Cilmi-baadhistu waa meelaha lacagaha ugu badan ay ku bixiyaan hay’adaha sirdoonku. Horumarka dal ee beero, warshado, dhaqaale, aqoon iyo siyaasaddeed ba waxa bud-dhig u ah cilmibaadhista. Xarumaha cilmibaadhiseed waa goobaha lagu maareeyo mashaakilaadka ummaddaha.
Baraarugga lagu baraarugay waxtarka cilmibaadhista waxa marag ka ah sida kharashaadka maal-gelinta lugu samayaa uu u kobcay. Muddo toban sanno ah 170% ayuu kordhay isaga oo ka dhaqaaqay $674 billion illaa 1.8 trillion. Korodhkaasina wuxuu dhacay intii u dhexeysay Sannaddii 2000-2010.
Sannadkii 1960 wadarta guud ee kharashka cilmibaadhista ku baxa haddii boqollay loo beddelo wuxuu ahaa sidan;
69% Maraykan
31% Dawladaha kale.
Sannadkii 2016
72% Dawladaha kale
28% Maraykan.
Shaxankan sare waxa aan ka daalacan karnaa dadaalka Maraykan ee dunida hoggaankeeda ku hantay waxa horseed u ahaa cilmibaadhista, imikana dalal badan ayaa dadaal cilmibaadhiseed ka socdaa oo aan ugu horreysiin karno Chine. Waana suurto gal in ay hoggaanka dunida la wareegto hadba ciddii cilmiga ahmiyadda ugu weyn siisa.
Shaxankan hoose ka eeg sannaddii 2016 tobankii dal ee kharashaadkii ugu badnaa ku bixiyay cilmibaadhista.
1. USA : $511.1 billion
2. Chine: $451.2 billion
3. Japan:$168.6 billion
4. Germany: $ 118.5 billion
5. South Korea: $ 79.4
6. France: $62.2 billion
7. United kingdom: $47.2 billion
8. Rusia : $ 39.9 billion
9. Tiawan: $35.8 billion
Source; CRS, analysis of Orginazition for economicic development and cooperation.
Cimibaadhisaha Sirdoonnadu sameeyaan kuwa ugu waaweyn ee aan hogo-tusaalaha u soo qaadan karno waxa ka mid ah:
– Cilmibaadhistii Hay’adda Sirdoonka Ee CIA samaysay ee ay ugu magac dartay MIND CONTROL waa cilmibaadhis nuxurkii qoraal ee ka soo baxay uu noqday Siddeed iyo toban kun (18.000) bog. Xogo badan oo aan ka ururiyay waxa aan ka warwaray in erey bixini habka fahankeennii dhawaa durkiso. Hasa yeeshee qofkii raba in uu wax badan ka ogaado arrintaa keliya ha baadho CIA MIND CONTROL halkaas ayaad xogo badan oo faahfaahsan ka helaysaan.
– Arrimaha daraasaadka ee wax lagaga ogaanayo habka maskaxda Aadamuhu u shaqayso waxa si weyn luugu baraarugay 1924 markaas oo Ruushka iyo Juguslafaakiya ay cilmibaadhis indhaha cilmibaadhaasha reer galbeed soo jiitay ku sameeyaan Maskaxda.
Cilmibaadhitani waxa ay ku talax tagtay waxa loo yaqaan Parapsychology oo ay u qaateen erey-bixinta Biocommunication oo laba u kala baxda;
1. Bioinformation
2. Bioenergetic.
– Sida oo kale sirdoonka Ruushka ee KGB ayaa sameeyay cilmibaadhis kale oo ay ugu magac dareen RUSSIAN SLEEP EXPRIMENT oo ay ugu talo gashay in hab-cilminafsiyeed qofka xogtiisa loo ogaan karo oo aanu waxba uga qarin karin.
– Sirdoonka Hindiya ee magaciisa loo soo gaabiyo RAW ” Research and Analysis Wing” ayaa cilmi-baadhisteedhistii dalka Hindiya ku helay hubka Nuclear ka sameeyay. Waxaana hawshan si joogta ah uga shaqaynayay 100 qof oo 58 ka mid yihiin bio-chemical Engineers ayna weheliyaan dhakhaatiir iyo askar. Cilmibaadhistan waxa dunida si toos ah loo la wadaagay markii Pokhran two la tihaabiyay May. 11.1998.
– Waxa aan isna sina ba loo illaabi karin horumarka xawliga ku socda ee Chine in uu salka ku hayo cilmibaadhisaha Hay’adda Sirdoon ee MCC.
Waxba yaan tusaalayaasha idinku badane cilmobaadhisaha ugu waxtarka badan waxa sameeya hay’adaha sirdoonka weli wax aan daba-socdaa fahankii Soomaalida ee runta ka fogaa ee ku saabsanaa hay’adaha sirdoonka.
La soco…