Isku duubnnida iyo wadajirtka ay ummadi hantidaa, shaki la’aan waxa uu sabab u noqdaa dhismaha dawlanimo iyo dal qurux badan oo gudihiisa farxad iyo nabadgelyo loogu wada noolaado. Ma jirto guul ka weyn in dadku ay wada dareensanyihiin wada-lahaanshaha qarannimo. Tan iyo wakhtigii ay Somaliland ku jirtay halgankii lagaga soo horjeeday taliskii askarta ahaa ee Siyaad Barre, waxa hub iyo saanad ba u ahaa isku-duubnnaansho iyo aragti isku mid ah oo ay ka lahayd halgankaasi. Dib u dhiskii iyo nabadayntii beelaha walaalaha ah ee Somaliland wada dega iyadana waxa tiir dhexaad u ahaa wax wada lahaansho, isku tanaasul iyo wada tashi u horseeday in uu damiyo colaado wakhtigaa aloosnaa oo sababi lahaa halaag ku dhaca Somaliland.
Dhammaan guulaha ay Somaliland gaadhay oo dhan iyo kuwa ay doonayso in ay gaadho waxa shuruud u ah ilaalinta isku-duubnida iyo ka fogaanshaha wax kasta oo dhibaato u gaysan karaya wax-wada lahaanshaha midnimada bulshada Somaliland.
Madaxweyne kastaa waxa uu leeyahay hab uu isagu doorto oo uu waddanka ku hoggaamiyo, hoggaan kastaana dhaliil ma waayo. Dhaliishuna waxa ay ka timaaddaa kolka qasho la qabto, waxa se la is dheeryahay aqbalaadda dhaliilaha ka sabooxa wixii ka qalloocday shaqadii la qabtay.
Maanta, marka Hargeysa laga reebo, meel kasta cabasho ayaa ka yeedhaysa, cabasho kolka aad dhegaysato wax qabashadeedu aanay cuslayn ayaa baxaysa. Arrimahaasi xallintooda, intooda suurtogalka ahi waxa ay inoo horseedi doontaa horumar iyo isku-duubnnaansho uu cadawgu ka naxo oo guulo ina gaadhsiisa. Wax ka qabasho la’aantooduna sidaa cagsigeeda kale ayay hormuud ka noqon doontaa mashaakilaad iyo qulqulatooyin dhaawacyo halis ah ina gaadhsiiya.
Haddii dunida horumartay ujeeddada ay ka leeyihiin dhismaha dawladuhu ay tahay u adeegista bulshada ku hoos nool, innagu— Somaliland ahaan, laba ujeeddo ayaynu ka leenahay: mid aynu kala simannahay umadaha kale oo ah in dadka la gaadgsiiyo adeegyada ay dawladnimada uga baahanyihiin, ujeeddada labaadna waxa ay tahay in lagu dhowro jiritaanka nabadda iyo wax wada lahaanshaha. Qodobka hore haddii wax ka si noqdaan, waxaa sabab u ah arrimo farsamo oo aqoon iyo axadhid ayaa lagama maarmaan ah. Qodobka danbe ayuu maanta laaxinku galay oo u baahan in degdeg loo furddaamiyo. Waajibkaasina waxa uu horyaallaa ugu horreyn golaha xukuumadda oo uu kow ka yahay Madaxweynuhu.
Mashkiladaha dawladaha ragaadiya waxaa ugu horreeya maamulka oo wada gaadhi waaya dhammaan deegaannada dalka oo dhan si siman. Hadda si siman! Si loo furddaamiyo dhibaatadaasina waxa lagama maarmaan ah, is-dhegaysi, iskaga dulqaadashada aaraa’da lagu kal aduwanyahay, garawshiiyaha baaxadda ay mashkilladdu leedahay iyo isku tanaasul. Waa waajib bini’aadannimo in mararka qaar gartaada aad uga tanaasusho maslaxadda guud. Maslaxad guud, sawir weyn iyo hiigsiga fog hadduu kuu muuqan waayo, mashaakilaadku iyaga oo is biir-biirsaday oo sida daadka u rogmanaya ayay albaabka kaaga soo geli doonaan.
Maanta Somaliland waxa ay taagantahay bar uu cadawgeedu badanyahay, nasteexeeda iyo saaxiibkeeduna sii kordhayo. Waa laba arrimood oo looga faa’iidaysan karo kolba sidii loo maareeyo.
Xanuunnada sii fidaya ee qabyaallada iyo reeruhu waxa ay sida aboorka u cunayaan jiritaankii Somaliland. Maanta waxaa is qoraysa taariikh iyo duug boqollaalka sanno ee soo socda la xusi doono. Hanka fayoobina waa ka dhowra duugga hadhaya iyo dhaxalka magaciisa. Maanta Somaliland in dib la iskugu keeno ayay uga baahi badantahay ictiraaf iyo saliid la soo saaro.
Jiritaanka cabashooyinka iyo mashkiladuhu way kala badan karaan, oo waxaa dhici karta in cabashooyinka qaarkood ay ku jiri karto buunbuunin, balse in la dul joogsado sababta tabashdu keentay, haba yaraatee waa waajib xukuumadda saaran. Heerkii hooseeyay ee dabbaaldeggii 18-kii May, waxa uu ahaa farriin innagu baraarujinaysay sida ay wax yihiin iyo halka kala qaybsannaanta dadkeenna dhexdiisii ay marayso.
Qabsoomidda doorashooyin xor iyo xalaal ahi waxa ay dunida tusi doontaa sida aynu u nahay waddan xasilloon oo madaxdiisa ay dadku doortaan. Doorashooyinku waa qayb ka mid ah nidaamka dimuqraaddiyadda, doorasho keliya se dimuqraaddiyaddu kuma koobna. Haddaan ra’yiga xor loo noqon, doorasho waxba tari mayso, haddaanay jirin kalbaxsannaan iyo caddaalad sharciga loo simanyahay, iyadana doorasho keliya waxba tari mayso, sidoo kale haddaan maamulka iyo maalka la daaddejin oo aan intii karaan yahay dadka wax la wada gaadhsiin, iyadana doorasho waxba tari mayo.
Guntii iyo gebogebadii, madaxweynaha Somaliland waajibaad gaar ah ayaa ka saaran xallinta khilaadka yaryar ee sida dhimbiil yar u huraya. Khilaafaadka ka bilowda tabashooyinku wax yeello weyn ayay ku noqdaan xasilloonida iyo habsami u socodka nabadda iyo horumarka waddanka. Isku-duubni iyo midnimo la heli maayo haddii indhaha laga lalliyo su’aalaha ay tahay in la waajaho oo laga jwaabo.
Maanta waa maalintii loo baahnnaa go’aan qaadasho iyo geesinnimo aad waddanka kaga saarto madawga iyo hiririgta uu ku sii libdhayo.
Mustafa A.Nur
manmustafa@gmail.com