Daahir: Alxamdulilaah haddaad diinta ku dhaqanto taas weeye wadaadnimaduba, mid kalena aan kuugu daree diidmada wadaadnimadu waa diin-diid, duridda wadaadnimaduna waa diin durid, haddiise aad wadaad maagto adiga oo khaladkiisa ku maagaya ee aan wadaadnimadiisa ku dhaleecaynayn, taas waad ku saxsanaan kartaa, haddii waxa aad ku haysataa uu saxanyahay, inse aad wadaadnimadiisa denbi ka dhigtaa, waxa ay la mid tahay adiga oo wixii uu ku wadaaddoobay oo diinta ah ku ceebaynaya, waxa ay la mid tahay adiga oo dib u dhaca muslimiinta ku dhaleeceeya diintooda oo sabab uga dhiga, halka sababta dhabta ahi ay tahay iyaga oo diintoodii ku dhaqmi waayay.
Digaale: Waan kula fahmay intaas, welise far baa ii taagan oo waxbaan gocanayaa.
Daahir: Dadka cuqalada ahi haddii ay si daacad ah wax isu dhaafsadaan isma afgaran waayaan, markase afmiishaarada wax xumaynayaa ka dhex adeegaan, ibliisna ku shaqaysto, islaamnimadii ayaa lagaaga dhigayaa bahala galeen ay tahay in laga fogaado.
Waa maxay waxa aad gocanaysaa?
Digaale: Dad badan baa dhaqan diineed leh, wadaaddana looma yaqaanno, waxaana laga yaabaa in qaarkood ka dhaqan fiicanyihiin oo ka cibaado badanyihiin kuwo wadaaddo loo yaqaanno, markaa sidee ayeynnu isu qabadsiinaynaa dhaqanka diinta iyo wadaaddada?
Daahir: Waa suโaal fiican, horta mid waan kugu waafaqsanahay oo sidaa aad u dhigtay way dhacdaa, in la arko qof aan wadaad LOO AQOONNIN, oo haddana ka diin fiican mid wadaad bulshadu U TAQAANNO, midhkaa waan kula qirayaa oo way dhici kartaa, laakiin waxa iyana muhiim ah in aynnu fiiro gelinno oo fahanno arrimahan:
1. Sababta ninkaas loo siiyey sifada wadaadnimada, ninkaa kalena loo siin waayey waa maxay, iyaga oo labadooduba dhaqan diineed leh, hase yeeshee ku kala fiican, oo weliba ka aan wadaadka loo aqooni ku fiicanyahay?
Jawaabta suโaashan waxa aan isleeyahay waxa weeye: fahamka dadkeenna ee wadaadnimada oo inta badan ay ku soo koobaan labadan arrimood:
B. MUUQAALKA GUUD, oo qofku hadduu shacaaโirta diinta ee muuqata la yimaaddo, sida in uu gadhka la baxo, surwaalka sunnada waafajiyo, gabadh-dhu in ay xijaabka xidhato iwm, markaa dadku waxa ay markaba siiyaan sifada wadaadnimada- waa sifo muuqaalka ku xidhan!
T. Haddii uu qofku tacliinta diinta dhigo, amaba dadka wacdiyo oo diin ku wacdiyo, markaasna sifo wadaadnimo ayaa la siiyaa.
In wadaadnimada muuqaalka debedda ee qofka oo keliya lagu jaangooyaana sax ma aha ee waa faham gaabni, oo sidaynnu isla soo qirray wadaadnimadu waa dhaqan diineed oo kor iyo hoosba koobsanaya.
2. Midda kale ee iswayddiinta mudane waxa weeyey, ma qaadashada magaca wadaadnimada ayaa muhiim ah mise dhaqangelinta diinta, mase kala bixi karaan?
Horta waxa aynnu isla meel dhignay in wadaadnimadu la macna tahay (ุงูุชุฏูู), ama in dhaqandiineed la yeesho, markaa eraygu waa soo dhoweyn uun, waxaanu ka tarjumayaa saddexdaa kelmadood ee ah:โYeelasho dhaqan diineedโ oo la mid ah wadaadnimoโ.
Bal haddaba aynnu is wayddiino: Wadaad yaa ah?
Haddaan soo koobo: Wadaadnimadu waa xero weyn oo qofba in buu kaga jiraa, waa heerar kala durugsan oo kala sarreeya, muuqaalku waa ka qayb laakiin keligii ma aha sifada lagu xaddido qofka wadaadnimadiisa, qaar aan muuqaallo wadaad lahayn oo wadaaddo waaweyn ah ayaa jira, kuwo muuqaal culimo leh oo shayaadiin ahna waa la heli karaa.
Digaale: Dooddu way inala dheeraatay, saddex arrimoodse waynnu isla meel dhignay:
1) Wadaadnimadu shaadh la gashado ma ah ee waa yeelashada dhaqanka diinta, waana sifo fiican.
2) Wadaadnimadu muuqaalka ma aha ee waa dhaqanka, qofku isaga oo wadaadnimo ku sifaysan hadduu dhaqankii diinta ka dheeraado, wadaadnimadii ayuu meel kaga dhacay ee wadaadnimada lafteedu kuma ceebaysna.
3) Wadaadka oo wadaadnimada lagu duraa waa denbi diimeed iyo camal shaydaan.
Daahir: Ma xuma sida aad u soo koobtay, inkasta oo doorashada erayada aanan kugu wada waafaqsanayn, maanta ka dibna waxa aan kaa filayaa in aad wadaaddowdo oo lagaa arko wadaadnimada.
Digaale: Aad baan ugu faraxsanahay in aynnu mawduucan ku qaxweynay oo muhammaddiisii isla fahannay, sidaa aad ku gabagabeysay ayaynnu isku ognahay- Tawfiiqda Alle ha ku lammaanaato- wasalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Awdaahir: Alle garabkaaga ha ahaado adigana, Wacalaykummasalaam Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.
Buuggayga Halbeeg cutub ka mid ah oo ka kooban ilaa 26 bog ayaan kaga hadlay: wadaaddada, culimada iyo diinta, faham ahaan, masuuliyad ahaan, taariikh ahaan iwm, fadlan ku laabo haddii aad awooddo.
Dhammaad.
Linkiyada hoose ka akhriso qaybihii hore.
https://bandhige.com/wadaadnimadu-ma-diin-baa-q-2aad-wq-dr-abdulqani-hussein-beder/
Dr-Abdulqani Hussein Beder