Sawirka aad halkan ka aragtaan waa Jamaal Cali Xuseen oo 17 jir ah dhigtana dugsiga sare ee Faarax Oomaar (Secondary School) ee ku yaalla magaaladda Hargeysa. Waa sideetamaadkii. Magaaladda Hargeysa waxay ka soo kabanaysey kacdoonkii dhalinyaradda ee dhagaxtuurka ee February 1982 kii ka dhacay magaaladda. Inkastoo ay siyaasadda dalku ay cakirneyd oo jabhadihii dalka ka bilaabmay ee SNM iyo SSDF ay dardar wadeen, weli dalku wuu xasiloonaa ilaa xad. Tartankii xiisaha badnaa ee ciyaaraha goboladda ee sanadkiiba hal mar la qaban jiray wuxuu ahaa mid xamaasad weyn leh oo aad loo xiiseyn jiray. Sawirka iyo maqaalkan maantuba ujeedadda ka danbeysa iyo fariinta ay gudbinayaan wuxuu isugu jiraa dhiirigelin jiilkan maanta ah iyo xusuusta taariikhdii la soo maray iyo siday u ahayd aniga iyo jiilkayga magaaladda Hargeysa.
Habeenka aan sawirkan aan galay waan ugu talo galay in uu noqdo xusuus taariikheed, laakiin maan sii ogeyn in uu dhowr iyo sodon sanadood ka dib ay caruurtaydu su’aalo iga weydiin doonto. Berigaa hadaad sawir rabto goob ganacsi ahayd oo Sawirle la odhan jiray ayaad tegaysan intaad lebisato. Kolkaa waxaan go’aansaday inaan dhalinyaradda jiilkan uga sheekeeyo wuxuu sawirkani ka turjumaayey iyo waayahii nagu gadaamnaa iyo sida aanu wakhtigayaga uga faa’iideysan jirnay kolkaanu dugsiga sare ku jirnay ee aanu weli (teen ager) ama kuray dhowr iyo tobon jir ah ahayn. Kolkaan anigu iska hadlaayo waxaan ka turjumayaa oo weliba codkooda ku hadlayaa jiilkii xilligaasi intooda badan oo weliba ay badankoodu aniga wax badan igaga fiicnaayeen. Habeenka aan sawirkan galay waxaan soo qaatay biladahaygii dhowr sanadood oo aan ciyaaraha goboladda ku jiray. Waxaan ciyaartan Tennista ee kubadda miiska ka soo bilaabay magaaladda Hargeysa anigoo ilaa 13 jir ah maktabaddii Carabta ee Masaariddu lahayd iyo garoonka Timacadde oo ay ooli jirtay.
Intaan yaraa gobolo badan baan iskuul ka soo dhigtay oo aabahay oo milateriga ahaa u raaci jiray waxaana ka mid ahaa Garoowe, Gaalkacayo, Dhuusomareeb, Beled-weyne, Benaadir iyo Togdheer oo aan awoowgay mar la joogay. Dugsigaygii dhexe ama fasalka sideedaad waxaan kaga soo baxay magaaladda Muqdisho. Ka dib waxaan u soo wareegay Waqooyi (Somaliland) oo dugsigaygii sare waxaan galay magaaladda Sheekh oo aan Form 1 kii ka bilaabay. Isla sanadkaa waxaa lay qaatay gobolka Togdheer – Burco oo aan sanad qudha u saftay kana mid noqday ciyaartoygii gobolka Togdheer. Ka dib waxaan u soo badeshay iskuulka Faarax Oomaar ee magaaladda Hargeysa oo aan Form 2 ka bilaabay. Isla sanadkaa aan soo badeshay iyo intii aan dugsiga sare ka dhameeynayeyba waxaan u ciyaari jiray gobolkii Waqooyi Galbeed ee Hargeysa oo aanu guulo waaweeyn u soo hoynay aniga iyo kooxdii kale ee igula jirtay ciyaartoyga gobolka Waqooyi Galbeed.
Xilliga aan sawirkan gelayo waxaan ku soo guuleystay kaalinta koowaad Kelikelida ama Singles Title. Dhawr sanadood oo kala duwan ayaanu aniga iyo kooxdaydiiba aanu dhamaan dalkii Soomaaliya oo dhan kaalinta koowaad ka galaynay una soo hoynay guulo waaweeyn gobolkii Waqooyi Galbeed ee Hargeysa. Waxaa kale oo aan ahaa Kabtanka kooxda. Waxaa ila ciyaari jiray dhalinyaro badan oo runtii dedaal iyo karti iyo xirfadba lahaa. Waxaa jiray dhalinyaro badan oo aan anigu kooxda qoray oo gobolka u ciyaari jiray sanadahaa aan aniguba safan jiray iyo sanadihii iga danbeeyeyba. Hadaan qaar ka xuso kooxdayda raggii safka hore kaga jiray ee guusha u horseedi jiray waxaa ka mid ahaa Cabdalle, Cabdilaahi Dhafaa, Cabdirashiid Xuseen Samatar, iyo dhalinyaro badan oo kale. Khadra Kaliil iyo Safia Cawad ayaa ahaa hablihii yaryaraa ee aanu u tababarnay dhinaca hablaha ee kolkii danbe gobolka u safan jiray. Waxa iga sii horeeyey oo hormood noo ahaa Bashiir Cadami oo gobolka Waqooyi Galbeed u safan jiray. Waxaa jiri jiray inaan iyadda qudheedda Tennista ama Tenniska dhaadheer aanu qudheedda ku ciyaari jirnay Hargeysa club. Mar danbe ayaan iyadda ka soo qori qoraal haddii Eebbe yidhaa.
Waxaan xasuustaa in dhalinyaro dhowr ah oo qaarkood kubadda cagta, Tennista, Basket-ballka, iyo Volleyball (Laliska) iyaguna ciyaari jiray in aanu subax walba salaadda subax ka dib ilaa 5:30AM aanu ku kulmi jirnay hotel Togdheer ee magaaladda Hargeysa oo noo ahayd bar-kulan. Goobtaasi ayaanu ka bilaabi jirnay ilaa 10KM oo orod ah maalin kasta Jimcaha mooyee oo aanu dooxa makadurduro dhexdiisa yaaci jirnay si aanu sanadkoo dhan u noqono qaar tababaran oo jidhkooduna dhisan yahay hankayaguna uu ahaa inaanu kaalmaha sare ka galno tartanaddii ciyaaraha ee goboladda oo aad u xamaasad weynaa. Balwad ayuu sportsku noo ahaa oo aanu weliba kaga badbaadnay qaadka iyo sigaarka. Dhalinyaradaasi aanu aroortii wada ordi jirnay way badnaayeen laakiin waxaa ka mid ahaa Cabdixakiim Sanyare (great basketball player), Yaasiin Falooriin oo kubadda laliska ciyaari jiray imikana Gaashaanle ciidanka Booliska ah, Xasan Gareet, Jeylaani, iyo qaar kaloo badan.
Inta badan wakhti nagama lumi jirin oo maqaaxiyaha waanu ku yarayn. Xilliyadaasi wiigii hal habeen baanu fadhiisan jirnay maqaaxiddii Ina Garow. Xataa habeenkaasi waxaan dhegaysan jirnay Ilaahay haw naxariistee Aadan Daraawiish oo lecture maqaaxida ka bixin jiray kaa soo laftigiisu aqoon ahaa. Wakhtigaygu wuxuu ahaa mid qiyaasan oo xilli aanu wax akhrisanayno iyo xilli aanu sports ku hawlan nahay buu ahaa. Buugaagta cilmigga iyo jariiradaha waanu kala amaanaysan jirnay. Ilaahay haw naxariistee Naasir Cabdi Askar oo aanu Sheekha ugu yeedhi jirnay isku fasalna ahayn Faarax Oomaar ayaa walaaladdii oo ka waaweyni jariirado loo keeni jiray oo uu Naasir kutubta, Magazines (nuquladaba), iyo buugaagtaba nooga soo qaadi jiray. Waxaa jiri jiray in Samaters Bookshop oo ku yaalay faras magaalaha Hargeysa oo iibin jiray waxkasta oo buugaag iyo wargeysyo caalamiya oo si joogto ah u keeni jiray Magazaines (Nuquladda) waaweyn ee caalamka sida News week, Time Magazine iyo Readers Digest. Waxaanu sameyn jirnay intaanu lacagta urursano oo isku dardarno ayaanu soo iibsan jirnay. Ingiriisidda ku qorneyd aad bay noogu adkeyd laakiin waanu khasbi jirnay. Weliba aniga Samaters Bookshop wuxuu ii ahaa address oo waraaqaha ii yimaadda waxa laygu soo hagaajin jiray boxkooddii P.O.Box 62. Beryhaasi waxaanu lahaan jirnay Penpals ama dhalinyaro caalamka joogga oo aanu waraaqaha isku qori jirnay oo midba midka kale ku bari jiray dalkiisa.
Hargeysi laba maktabadood oo waaweeyn bay lahayd oo ah tii Masaaridda ee madaxtooyadda Somaliland maanta ku dhegan. Maktabadda labaadna waxay ahayd ka soo horjeedka Tiyaatarka Hargeysa ee malaha kolkii danbe Saldhigga Booliska laga dhigay. Waxaanay ahayd maktabad balaadhan oo si fiican loo qalabeeyey. Dhalinyaradda qaar Waxdadda ka tirsanaan jiray baa jiray oo iyagu kutubta diinta aan ka heli jirnay inta badan. Maktabatu Darwiish oo uu Aadan Daraawiish lahaa Ilaahay haw naxariistee ayaa jirtay oo buugta na amaaneysiin jiray. Aadan wuxuu ahaa aqoonyahan Cambridge University Masters Degree in Geology ka soo qaatay oo marna Lafoole macallin ka ahaa. Nin maskaxdiisu ay layaab ahayd. Marmar buu gurigii Mataan ee daruuraha xataa nagu soo mari jiray oo casharo nagu siin jiray aniga iyo dhalinyaro kale oo ay ka mid ahaayeen Mataan, Ina Good, Cabdi Kayd (Bucul), Sakariye Maxamed Ismaaciil, iyo dhalinyaro kaloo badan. Beryahaasi inta buug ee aanu akhrino wiigii iyo bishii ayaanu xisaabsan jirnay.
Raalli iga ahaada qoristii baa ila dheeraataye. Dhalinyaradda waxaan kula talinayaa in ay meelkasta cilmigga iyo aqoon korodhsiga ka faa’iidaystaan. Wax akhriska in ay badiyaan oo sheekadda iyo social media yareeyaan si ay heerkoodda aqooneed u kordhiyaan. Wax barashaddu maaha uun inaad iskuul tegtid. Wax akhriska joogtadda ah ayaa cilmigga iyo garaadkaba kuu kordhinaya. Waxaa laga maarmaan ah dhalinyaraddu inta ay yar yihiin in nooc kasta ha noqdee in sports ay jecel yihiin ay isku dayaan oo u ciyaaraan si joogto ah.. Balwad haydiin noqoto wax akhriska iyo sportsku weeye fariintaydu, inta kalena waxaan xasuusinayey wakhtiyaddii la soo maray. Kolay qaar badan oo intan iyo in ka badanba xasuusan ayaa jira ee Ilaahay kheyrka iyo wanaaga hayna waafajiyo. Waad salaaman tihiin.
Qallinkii Jamaal Cali Xuseen