Kulanka Waxa La Isku la Soo Hadal Qaadey Arrimo Khuseeya Qabyaaladda, Kala Qeybsanaanta Bulshada, Xaaladda Amniga ee Dalka iyo Arrimaha Dibadda

 

Kulan saddex geesood ah oo xalay Madaxtooyada Somaliland ku dhex-maray Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hoggaaminaayey dhinaca Xukuumadda iyo madax ka kala socotay Xisbiyada Mucaaradka ee WADDANI iyo UCID, ayaa laga ga wada-hadlay arrimo khuseeya xaaladda taagan ee dalka, qabyaaladda, kala qeybsanaanta shacabka, arrimaha amniga iyo weliba sida oo kale hoos u dhaca ku yimi siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland.

Ma jiraan warar ka soo baxay dhinacyada kulmay balse sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Wargeyska Waaberi, kulankan uu dalbadey Madaxweyne Biixi isla mar ahaantaana dhinaca Xukuumadda ay goob-joog ka ahaayeen Madaxweyne Muuse, Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cabdiraxmaan Saylaci, Wasiirka waxbarashada Mudane Faratoon iyo Wasiir Xasan Gaafaadhi, halka xisbiga WADDANI na ay ka socdeen Murashax Cabdiraxmaan Cirro, Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde iyo guddoomiye ku xigeeka 1aad ee Xisbigaasi Cabdirisaaq Khaliif Axmed, halka Xisbiga UCID na ay ka socdeen Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, Murashax ku xigeenkiisii Mudane Abyan iyo Xoghaye ku xigeenka guud Naasir Qodax.

Wararku waxa ay sheegeen in kulankaas la isku la qaatay siddii wada-shaqeyn buuxda ay arrimaha qaranka uga wada yeelan lahaayeen Xisbiyada qaranka Somaliland isla mar ahaantaana loo xoojin lahaa hay’adaha dawladnimo iyo Xisbiyada qaranka si looga baxo qabyaaladda iyo tafaraaruqa ka jira dalka.

Waxa kale oo ay wararku tilmaameen in Xisbiyada Mucaaradku ay Madaxweynaha u soo jeediyeen in uu dhageysto tabashooyinka ka soo yeedhaya shacabka Somaliland isla mar ahaantaana uu wax ka qabto wixii jira ee dhibbaato ah, waxaana ay tibaaxahu  sheegayaan in Madaxweynahu isla goobtaas ba uu ku aqbalay wax ka qabashada tabashooyinka jira sida oo kale na uu ka codsadey Xisbiyada mucaaradka ah in ay kala shaqeeyaan siyaasadaha arrimaha dibadda, amniga dalka iyo weli ba sida oo kale xaaladaha kala duwan ee qaranka la soo darsa.

Arrimaha kale ee la isku la qaatay kulankaas, ayaa waxa ka mid ah in arrinta Doorashada na ay ka wada-hadli doonaan guddiyada ay u xil saareen Saddexda Xisbi qaran oo dhinacii ba ka kooban yahay Lix Xubnood oo ay ku jiraan Madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha Xisbiyadu. Waxaana kulanka ugu horreeya ay xubnahaasi isku arki doonaan maalinta Salaasada ee fooda inagu soo haysa iyaga oo ka wada-hadli doona arrinta dooda adagi ka tagan tahay ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Xigasho: Waaberi.

bandhige@gmail.com