Anigoo ka xishoonaya in dadka qalaad ee facebook aanu asxaabta ku nahay fahmaan warbixintan yar een kasoo turjumay wargays yurubiyaan ah oo xiganaya cilmi baadhayaal jaamacadeed oo isla yurubiyaan ah, waxay u dhigan tahay sidan.
“Soomaalidu waa dad dayacan (isku buuqsan). Ceceliska garaadkaadu waa 68 marka la xigto cilmi baadhis casri ah oo ay qaaday iq-research.info. Marka la barbardhigo tan heerka sare ee dadka iswiidhanka ah waxay ka dhigan tahay in qofka iswiidhanka ah ee iska caadiga ahi ay u badan tahay inuu 94% uu ka garaad sareeyo qofka caadiga ah ee Soomaaliga ah.
Garaadka hooseeya ee Soomaaligu waxa uu keenay inay dhib ka mutaan oo aanay akhriyi karin calaamadaha ama turjuman karin (sida kuwa wadooyinka ama digniinaha). Xittaa barashada saacada wareegta ayaa dhibaato ku ah sida uu noo xaqiijiyay macalin SFI ah una shaqeeya raadyoowga iswiidhan. Tiroxidheedheed ahaanna (Statistically) waxay muujinaysaa in kaliya boqolkiiba labaatan dadka xoogsan kara ay shaqo ku jiraan, inta kalana ayna shaqaysan ee ku noolyihiin caydho.
Intaas waxa dheer in kooxdan ibnu aadamka ahi ay haystaan ama galaan dhibaato dambiyeed oo waawayn. boqolkiiba labaatan ama shantii qof ee da yar ahba mid ayaa galay ugu yaraan fal dambiyeeed culus labadii sanno ee u dambaysay oo qudha (kaaga darane).
Haa waa sida dhabta ee ay inaga aaminsanyihiin reer yurub walaw aanay inoo caddaysan inta badan fikirkooda. Haayoo waa fikir la qaadan karo marka la eego hab dhaqanka dadkeena yurub iyo reer galbeedka jooga. Haayoo markaad aragto suuqyada magaalada London iyadoo hooyo ama gabadh Soomaaliyeed oo teleefan wayn shalmadeeda ama malkhabadeeda dhagteeda ku dhajisay oo u dhurmaysa sidii oo ay joogto gurigeeda iyadoo waliba caruuro jiidaysa, ama sambiil wayn jiidanaysa amaba iska laafyoonaysa. Qofka caadiga ahi waxa uu iswaydiin karaa oo qofkan maxaa ka siya ee “bluetooth device” ama “headphone” u isticmaali kari ladahay. Ma is odhan karaan waa garaad yari!!
Marka la eego ragga Soomaaliyeed ee iyagoo shaqaysta qariya ama aan suuq madaw shaqadooda ka dhiga, ama caydho qaata oo doorbida kala qornaanta reerahooda, amaba aan shaqo tegin.
Marka la eego sida caruuraheenu u badan yihiin ee ah kuwa saraawiishu ka dhacdo ee dhiblayaasha ku dayda. Wax barashada ku liita iyagoo ku dayda kuwa saaqiday.
Inta dhib iyo dhaqan xumo ah ee aan halkan lagu soo koobi Karin ee Soomaalida laga arko markaad aragto waxaad is odhanaysaa waa dhab waxay aaminsanyihiin.
Haseyeeshee warbixinta wargaysku sida dhabta ah maaha.
Soomaalida iyo dadka kale ee afrikaanka ah, ama wadamada kale ee soo koraya ee lagu eedeeyo garaad yaraantu maaha mid jirta.
Garaadka iyo garashada reer binu aadam, miisaan lagu qiyaaso oo caam ah “universal” oo la isla ogol yahay ma jiro. tusaale ahaan ninka reer miyiga Soomaaliga ah iyo ninka reer magaalka Iswiidhanka ahi haddii meel la isugu geeyo si loo qiyaaso garaadkooda, ma waxa la isticmaalayaa oo miisaan laga dhiganaayaa calaamadaha wadooyinka ee iswiidhan ama guud ahaanba reer magaalka dunidu isla yaqaalno, mise waxa la isticmaalayaa calaamadaha geela iyo loda ee ninka reer miyiga soomaaliyeed yaqaano.
Runtu waxay tahay in midiba ku garaad badinayo kuu yaqaano. Sidaas darteed garaadka qiyaastiisu maaha mid la isla ogol yahay, mujtamac walbana garaadkiisa iyo garashadiisu waxay ku xidhan tahay BIIADOODA, HABDHAQANKOODA, DHAQAALE SAMAYNTOADA, AQOONTOODA WAXBARASHO, HAB FIKIRKOODA IYO SAAMAYNTA DIINTOODA.
Isku soo wada duuboo yurub iyo qurbaha reer galbeedka, Soomaalidu raganimo mug leh lama joogto oo waa in aynu wax badalnaa. Ninka cad ee cunsuriga ahina garaadkeena inuu caayo ma aqbali karno.
Rabbaa og sidii saxa.
Waxa turjumayย Osman M Ahmed