Xukuumadda Somaliland Iyo Shirkadda Telesom Oo Isku Khilaafsan Lacago Cashuuro Ah Oo Dawladdu Ku Leedahay Telesom Iyo Shirkadda Oo Ku Muransan Cashuuro Ku Muddo Dhaafay

 

Khilaaf aad u cakiran, ayaa muddooyinkii dambe ka dhex-taagnaa Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, kuwaasi oo ku muransan lacago cashuuro ah oo shirkaddu aanay bixin muddo dheer isla mar ahaantaana gaadhaya boqolaalkun oo dollar.

Ma jiraan warar ka soo baxay labada dhinac balse ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay waxay u xaqiijiyeen Wargeyska Waaberi, in Xukuumadda Somaliland ay shirkadda Telesom ka codsatay in ay iska soo bixiso lacago cashuuro ah oo ku biiray tan iyo sanadkii hore, waxaana la sheegay in shirkadda Telesom ay dhinaceeda dood ka keentay qadarka lacagta ah ee Xukuumaddu ka doonayso isla mar ahaantaana ay sheegtay in aan lagu lahayn lacagtaasi.

Weli ma cadda cadadka ay leeg tahay cashuurta laga doonaayo shirkadda Telesom ee ay ku muransan tahay balse sida wararku tilmaameen, waxa ay sheegayaan in kulan dhex-maray Madaxweynaha iyo Madaxda sare sare ee shirkaddaasi ba ay gondaha isku dareen isla mar ahaantaana ay dood adag ka yeesheen lacagahaas cashuuraha ah, iyada oo sida la xaqiijiyey uu Madaxweynahu ka codsadey Madaxda Shirkadda Telesom in ay iska soo bixiyaan lacagaha cashuuraha ee dawladdu ku lee dahay.

Wararka kale ee aanu helaynaa, waxa ay iyagu na tibaaxayaan in Madaxweynahu uu arrintan u soo bandhigay Madaxda Hay’adaha Somaliland ka taageera dawlad-wanaaga iyo horumarka ba isla mar ahaantaana uu ka codsadey in ay shirkadda Telesom ku soo qanciyaan in ay iska bixiso dhaqaalaha cashuurta ah ee lagu horumarinaayo dawladnimada sida oo kale na adeegyada aas-aasiga ah wax looggu qabanaayo shacabka Somaliland.

Dawladahii soo maray Somaliland, ayaa inta badan aad uga caban jiray in aanay lacagaha cashuuraha oo dhammeystiran ka helin shirkadaha ugu waaweyn dalka marka loo eego adeegyada balaadhan ee ay dadka u qabanayaan, waxaana Shirkadda Telesom ay ka mid tahay shirkadaha ugu tunka weyn ee aadka looggu xanto in aanay si buuxda u bixin lacagaha cashuuraha ee ay dawladdu ku shaqeyso.

Xigasho: Wargeyska Waaberi

bandhige@gmail.com