Waddani maxaa ka dhigay xisbi bilaa nuxur ah: (WQ: Maxamed Daahir Axmed)

Waxa Wadani ka dhigay bilaa nuxur ku biiritaanka ay ku biireen Xirsi,Duur,wadaad cabdirasaaq khalif iyo kuwa la koox ah oo ah kuwii ooga oogana faaidaystay awoodihii qaranka in ay hantida dalka boobaan,umada isku diraan,qabyaalada koriyaan,dalalka jaarka iyo Somaliland madax isku galiyay.

Waxa sidoo kale bilaa nuxur ka dhigaya Wacad furka faraha badan ee xisbiga Wadani lagu bartay taasi oo sababteed leeyahay Gudoomiyahooga Mudane Cabdiraxman Cirro oo ku caan baxay gudoon jilicsan,go’aan qaadasho la’aan. Tani waxa ay ka dhigaysaa Cirro masuul aan hogaamiyo qaran ahayn oo marka xaaladu adkaato talo adag , dhiirani,iyo ku dhac la yimaada (Lack of Statesmanship Leadership Character).

Somaliland waxa ay qaadatay nidaamka xisbiyada badan iyadoo ka guurtay nidaamkii qabiilka ku dhisnaa, iyadoo xisbiyada looga dan lahaa in ay dawo u noqdaan afaada qabyaalada iyo qaybsanaanta bulshada iyo waliba inta isku fikir ahi in ay xisbiga ay rabaan iskugu tagaan, iyagoo xisbigaa u siman hogaamintiisa iyo ka fikir dhiibadkiisaba. Xisbiga hadii la wada yeelan waayo waxa uu noqdaa xisbi bilaa nuxur ah,dalka iyo dadkana khatar galin kara.

Dhinaca kale, xisbigu haddaanu lahayn ujeedo, hadaf iyo aragti siyaasadeed oo ka fog in uu dalka qabsado oo qudha,waxa uu noqonayaa qalfoof bilaa nuxur ah oo ay adag tahay sida loo aqbalaa. Ta kale xisbigu hadii uu samee is idhaa wax wal oo xisbiyada kula tartamayaan sameeyaan,waxa ay taasi ku tusaysaa nuxur la’aan siyaasadeed iyo jiho la’aan aragti ahaaneed.

Marka aynu u soo noqono xisbiga Wadani,sababaha ka dhigay nuxur la’aanta waxa kow ka ah xisbiga oo noqday xisbi beel amba deegan qudhi isku koobay,talada u danbaysana ay iyaga ka godo. Waxa kale oo bilaa nuxur ka dhigay isagoon lahayn aragti iyo qorshe uu kaga duwan yahay xisbiyada kale balse iska daba socda uun xisbiyada kale (follower),waxa taasi tusaale cad kuugu ah in Wadani gudoomiyihiisu sameeyo wax wal oo Murashaxa kulmiye sameeyo, hadduu geel liso,waan waraabinayaa,inkastoonu lisi aqoon oo Murashaxa kulmiye ka badiyo xaga dhaqanka reer Somaliland.

Waxa kale oo bilaa nuxur ka dhigay, hoggaan jileeca, guddoomiyaha Waddani, Cabdirahman Cirro, oo koox ay isku beel yihiin u afduuban, taasi oo uu ku waayay kalsoonida lagu qabi karo isaga iyo xisbigiisaba,iyagoo dadku is waydiinayaan hadii uu Madaxwayne noqdana,afar ay isku beel yihiin ayuun baa u talin doona.

Waxa kale oo bilaa nuxur ka dhigay xisbiga Wadani,hogaamiyihiisa Cirro oo aan meelna kaga suntanayn taariikhdii iyo geedisocodkii dalka iyo dadk Jamuuriyada Somaliland, balse siduu ugu adeegayay taliskii macangaga ahaa,hadana Yurub u wareegay,mar danbe oo dalku xasilay, ayuu aayar iska yimid meel rag salaxay oo nabadeeyay.

Waxa kale oo bilaa nuxur ka dhigay xisbiga Wadani,isagoo ka daya siyaasad meel aan laga dayin oo xasaasi ah sida in laga hor qudbadeeyo saldhig booliis, taasi oo dhalin karta in ay maxaabiistu isku dayaan in ay jeelka ka cararaan.

Sidoo kale waxa nuxur ka ka qaaday, isagoon inta badan ku salayn dhaliilihiisa cadaymo dhab ah iyo xaqiiqooyin biyo kama dhib caan ah, balse dhaliishiisa ku saleeya ku tiri ku teen, mala awaal iyo eed aan cadayn loo haynin.

Sida aynu ku sheegnay qaybtii koowaad nuxur (substance), waxa la yidhaa qundhiga amba waxa shay salka ku hayo amba ka kooban yahay ee micnaha dhabta u sameeya marka laga tago qolfoofka dusha sare ka muuqda.

Haddaba maxaa bilaa nuxur ka dhigay xisbiga Waddani?, sida aynu hore u sheegnay xisbiga Waddani ma laha siyaasad isbadal dhallin karta iyo hoggaamiya ku suntan hoggaamin taariikh leh. Arrimaha hoos ku qoran ayaa ka mid ah sababaha bilaa nuxurka ka dhigay xisbiga Wadani:

  • Hogaamiyaha Wadani oo aan la hayn shakhsiyad isbadal samayn karta (Reform personality), go’aan qaadashadiisuna ay jilicsan tahay, aan lahayna ku dhaca iyo ku dhiirasho uu go’aano dhaxal gal ah ku qaato.
  • Xisbiga Waddani oo ka daya siyaasad meel aan laga dayin, tusaale ahaan Wadani waxa uu dhawaan isku dayay in uu iska hor keeno bulshada wada dagta gobalka Saaxil,isagoo is leh dhawaac gaadhsii wadajirka bahwaynta Kulmiye.
  • Xisbiga Wadani waxa kaloo bilaa nuxur ka dhigay,isagoo qayb ka ahaa dawlada jirta oo baarlamaanka haysta, uu hadan idhaa isbadal ayaan samaynayaa, halka isbadalka laga sameeyo, shuruucdana laga badalo, qaar cusubna laga curiyaa waa baarlamaanka, sidaa daraadeed siyaasadiisu way iska hor imanaysaa (Contradictory policies).

Xeerka ha’ayada maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa waxa lagu rifay, laguna dhalan rogay golaha wakiilada uu Murashaxa Wadani gudoomiyaha ka ahaa. Haduu ku doodayo aqlabiyada ayaa la iga haystay, miyaad iska casishid?, waayo qofka isbadal doonka ahi meesha uu isbadalkaa uu rabo ka samayn kari waayo uu iska casilaa. Raga nusdanbeedka u ah xisbiga Waddani waxa ka mid ah ragii Daahir Riyaale, madaxwaynihii hore ee Somaliland dadka ku diray iyo waliba kuwii Kulmiye iyo Degmada Axmed dhagax isku diray, ee wakhtigaa mansabyada muhimka ka hayay xukuumada imika jirta.

Siyaasada arrimaha dibedda iyo wadahadalada u socda Somaliland iyo Soomaaliya ma lagu aamini karaa

Waddani?, Jawaabta waa maya, oo inta badan raga xisbiga Waddani ku jira waxa lagu xantaa in ay u janjeedhaan dhinaca fadaraal doonka.

Murashaxa xisbiga Waddani khibrad uma leh arrimaha ammaanka oo aad muhiim ugu ah qofka raba in uu hoggaamiye ka noqdo dal sida Somaliland oo kale ah oo ku yaala mandaqad khataro badan oo dhinaca amniga ahi ku xeersan yihiin.

Somaliland waxa ay qaadatay nidaamka xisbiyada badan iyadoo ka guurtay nidaamkii qabiilka ku dhisnaa,iyadoo xisbiyada looga dan lahaa in ay dawo u noqdaan afaada qabyaalada iyo qaybsanaanta bulshada iyo waliba inta isku fikir ahi in ay xisbiga ay rabaan iskugu tagaan, iyagoo xisbigaa u siman hoggaamintiisa iyo ka fikir dhiibadkiisaba. Xisbiga hadii la wada yeelan waayo waxa uu noqdaa xisbi bilaa nuxur ah,dalka iyo dadkana khatar galin kara.

Dhinaca kale,xisbigu hadaanu lahayn ujeedo,hadaf iyo aragti siyaasadeed oo ka fog in uu dalka qabsado oo qudha,waxa uu noqonayaa qalfoof bilaa nuxur ah oo ay adag tahay sida loo aqbalaa.

Ta kale xisbigu haddii uu samee is idhaa wax wal oo xisbiyada kula tartamayaan sameeyaan, waxa ay taasi ku tusaysaa nuxur la’aan siyaasadeed iyo jiho la’aan aragti ahaaneed.

Marka aynu u soo noqono xisbiga Waddani, sababaha ka dhigay nuxur la’aanta waxa kow ka ah xisbiga oo noqday xisbi beel amba deegan qudhi isku koobay,talada u danbaysana ay iyaga ka godo. Waxa kale oo bilaa nuxur ka dhigay isagoon lahayn aragti iyo qorshe uu kaga duwan yahay xisbiyada kale balse iska daba socda uun xisbiyada kale (follower), waxa taasi tusaale cad kuugu ah in Wadani gudoomiyihiisu sameeyo wax wal oo Murashaxa kulmiye sameeyo, hadduu geel liso, waan waraabinayaa, inkastoonu lisi aqoon oo Murashaxa Kulmiye ka badiyo xaga dhaqanka reer Somaliland.

Waxa kale oo bilaa nuxur ka dhigay, hoggaan jileeca, guddoomiyaha Waddani, Cabdirahman Cirro,oo koox ay isku beel yihiin u afduuban, taasi oo uu ku waayay kalsoonida lagu qabi karo isaga iyo xisbigiisaba, iyagoo dadku is waydiinayaan haddii uu Madaxwayne noqdana, afar ay isku beel yihiin ayuun baa u talin doona.

Waxa kale oo bilaa nuxur ka dhigay xisbiga Wadani,hogaamiyihiisa Cirro oo aan meelna kaga suntanayn taariikhdii iyo geedisocodkii dalka iyo dadk Jamuuriyada Somaliland, balse siduu ugu  adeegayay taliskii macangaga ahaa, haddana Yurub u wareegay, mar danbe oo dalku xasilay, ayuu  aayar iska yimid meel rag salaxay oo nabadeeyay.

Waxa kale oo bilaa nuxur ka dhigay xisbiga Waddani, isagoo ka daya siyaasad meel aan laga dayin oo xasaasi ah sida in laga hor qudbadeeyo saldhig booliis,taasi oo dhalin karta in ay maxaabiistu isku dayaan in ay jeelka ka cararaan.

Sidoo kale waxa nuxur ka ka qaaday, isagoon inta badan ku salayn dhaliilihiisa cadaymo dhab ah iyo xaqiiqooyin biyo kama dhib caan ah, balse dhaliishisa ku saleeya ku tiri ku teen, mala awaal iyo eed aan cadayn loo haynin.

Saddexdii qaybood ee hore waxa aynu ku soo sheegnay sida xisbiga Wadani ooga madhan yahay nuxur (Substance) la taaban karo balse uu yahay xisbi qalfoof ahaan u dhisan, gudahan ka madhan. Waxa kale oo aynu ku soo sheegnay sida talada xisbigu ugu urursan tahay cid gaar ah,ee aanu Wadani u lahayn tolo wadaag balaadhan.

Haddaba, iscasilaada Mujaahid Boobe yusuf ducaale,waxa ay markhaati dheeri ah u tahay (Corroborating evidence), saddexdii maqaal ee hore wixii aan kaga sheegay xisbiga Waddani, oo ahaa arrimo aan ka fiirsaday si fiicana aan u daraaseeyay. Waliba kalmadaha uu ku sifeeyay ee ah in uu yahay xisbi wax walba ka madhan, waxa ay muujinaysaa nuxur la’aantaa mujaahidka ka qabsatay meesha.

Mar kale waxa aan ku celinayaa, xisbiga Wadani waa qalfoof madhan, ee dadow sidaa ha la ogaado Waad mahadsantihiin

Waxa Qortay: Maxamed Daahir Axmed