Wajiga cusub ee Sucuudiyeynta Soomaalida (WQ: Axmed Cabdi Ismaaciil “Jeesto”)

Waa maxay sacuudiyaynta soomaalidu? Sidee ayuu ahaa wajigii hore ee sucuudiyaynta soomaalidu? Muxuu saamayn yeeshay? Waa se sidee wajiga cusubi? Saamayn noocee ah ayaa laga filayaa? Maxaa kala gudboon Soomaalida wajigan cusub?

Hirdanka deegaan-siyaasadeed (Geo-politics) ee hadda dunida ka jiraa waxa uu soo bilaabmay qarnigii sideed iyo tobnaan ee tagay. Waxa lagu hirdamayey gacan ku haynta siyaasada, khayraadka, diinta iyo dhaqanka ee dunida. Waxa ay  culimadii siyaasada iyo istaatiigiyaddu odoroseen in cidda gacan ku qabata waddamada galbeedka Yurub, Balqaanka, Gacanka Carabta, Afgaanistaan, Hindiya, ilaa Shiinaha ay tahay cidda ka talin doonta dunida cusub.  Waxa kale oo ay tibaaxeen in sidoo kale cidda hantida badaha waaweyni kaalin libaax ku yeelanayso majare u haynta dunida. Labadaas qodob waxa ay keeneen hirdanka maraga laga yahay ee ilaa maanta ka aloosan badahaas iyo waddamadaas.

Si taas loo gaadho, waxa dhacay labadii dagaal ee koowaad iyo labaad ee Yurub ku hirdanaysay ismuquuninteeda, laguna magac-dhabay dagaalkii koowaad iyo labaad ee aduunka. Waxa kale oo dhacay dagaalkii wadamada Balqaanka ee Boosniya ilaa Kosofo. Waxa kale oo taagan dagaalka gacanka carabta oo isagu marna aan joogsan, sidoo kale waxa la ayni ah dagaalka Afgaanistaan. Hindiya iyo Shiinahana, waxa ay noqdeen wadamo xornimada la qaata Afrika.

Sucuudigu waxa uu ka mid yahay wadamada loo gartay inuu mashruucaas gacan ku haynta dunida lagu fushan karo, isaga oo si toos ah iyo si dadban ba wakiil uga ah dunida muslimka gaar ahaan inta sunniga ku isirka leh. Boqortooyaddu iyada oo adeegsanaysa hu’gaas muslinnimo, waxa ay dunida muslimka ku fidisay falsafad siyaasadeed diinaysan kuna salaysan baabi’inta dal kasta oo muslim ah oo koboc siyaasadeed, mid cilmi ama mid dhaqaale haybsanaya.

Geyiga Soomaalidu waxa uu ka mid yahay degallada deegaan-siyaasadeed ee lagu hirdamayo. Waxa se mashruucaas hogaan looga dhigay Sucuudiga iyo xulafaddiisa Carbeed oo u soo huwaday Muslinnimo iyo gaal nacayb, iyaga oo laabta ka ogsoon halka ay labadaas arimood ka taagan yihiin qofka Soomaaliga ah. Waxa ay adeegsadeed rag dhallinyar ah oo la dhaqaale galiyey laguna tilmaamay daaciyiin, imaamyo iyo macallimiin kuwaas oo aan la haysan baahida diineed, dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee Soomaalida. Waxa ay si dadban u fulinayeen siyaasadda Boqortooyada oo ku dhisan isku mashquulinta dadka rayidka ah iyada oo la dhex dhigayo masalooyin fiqi ah oo culimadu waqtiyo hore cadeeyeen ama falsafadda xagjirnimada ee ku salaysan ka kula jooga ku jihaad. Waxa kale oo ay adeegsadeen in muuqa iyo magacaba Sucuudi la ahaado iyada oo lala wada baxay Abu subayr, abuu dalxa iyo Abuu sufyaan.

Wejigaas hore ee magaca iyo muuqaba Sucuudiga laga ahaa waxa uu ummadda Soomaalida dhaxalsiiyey in wiilku  aabihii ku jihaado, in qof masjid ku jira oo tukanaya gaal lagu sheego, in dad culimo sheeganayaa masaajido iska caayaan, in la soo saaro kutub is wada radinaysa iyo in masalooyin fiqi ah oo la wada yaqaan kolba si loo dhigo. Waxa kale oo u watay in lala dagaalamo in dadku wax doortaan, taas badalkeedana waxa ay dhiirigelinayeen kali-talisnimada iyo cabudhinta bulshada.

Alle mahadiiye, wajigaas waa socon waayay, ma jiraan Abuu dalxayaal, dadka Soomaaliduna waxa ay fahmeen diintooda suuban. Waxa ay kala saareen, dhaqanka u gaarka ah reer Sucuudi iyo dhaqanka Islaamiga ah ee saxda ah. Waxa ay dib u  fahmeen in quluubta Alle uune daalacdo oo uu ogyahay ka gaal ah iyo ka muslim ah. Waxa ay barteen masalooyinka kolba si loo dhigayaa waxa ay yihiin iyo danaha laga leeyahay. Waxa ay ka daaleen jibbada badan ee kolba mid ama koox cararaysaa la soo gelayso. Waxa ay garteen in ay u baahan yihiin dhexdhexaadnimada diintooda in ay ku noolaadaan iskana dhawraan xagjirnimada.

Hadaba, muxuu yahay wajiga labaad ee Sucuudiyayta Soomalidu? Wajigan cusub waa mid dib loogu saxayo qaladaadkii hore, iyada oo aan laga tegin ujeeddadii la lahaa. Ujeeddadaas oo ahayd tii uu Sucuudigu wakiilka uga ahaa isticmaarka cusub ee ku wajahan dunida muslimka ah. Wejigan waa waji dhammaanba meesha ka saari doona hogaankii iyo hannaankii hore ee fuliyey ujeeddadii ahayd burburinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka dawladaha.

Wajigan ujeedadiisu waa burburinta akhlaaqda, dhaqanka iyo wada-noolaashaha bulshooyinka wada degan ee muslimka ku abka leh. Waa waji abbaari doona dhalinyarada, haweenka iyo maamulka dawladaha jira. Waxa uu yarayn doonaa barashada diinta xaniifka ah, waxa uu maalgelin doonaa fagaarayaasha lagu caweeyo, kuwa lagu sharaabo, ciyaaraha fudud, ururadda haweenka iyo dhalinyarada. Waxa uu si toos ah u faro-gelin doonaa manaahijta waxbarashada, kuwa dhaqanka, barashada diinta, hannaanka siyaasadda iyo dastuuradda. Waxa uu ku soo gaban doonaa dhexdhexaadnimada diinta isaga oo uga jeeda baabi’inta akhlaaqada iyo dhaqanka Soomaaliga ah. Waxa ay adeegsan doonaan Fogaan-aragyo (Television) tiro beel ah oo ay ka mid yihiin kuwa hadda shaqeeya Rotana, MBC, Majd, Alkhaliijiya, Alcarabiya iyo qaar kale oo badan. Waxa ay abuuri doonaan qaar la mid ah oo af-soomaali ku hadla, baahiyana waxa ay kuwaas hore baahiyaan.

Kani waa waji looga gol leeyahay in qofku ku mashquulo waxa uu daawanayo, waxa uu cunayo, waxa uu xidhanayo iyo sida uu u cawaynayo. Ma ogola aqoonta, hal-abuurka, xoriyadda diinta, iyo maamul wanaaga. Waa mid keeni doona in la yeesho dawladdo gudahooda ku mashquulsan iyo maamul-gololeedyo muran la foogan. Waxa uu si toos ah uga soo horjeedaa “Baraaruga islaamka” ee ay gaadheen bulshooyin badan oo ku dhaqan Yemen, Suuriya, Masar, Turkiga iyo Qadar kaas oo ku salaysan dhexdhexaadnimo kana soo horjeeda xagjirnamada reer Sucuudi iyo bahdooda.

Maxaa la gudboon ummadda Soomaalida? Marka la eego baahida dhaqaale, ta aqooneed, ta hogaamineed, ta deegaan, iyo ta siyaasadeed ba, ma muuqato ka hor tag ama la xaalid muuqda oo hadda ay samayn karto ummaddan. Balse, waxa la da’ ah fahan iyo ka warhayn waxa jira hadda si loo odoroso waxa dhici kara hadeer.

Qore:

Axmed C. Ismaaciil

24/09/2018