Wakhti aan sidaasiba u sii fogayn dadka Soomaalidu badankeedu waxa ay ka aminsanaayeen habeenka Bisha Barakaysan ee Ramadaan ku Jira ee Laylatul Qadriga loo yaqaano, in uu yahay habeen uu qofku arkaayo wax nool oo socda, waxaasi Jin iyo Insi midkuu doono ha ahaadee.
Waxaba dhici jirtay in habeenada qaar ay dadku odhan jireen Caawa oo kale ayaa la daydayaa sidii wax lumay oo kale, iyaga oo uga jeeda raadinta Laylatul Qadrigu in ay tahay in uu qofku arko habeenkaasi wax mucjisa ah gaar ahaan wax nool oo soconaya oo Jin iyo Insi mid uu yahay aan la garanayn, ama wax maryo cadcad iwm.
Waxana si gaar ah looga filan jiray in Laylatul Qadrigu uu kasoo daahiro goobaha Mugdiga ah ee cabsidu ku badan tahay, luuq luuqyada iyo dadooyinka aanay dadku inta badan marin habeenkii.
Taariikhda marka laga soo bilaabo xiligii 1991 wixii ka horeeyay waa ay adkayd in Masaajida guddahooda lagu qabto wacdiga iyo wadooyinka diinta ee Culimadu ay dadka u jeedinayso.
Marka lasoo gaadho Bisha Ramadaana waxaa dadka oo dhan caado u ahayd in Culimadu ay dadka ka wacdiyi jirtay goobo gaar ah sida Makhaayado la isugu yimado xiliga Habeenkii gaar ahaan Bacdal Cisha’ha.
Makhayadahaasi waxaa soo fadhiisan jiray Niman culima ah, kuwaasi oo dadka intii soo xaadirta halkaasi ku wacdiyo jiray .madama ay Bisha Ramadaan inta badan ay kusoo beeganto wakhti qabooba ah, waxaa Makhayadahaasi laga shidaa lagana camiraa Girgirayaal dhuxula amma Xaabo, si aanay dadku u dhaxamoon.
Inta aan xasuusto magaalada Hargeysa may badnayn goobaha ama makhayaadaha noocaasi ah ee Bisha Ramadaan marka ay soo gasho laga shalaadi jiray, taasina waxa sabab u ahaa waxa koobnaa oo aan sida u badnayn Culimada inta badan caanka ku ah Shallaadka iyo Shamiridiisa Bisha Ramadaan.
Barnaamijkaasi waxa uu ahaa mid aad iyo aad u habaysan oo ay ka wada qayb qaadan jireen Koox wada socda oo ka kooban, Sheekha Shallaadka akhrinaya iyo Gacan yarahiisa tumaya Durbaan aad u Qayla waynaa oo marka lagu dhufto dhamaan dadku ay wada xadrayn jireen.
Kutubta inta badan laga akhrin jiray Makhaayada ayaa waxa ay ka koob nayeen, Kitaabka caanka ah ee Soomaalidu u taqaano Mawliidka, Kidaabka Burdaha iyo Kidaabka Munaqibka Cabdilqadir Jiilaani oo ay adkayd in laga tago akhrintiisa madaama ay Soomaalidu wakhtigaasi kaba barakaysan jirtay.
Waxyaabaha aadka aan u xasuusto waxaa ka mida in marka uu sheekhu akhrinaayo qaar ka mida bayjajka Kutubtiisa isaga oo ku sheegaaya Carabi ayaa waxa kadaba jiibin jiray Nin kale oo Gacanyare ah, kaasi oo marka sheekhu Sadar akhriyaba ka daba odhan jiray:
“Waar bal dhagaysta.”
Wakhtigaasi aan sheegaayo Makhaayad kastaa nasiib umay heli jirin Barnaamijkasi isaga ah, balse waxaa caan ku ahaan jiray Makhaayado gaar ah oo iyaga lagu yaqaanay in ay bil-kasta qabtan Barnaamijkasi Diiniga ah, kaaso runtii u muuqday mid dhanka Diinta dadka lagu wacyigalinaayo.
Makhaayada Bishaasi diyaarisaa barnaamijkaasi waxa ay ahayd mid ka tilmaaman magaalada dhaqalaheedu Bishaasi kor ayuu u kaci jiray, taasi oo aad looga isticmaali jiray cashada, shaaha iyo suxuurta madaama ay dhammaan wada xidhan yihiin Makhaayadihii kale.
Waxyaabaha aadka u yaabka lahaa waxa ka mid ahaa, in Makhayadaasi ay masuul buuxa ka tahay dhammaan dadka barnaamijka wacdiga Diiniga daadihinaaya kharash kooda, sida Jaadkooda, sigaarkoda, shaaha oo daba qabsi ah iyo cuntadooda oo aan loo miyayn.
Waxa wali maskaxdayda kusii jirta, in Habeenadaasi iyaga ah, haddii Sheekha Xadrada iyo Siirada wada, uu Qaadku ku kala go’o, waxa aad moodi jirtay in ay dadku u kala dheeraynayaan kalgacalka iyo raali ahaan shaha sheekha, kadibna waxa dhabta Sheekha kusoo hooban jiray Qaadka loo hibaynaayo, iyada oo barako lagaga raadinaayo.
Inta badan way adkayd in aad ka mid noqoto dadka Xadrada ama Shallaadka dhagaysanaaya, haddii adan sidan Qaad aad u fara’badan oo aad Ilaa waabariga kusoo jeedo.
Haddii aad ka mid ahayd dadka Xadrada iyo Wacdiga Diiniga dhagaysta Bisha Ramadaan, balse habeen habeenada ka mida aad Qaadka soo qaban waydo, habeenbkaasi waxa ku dhaafi jiray Wacdi iyo waano farabadan oo Sheekhu dadka u sheegay.
Taasina waxa ay ku tusinaysaa sababta ay Soomaalidu Qaadka ugu taqaano in uu Qaadku yahay Quud Awliyo, waana mida keentay wakhtiyadaasi in ninka raba in uu ka mid noqdo dadka xaadira, Xalaqadaha Diinta lagu dhagaysto ayaa waxa khasab noqonaysay in uu noqdo nin Qaadka iyo Sigaarka balwad u leh.
Akhristayaalow waxa jiray wakhtigaasi aan ka sheekaynaayo, Nin oday ah oo la odhan jiray Mooge. Mooge ayaa waxa uu ka mid ahaa dadka inta badan soo xaadira dhagaysiga wacdiga iyo waanada goobahaasi Makhaaayadaha lagasoo jeedinaayo Bisha Ramadaan.
Waxa uu ahaa nin aan habeen kaliya ka maqnaan goobahaasi, ilaa habeen uu jaadka soo qaban waayo mooyaane, waxa uu ahaa nin aad ugu qiirooda marka Durbaanka iyo Sacabku isla jaan qadaan Sheekhuna uu raaciyo sawdkiisa macaan, Shaliila yaa cabdil qaadir Almadaad yaa Qalbi xaadir.
Waa habeen Arbaca ah Bisha Ramadaanna waa 27 Todoba iyo Labataan, Sheekhii Makhaayada wax ka wacdiyay ayaa waxa uu ku dheeraaday kuna dhaartay, in ay Caawa tahay habeenkii Laylatul qadriga.
Waxa uu yidhi isaga oo hadlaaya:-
“Caaawa Habeenkii Laylatul qadriga, Bisha Ramadaana waa 27 in ay Caawa Laylatul qadri tahay waxaa ku dhaartay Cabdilahi Ibna Cumar Illaahay ha ka raali ahadee, waxaan u sheegayaa qofkasta waa in uu Laylatul-qadriga raadiyo oo aanu ka seexan caawa, kadibna Fooxa ayuu Dabka ku riday!!.”
Ninkii Mooge ahaa madaama aanu kaba fogayn Meesha uu Sheekhu fadhiyo waxaa dhagahiisa sida falaadhaha ugu soo dhacay dhaartii iyo hadalkii sheekha, waxa uu rumaystay in ay caawa tahay habeenkii la arkaayay Laylatul qadriga, waxa uu go’aansaday in aanu Guriguu tagin ilaa ay kulmaan Laylatul qadriga.
Waxa la gaadhay xilli ay Suxuurtu soo dhawaato, waxa laga dareeray Makhaayadii, dadka badankoodu waxa ay u wada xusul duubayaan in ay caawa la kulmaan Laylatul qadrigii, ninkasta toban mijood oo Jaad ah iyo afar baakidh oo sigaara ayaa ku tagay.
Waa habeen layaab leh qof qof la hadlayaa ma jiro, waxa lagu kala wada arooray luuqluqyada iyo goobaha Laydhku ku yar yahay mugdiguna ku badan yahay, waxa dhirta hoosteeda laga dayay Laylatul qadri, qofkastaaba waxa uu si gaar ah u raadinayaa Qof ama wax u eeg oo maro cad sita oo kasoo horbaxa.
Odaygii Mooge ahaa waxa uu soo qaaday wadada tagta Xaafada New-Hargaysa, waxa uu dacalka Koonfureed ka marayaa Xabalaha Tiyatarka u dhaw ee layidhaa Danjirka tahsoon, waxa uu ku celcelinayaa Adkaar Sheekhu usoo laqimay, oo ka caawinaysaa in uu si dhakhso ah uu Laylatul qadrigii ula kulmo, kaligiina mahee midkasta oo caawa Laylatul qadrigii raadinayaa Carabkiisu waa uu qalalay.
Odaygii Mooge isaga oo maraya meel u dhaxaysa Dayrka Xabalaha iyo Malcaamada Aw-yoonis, ayaa waxaa markaliya meel Kudaafada kaga soo booday nin waalan oo danbas ku dhex galgalanayay aadna u qaylinaya, walibana qaawan oo aan wax dhar ah xidhnayn.
Waxaaba taasi kasii daran ninkii Mooge oo markaliya inta uu farxad la muraara dilaacay, isaga oo qaylinaaya inta uu cararay ninkii waalnaa laabta laabta u saaray isaga oo leh:
“Waa Kan Laylatul Qadrigii.”
Balse ninkii walaa oo arkay in balaayo ka waalani ay ku dhagan tahay, ayaa inta bud uu sitay qaaday Odaygii Mooge madaxa laba kaga kala dhigay.
Odaygii Mooge oo dhiigu ka da’aayo ayaa orod inta uu isa siidayay ayaa waxa uu u jahaystay dhinacii ay ka xigtay Makhaayadii laga soo wacdiyay, ninkii waalana kama hadhine budkii ayuu la daba ordayaa.
Balse Mooge madaamaa uu wakhtigan xaadirka aad u mirqansan yahay kuna tageen dhawr Mijood oo Jaad ah iyo dhowr Baakidh oo Sigaar ah una dheer tahay shaaha bigayskaa oo aan tiraba lahayn, ayaa waxa aanu ogayn dhiiga madaxiisa ka da’aaya.
Mooga ee Qaylinaya ayaa Makhaayadii daf yidhi isaga oo ku dhawaaqaya:-
“Waar iga reeba laylatul Qadrigii ayaa I egyanaayee.”
Intaasi ka bacdi waxa dadkii ay arkeen Mooge oo nin waalan oo la wada garanayaa uu dabada kaga jiro, kadibna ninkii waalaa ayaa laga kaxeeyay oo iskaga cararay.
Sheekadan Mooge laftiisa ayaa aniga bari danbe iiga sheekeyay.
Waxyabahaasi aadka u qaldan waxa keenaya fahamka qaldan ee ay inta badan ay dadku ka qataan Diinta, taasi oo u baahan in ay dadku bartaan Diintooda sharafta leh si ay uga baxaan garashadarada ka haysata Diinta isla markaana uu ugu hagaago camalka iyo cibaadada ay rabaan in ay Rabigood ku baryaan.
1-إنّا أنزلناه في ليلة القدر@ 2-وماأدراك ما ليلة القدر@ 3-ليلة القدر خير من ألف شهر@ 4-تنزّل الملائكة والرّوح فيها بإذن ربّهم من كلّ أمر@ 5-سلام هي حتّى مطلع الفجر@.
Mida kale Habeenka Laylatul qadrigu maaha Habeen qofna uu la kulmaayo Ruur amma wax la mida oo soconaaya,balse waa habeen loo bahan yahay in Cibaado iyo camal suuban lala yimaado ,iyada oo aan Jaad iyo Sigaar iwm aan nafta la cunsiin laguna soo jeedin.
Si kastaba ha ahaatee habeenka Qadrigu waa habeen aan ka baxsanayn 10-ka habeen ee danbe waxaana haboon in guntiga dhiisha la iskaga dhigo oo aad ku dadaashid in uu Illaahay ku waafajiyo habeenkaa khayrka badan Ruuxii uu Illaahay waafajiyaana wuu liibaanay Aakhiro iyo Adduunba. Waana inuu Ruuxu aad u badiyaa Salaada, Qur’aan akhriska iyo Ducada iwm.
Umaanaa Caa’isha RC Rasuulka scw Markii ay waydiisay haddii ay la kulanto habeenkan barakada badan wixii ay ku ducaysan lahayd wuxuu u Sheegay in ay ilaahay way diisato Cafis.
https://twitter.com/khadar_aar
Waxa Qoray Qareen Khadar Ibraahim Aar