Wadahadalada Somaliland iyo Somaliya: ma lagu aamini karaa madaxwayne Biixi iyo xukuumadiisa? (WQ: Sulaymaan Rooble)

Laguma Aamini Karo Wadahadalada Masiiriga ah ee Somaliland iyo Somaliya Xukuumada Madaxwayne Biixi

Qoraalka ka soo baxay Golaha Wasiirada Somaliland ee Ku saabsan Wadahadalada Somalia iyo Somaliland waxa uu daboolka ka faydayaa Aqoon La’aan Dublamaasiyadeed oo haysata Madaxwayne Muse Biixi iyo Xukuumadiisa.

Wadahadlkii Somaliland iyo Somalia 🇸🇴 oo Beesha Caalamku waday kana soo bilaabmay Shir uu martigaliyay Ingiriisku🇬🇧 oo lagu qabtay magaalada London gaar ahaan Lancaster House, 23 February 2012. Qodobadii ka soo baxay shirkaasi Qodobka lixaad ayaa u dhignaa sida tan “Beesha Caalamku waxay taageeraysaa Wadahadal kasta oo dhex mara Somaliland iyo Somalia ‘kaasi oo ujeedkiisu yahay in ay qeexaan xidhiidhkooda mustaqablka'” (the need for the international community to support any dialogue that Somaliland and Somalia ‘may concur to define their future collaboration’).

Kadib waxay labada dhinac Somaliland iyo Somalia wada yeesheen 7 Kulan waxana fool ka fool ah waxa ugu horeeyay Kulankoodii ka dhacay Chevening House 20 – 21 June 2012, shirkan oo qaabka guud ee Wadahadalka oo ka koobnaa 8 qodob lagu meelmariyay, maalin kadib Xoghayaha Arimaha Dibada Ingiriiska ayaa soo saaray qoraal uu ku hanbalyaynayo Shirkaasi ay Somaliland iyo Somalia ku yeesheen Cheveninig House London 20-21 June 2012. Foreign Secretary William Hague: “I congratulate the Somali Transitional Federal Government and Somaliland representatives on agreeing the Chevening House Declaration yesterday.”

Waxa ku xigay shirkii Dubia June 28, 2012, oo ay Madaxwaynaha Somaliland Ahmed Mohamed Mohamoud iyo Madaxwaynaha Somalia Sheikh Sharif Sheikh Ahmed ay fool ka fool ugu kulmeen, seddex wareeg oo Wadahadalo ah ayaa ku qabsoomay Istanbul iyo Ankara,Turkey mudadii u dhaxaysay 2013 iyo 2014. Waxa ugu dambeeyay Kulankii Djibouti ka dhacay December 21, 2014 oo ay ka soo qaybgaleen Madaxwaynahii Somaliland Ahmed Mohamed Mohamoud iyo Madaxwaynihii Xukuumada Federaalka Somalia Xasan Sheikh Mohamoud.

Guud ahaan kulamadaasi ay wada yeesheen labada dhinac waxa ka soo baxay heshiisyo iyo is-fahano kala duduwan oo ay beesha caalamkuna markhaati ka ahayd, waxana kale oo kulamadaasi lagu soo dhisay qaab dhismeedka Wadahadlku u soconayo, xeer hoosaadkiisa iyo Xafiis Secretariat oo Turkey laga furo, hada Qoraalka ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirada Somaliland arimahaasi oo dhan laguma xusin. Sidoo kale, laguma xusin qoraalkaasi cida burburisay Wadahadaladaasi hore iyo Qodobada ay buriyeentoona.

Wadahadalkii ugu danbeeyay ee Kenya sidoo kale lama soo hadalqaadin.

Madaxwayne Biixi iyo Golahiisa Wasiirada waxay u muuqdaan, qaar Somalia la bilaabay Wadahadal Cusub, oo u dhexeeya Xukuumadan cusub ee Somaliland iyo Xukuumadan cusub ee Federaalka Soomaaliya. Wadahadaladani uma dhexeeyaan Xukuumado ee Waxay u Dhexeeyaan 2da Dal ee Somaliland iyo Somalia, Waxan tani ku tusinaysaa sida ay Xukuumada Madaxwayne Muse Biixi uga ardan tahay Dublamaasiyada iyo sida ay u shaqayso.

Madaxwayne Muse Biixi Abdi ayaa isagoo Head of State Xaramka kula kulmay ayaa sawir la galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Somalia, inkasta Wasiirada Fadaraalka Soomaaliya ay sheegeen In Kulanka ay kula yeesheen Xaramka Madaxda Somaliland aanay uga hadal wax Siyaasad ah oo uu ahaa kaliya Salaan iyo Kulan Soomaalinimo. Balse sawirkaasi dhinaca nidaamka duwaliga ah waxa uu ahaa Sawir Dublamaasiyadeed oo diraya Fariin Isfahan oo ugu yaraan ah in xiriirka labada dhinaca aanu xidhnayn.

Dublamaasiyadu waa xirfada la adeegsado furdaaminta Arimaha u dhexeeya 2 dal, iyadoo wax cadaawad ah la abuurin. labo dal Wadahadalo ka (the art and practice of conducting negotiations between nations, without arousing hostility). Waxay u shaqaysaa Dublamaasiyadu sida jidhka bili’aadmiga oo kale u koro ayay u kartaa, Kirin ka Aadamigu heerar kala duwan buu soo maraa, Waa mustaxill oo ma odhan kartid, Warsame waa 20 sano jir, waxana uu dhashay hadda. Nolol soo koraysay 20 sano ayuu Warsame 20 sano jir Ku Noqday.

Sidaasi oo kale Wadahadalo Masiiri ah oo u dhexeeya 2 dal, waxay Ku xidhiidhsan yihiin Taariikh iyo Dhacdooyin Maguurto oo mudo soo jiitamayay, mar la Midoobay mar Dagaal lagu jiray mar la Wadahadlayay. Sidaasi darteed Caqli iyo Aqoon maaha In Dawladii kasta ee Cusub ee ka dhalata Dalka Wadahadalku inaga dhexeeya In aad EBER kala soo bilowdo Wadahadal kii 20 sano Ku dhawaad soo Socday.

Wadahadal Dublamaasiyadeed oo Masiiri ah kaasi oo soo Socday mudo ayna soo wadeen Masuuliyiin adiga kaa horaysay oo matalayay Dalkan aad hada matesho Adigu. Haddii aad wixii hore u socday aad baalmarto oo cuskan waydo oo aad hanaan cusub adigu jeexato oo guulihii iyo wadahadaladii hore aad ku dul dhisi waydo .

Taasi waxay ka dhigan tahay in aad daadifaysay heerarkii hore ee wadahadalada adduunku maraga ka ahaa isla markaasina waxay daaha ka rogaysaa In aad diyaar u tahay Muran Soomaali iyo Gar iyo iska dabowareeg Hebel iyo hebel kuma jiri karaan Wadahadalada ayuunbaan la soo taagnaan doontaa iyo ………. ?

Xukuumada Madaxwayne Muse Biixi iyo Laftigiisa Waxan kula Talinayaa In ay si fiican u daraaseeyaan Warqadda Xukuumada Kenya u Qortay Baarlamaanka Dalkeeda ee Ku saabsan Khilaafka Badda ee kala Dhexeeya Soomaaliya, Dawlada Kenya waxay Warqadaasi Qiraalkeeda ka soo bilowday heerarkii ay soo mareen Wadohadaladii ay Kenya iyo Somalia wada yeesheen ilaa iyo 1960s, IHN Mohamed Ibrahim Egal oo Raiisal Wasaare ka ahaa Somalia ayay Kenya Ku Xustay Qoraalkeeda Wadahadalo uu dhinaca Somaliya Ku matalayay oo Kenya uu la yeeshay, hada garo oo Kenya waxay Baarlamaankeeda kala hadlaysaa Khilaafka Badda ee labada dal ee hada Taagan.

U fiirso, Qoraalka ka soo baxay Golihii Wasiirada ee Xukuumadeena, waxay kaga hadlayaan 10 sano oo Wadahadalku Socday kadib “Dad ka soo jeeda Somaliland oo xilal ka haya Somalia yaanay Wadahadalada dib u furmaya ka soo Qaybgalin”. Qoraalka Golaha Wasiiradu soo saareen laguma xusin wax references ah, goormay bilaabmeen imisa jeer ayaa la kulmay yaa gogosha bixiyay maxaa lagu heshiiyay yaa buriyay?.

Waxa kale oo la Yaab ah Wadahadalada Masiiriga ah ee mudadaasi soo Socday Golaheena Wasiiradu waxay kaga hadlayaan Mashruuc yar oo Muqdiisho lagu saxeexay oo si gaar ah looga hadli karo.

Ugu danbayn waxan ugu baaqayaa Madaxwayne Biixi In aanu tacab khasaarin Guulihii Umadda Somaliland iyo Xukuumadihii Dalka ee hore ay soo dhiseen. Wax kasta oo Xukuumadihii hore ee Somaliland magaca umada Ku galeen waa Hanti Qaran, Tusaale ahaan Wadahadalada hore ee Somaliland iyo Somalia iyo Heshiisyadii ay wada gaadheen waa Hanti Qaran.

Dublamaasiyada Caalamku uma shaqayso sida ay Hogaamiyayaasha Dhaqanka Soomaalidu u shaqeeyaan.

Lixdankii Aqoondaro Siyaasadeed iyo Khibrad La’aanbaa Cadaabta ifka ee Adduunka oo Muqdisho Ku taal inagu dhexriday hadeera Aqoondaradii ayaa Xukuumadeenii haysta diyaara uma aha In ay Muwaadiniinta Aqoonta leh wax waydiiso Xukuumada iyo Madaxwaynaheena.

Anigu ma lahi Madaxwayne Biixi Dalka laguma Aamini Karo mana lihi Madaxwayne Biixi iyo Xukuumadiisa ldaacad kama aha Qarimada iyo Gooni Iskutaaga Somaliland LAAIIN WAXAN LEEYAHAY KHIBRAD LA’AANTA MADAXWAYNE BIIXI IYO XUKUUMADIISA EE DHINACA DUBLAMAASIYADA AWGEED LAGUMA AAMINI KARO WADAHADALADA MASIIRIGAAH EE U DHEXEEYA SOMALIA IYO SOMALILAND.

http://www.europarl.europa.eu/…/sede200312londonconference_…

http://waayeelnews.blogspot.com/…/chevening-house-declarati…

https://www.gov.uk/…/foreign-secretary-welcomes-historic-ta…

https://www.somtribune.com/…/…/12/Istanbul-II-Communique.pdf

No photo description available.No photo description available.No photo description available.Image may contain: text