Wakhtiga Ololaha: Kulmiye iyo Waddani min hal qodob ayey isku weerari doonaan, qodobna way is-deeraan doonaan. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Waddani wuxuu qadami doonaa dhaliisha ugu weyn ee uu Kulmiye ku durayo. Wuxuu ku ololeyn doonaa ciidankii ayuu Kulmiye jebiyey iyo gobolkii Sool ayaa farahiisa ka baxay.
= Kulmiye wuxuu ololaha ku geli doonaa in Waddani ciidanka ay dagaal sokeeye ku fureen oo ay buurta Gacan Libaax askartii ciidanka qaranka ku laayeen. Kulmiye si uu arrtinta gobolka ee dhaliisha ku ah uu meel u saaro wuxuu odhan doonaa gobolka Sool ictiraafka ka dib ayaanu dib u qabsanaynaa.
= Marka labada qodob ee sare la isla soo dhaafo, Kulmiye wuxuu dheeraan doonaa inuu ictiraafka ku ololeeyo. Waa shayga ugu weyn ee haddii uu madaxweyne ku guulaysto abaal aan duugoobeyn uu taariikhda dal ku lahaan doonoo. Doorashada ku guulayn doonta.

Send