa uga bilaabmay nolol waji cusub leh. Waa halka ay ka bilaabmayaan wadahadalada dhex maraaya isaga iyo xukuumaddii caddaanka, taas oo aakhirka keeni doonta in faraha laga qaado. Laakiin arinta yaabka leh, ee aan xoriyad la siiyay wax sidaas ahba uga duwanayni waxa ay dhacday badhtamihii 1984. Mandela waxa uu leeyahay – ka dib markii jasiiraddii nalaga soo wareejiyay, booqashadii waa u sahlanaatay xubnaha qoyskayga, oo Winnie ay u horayso. Mudadaas dheere e uu xabsiga ku jiray, kolka xaaska amaba ehelka kale ay soo booqdaan, looma ogolaan jirin in uu u soo baxo, muraayad ayaana laga tusi jiray, sameecad codka isu gudbisa na waa ay kku wada hadli jireen.

Booqashadu  soddon daqiiqo ama nus saacad kama badan jirin, soddon kaas daqiiqo na waxa ay noola mid ahaan jireen uun, buu yidhi, soddon ilbidhiqsi, marka ay dhamaadan na, askarta ayaa Winnie ku qaylin jirtay oo kaxayn jirtay, aniguna maalmo badan ayaa aan ka sii fikiri jiray muuqalkeedii, buu yidhi. Si kastaba, maalin maalmaha jeelka ka mid ahayd oo aan sugaayay in muraayaddii booqashada ay soo joogsadaan Winnie, inantaydii Zeni, iyo inanteeda u yare e aan awowga u ahay, wax yaab leh baa dhacay. Ninkii Saajin Gregory ee xabsiga maamulaayay ayaa ii yimid, waxa uuna I geeyay qol booqashooyinka loogu talagalay, wuuna iga baxay. Saajin Gregory waxa uu u tegay xubnihii qoyskayga, Winnie oo keliya ayuuna si gooni ah ugu yeedhay. Yeedhmada keligeed ah Winnie waxa ay durba u fahamtay in dhibaato jirto, oo tusaale ahaan aan xanuunsanaayo, gaar na iyada Warka loo siinaayo, laakiin sidaas ma ahayn.

 

 

 

Saajin Gregory isaga oo aan Winnie waxba u sheegin, waxa uu u soo hor kacay dhinacii qolka martida ee aan joogay, iyada oo midkaayana aanu wax ogayn ayaanan mudh isku soo nidhi, askarigii na wuu naga baxay. Judhiiba waanakan aniga iyo Winnie  is helnay, ee isku dhegnay. Muddo dheer ayaan sarajoognay oo isku dheganayn, oo keliya aan maqlaynay neeftuurka iyo garaaca wadnahayaga uun, buu Nalsan yidhi. Waxa ay ahayd 21 sanadood ka hor markii u dambaysay ee jidhkaygu is gaadhay, xitaa gacan qaad kol ay ku tahay. Ma doonaynin in aan Winnie sii daayo, laakiin Hadana waa is adkeeyay oo durba dalbaday in la iigu yeedho inantaydii iyo ilmaheedii, iyakana sidoo kale in badan baan laabta ku hayay. Dhacdadaasi waxa ay ahayd, buu Nalsan yidhi, mid shaki laaan maskaxdaydu kumanaan jeer ku fikirtay, maalintaas bayna rumawday.

9. Xorriyaddii Mandela! Halgankii A.N.C du wuu dheeraaday, oo xoogaystay; foolxumadii nidamkii midab-takoorku meel kasta oo caalamka ah waa gaadhay; cunaqabatayntii caalamiga ahayd ee dunida badankeedu dul dhigay Koonfur Afrika na si wayn ayay nidaamkii jiray u wiiqday. Madaxwaynihii u dambeeyay dawladdii cunsiriga aha, Mr. F. W. de Klerk’s ayaa 9 Febraayo, 1990 kaga khudbeeyay baarlamaankiisii in uu Nalsan Mandela oodda ka qaadaayo, laakiin Mandela ma maqlin warkaas. Subaxdii xigtay (10 Febraayo), ayaa Mandela la kaxeeyay, waxaana loo geeyay madaxwaynihii, waxxaanu u sheegay war ah in berito (11 Febraayo) la sii daynaayo, Mandela na wuu diiday. Waxa uu Mandela u sheegay Madaxwayne de Klerk’s, in kasta oo uu soo dhawaynaayo sii dayntiisa, Hadana in uu door-bidaayo in usbuuc dib loo dhigo, si qoyskiisa iyo xisbigii A.N.C oo maalmo uun ka hor la sharciyeeyay ba ay munaasabaddan si micno leh ugu soo diyaar garoobaan.

 

 

 

Nalsan waxa uu yidhi, Madaxwayne De Klerk’s hadalkaygii ma ka jawaabin, kiisii aan ka dhex galay ayuuna iska sii watay, waxa uuna yidhi berito ayaa lagu sii dayn doonaa, diyaarad ayaana kuu qaadi magaaladaadii Johannesburg, halkkaas baana xoriyaddaada lagugu siin. Hadana waa ka dhex galay hadalkii – waxa aan ku idhi – Madaxwayne waa mahadsantahay, laakiin meeshii aan ku xidhnaa oo keliya ayaa aan xorriyaddayda ka bilaabayaa; dadkii I ilaalinaayay ayaa aan aniga oo xor ah la sheekaysan oo sii macasalaamayn, marka ka dib na, aniga ayaa naftayda maamulaaya oo Johannesburg iskay u tegi doona. Nalsan waxa uu yidhi – ninkii Madaxwaynaha ahaa laba jeer buu kacay oo  kolba qoladii xagga dambe joogtay kala soo tashaday wixii uu kaga jawaabi lahaa doodda aan keenay, aakhirkii na jawaab buu la soo noqday.

Madaxwaynihii waxa uu yidhi – Nalsan, qodobkii ahaa in xorriyaddaada aad ka bilawdo meeshii aad ku xidhnayd waa ogolaanay, laakiin in aan sii dayntaada dib u dhigno ilaa usbuuc ma suurobayso, maxa yeelay saxaafaddii ajnabiga oo dhan ayaa aan warkan siinay, mana bedeli karno hadda. Nalsan waxa uu yidhi, go’aankaas waan la qaatay, midkaayo na yaab ma ku ahayn maxbuus ku doodaaya in sii dayntiisa dib loo digo, iyo kii loo xidhnaa oo dedejinaaya!

 

 

 

Halkaas markii aan maraayay, waxa aan is garab dhigay farqiga u dhexeeya ninkaas Madaxwaynaha ahaa, iyo inta jeer ee uu kolba kacay, ee tashiga ka galay si uu jawaab uga celiyo hadalka maxbuuskiisa; iyo sida fudud ee madaxda Soomaalidu ay arrimo aad u waawayn, oo aad u culus, si fudud ugu go’aamiyaan – waa dhaqan geeljire! Al-muhim, Nalsan maalintii xigtay ee 11 Febraayo, 1990 ayaa la sii daayay, waxaana gelbintiisa maamulaayay rag uu ka mid yahay Cyril Ramaphosa oo ah Madaxwaynaha haddadan ee Koonfur Afrika. TV yada caalamka oo dhan waxa laga sii daayay daqiiqaddii uu xabsiga ka baxaayay Nalsan oo ay garab socoto xaaskiisii Winnie Mandela. Taasi na maalin baal dahab ah ka gashay taariikhda aadamaha ayay ahayd.

Gunaanad iyo faalo: buuggan xasuus qorka Nalsan ma aha mid inahan aan ka soo qaaday ku dhan, ujeedkaygu na in aan dhameeyo ma ahayn. Keliya waxa aan doonaayay, sida aan kor ba ku sheegay, in waxyaabaha iga yaabiyay ee ku jira bandhigga taariikhda halyeygan aan farta ku fiiqo uun. Tusale ahaan, markan uu 21 sanadood ka dib Winnie la kulmaayo 1984, lix sanadood oo kale ayuu jeelka ku sii jiray, dhawr jjeer ayaana loo soo ban dhigay in uu xoriyadiisa qaato, laakiin mabda’iisa ka tanaasulo, ma se yeelin. Dhaldhalaal aduunyo iyo wax kasta oo ay noloshu micno lahayd, amaba yeelan karaysay, waxa uu ka doortay in dadkiisu wax noqdo, taas darted na uu u maro jid kasta oo si kale aanu u mareen, halis kasta na ugu badheedho.

 

 

 

Intii buugga aan akhriyaayay, waxa aan is garab dhigay, qalad ba ha ahaatee, siyaasiga Soomaliyeed xaalkiisa, iyo ninkan Nalsan warkiisa. Malaha waaba dambi in aan sidaas yeelay. In leeg inta uu Mandela nafhur iyo dadaal u sameeyay gobanimada dadkiisa, ayuu siyaasiga Soomaaliyeed na u sameeyaa si uu dadkiisa u gumeeyo. Boobka bilaa xishoodka ah ee hantida yare e dadku leeyahay; kala qaybinta bulshada iyo qabyaladda la caabudaayo, ee dadka lagu kala dilaayo; u adeegista danaha shisheeye si kursiga loo xejisto; jeclanta xukunka iyada oo aan la haynin wax qorshe ah oo umad lagu hogaamiyo; muranka bilaa micnaha ah, hebel ma arki karo wax kasta oo dhaca, xataa hadii taas umadu ku haligmayso, shisheeyaha na si kasta iyo wax kasta waa ugu dul qaadanayaa,  oo isu dulaynayaa; intuba waxa ay ka mid yihiin astaamaha siyaasiga Soomaaliyeed meel uu joogo ba. Markaa in aan Nalsan iyo niman aan garanaayo is garab dhigay, amaba xataa soo xasuustay siyaasiga Soomaaliyeed miyaanay dambi ahayn?