Wadaaddada iyo waaqicinnimada. W/Q: Cabdiraxmaan Hayaan

Qofku inuu noqdo qof la socda waayaha hareerihiisa ka jira, ka hadli kara waxa taagan, waxna ka qori kara hadba dadkiisa dhibta la soo darista ama ay ku dhex jiraan, waxay u baahantahay waaqicinnimo ku ladhan aqoon iyo tababar.

Inaad hesho fikrad aad waxa ka qorto ama ka hadasho, maaha mid iskaga kaa dhacda, hase ahaatee waxay u baahantahay tababar maskaxeed iyo dhugasho dhago furan iyo indho furan aad ku eegayso nolosha kugu xeeran. Haddaaan intaa ka sii kordhiyana waa in aad saxaafadda wax ka taqaanno.

Bal ka warran haddii toddobaad walba lagaa rabo qodob cusub oo aad ka hadasho?  Sidaa waxa la mid ah wadaadka jimce walba laga sugayo khudbad cusub oo aan tii jimcihii hore ahayn.

Jimce dhawaa oo aan ku tukaday mid ka mid ah masaajiddada Magaaladan Hargeysa ayaan aad u dareemay dhibta khadiibka masaajidka ka haysata, helidda fikir wax ku ool ah oo bulshadana wax u atara.  Maalintaa qodobka uu ka hadlayay ayaa ahaa ama ku saabsanaa Shirkiga (shirkigu waa eray carabi ah oo marka diin ahaan loo fasiro, macnihiisu yahay, Ilaahay oo cibaadada cid lala wadaajiyo).

Haddaba in kasta oo sheekhu si qurux badan u soo diyaarsaday,isla markaana aayado badan iyo axaadiis badan ku ladhay, haddana waxa khudbaddiisa iiga muuqatay khibrad la’aanta ka haysatay, helitaanka fikirka iyo u soo gudbinta sida bulshada wax u taraysa.

Tusaale ahaan waxa uu sheekhu carrabka ku adkaynayay oo xoojinayay isaga oo dadka masaajidka la hadlaya, in ay iska Ilaaliyaan in ay Ilaahay cibaadada cid la wadaajiyaan, haddii kale cadaab abadiya  la kulmi doonaan,  sida uu Ilaahayba quraanka innoogu sheegay. Waa run lama taabtaan ah in haddii Ilaahay cibaadadiisa cid kale la barbargaliyo ay ka mid tahay dunuubta waaweyn.  laakiin su’aasha aan is weydiinayay aniga oo masaajidka ku jira ayaa ah. Tolow masaajidka ma waxa jooga dad looga baqayo danbigaa weyn amma ku dhex jira?

Qodobka uu sheeku ka hadlayay oo uu si dulmar ah oo guud u soo gudbinayay ayaa laga dheehan karayay in aanay siduu u hadlayay ahayn si waaqicinnimo ah, waayo haddaan la is indha tirayn masaajidka ma joogin markaa qof shirki ku dhaqmaya si ula kas ah oo canaadnimo  iyo madax adayg ay ka tahay, ama magaaladaba ogaalkay ma joogo qof soomaali ah oo aan Ilaahay cibaadada u oggolayn oo illaa xad meel adag ka taagan. Sheekhan oo kaliya yaynnaan waxba eersan ee waxa jira  qaar badan oo kale oo goor iyo ayaan ka hadla qodob markaa aanay bulshadu u baahnayn in laga wacyi galiyo,  ama ha ahaado mid waqtigiisii la soo dhaafay ama ha noqodo mid aan la gaadhinbee.

Haddaba sheeku si uu u noqdo waaqici, halkaa hoos ayuu uga daadegi lahaa, isaga oo dadka u tilmaamaya waxyaabaha laga yaabo in ay aqoon darro u gaynayso ee sababi kara in ay shirki ku dhacaan, waxyaalahaas oo laga yaabo in dadka inta badani aanay iska dhaadin. Waliba uu ku daro in waxaa uu ka hadlayaa noqdo mid taagan oo maalmahaa wax ka soo cusboonaadeen ama dadka qaar dhex dabbaasheen iyaga oo aan u malaynayn in ay danbi ku dhacayaan.

Maadaama oo sheekhu ku qasbanyahay in uu toddobaadkiiba la yimaaddo qodob cusub, waa in uu noqdaa mi u tababaran siduu u heli lahaa fikir waqtigiisu joogo oo waxtar leh islamarkaana soo jiidasho leh. Si uu heerkaa u gaadhana waa in tababarro ku saabsan helitaanka fikradaha loo furo khudabada masaajiddada dalka .

C/raxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@gmail.com