Warqad furan oo ku socota Madaxwayne Muuse Biixi (WQ: Haldoor Ismail Maxamed Aaden-Dhicir)

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.

Ugu horayn eebe ayaa mahadleh badhaadhaha iyo barwaaqada nabadeed inoogu dhameeyay hawlihii cuslaa ee Qarrankeena horyaalay.

Mudane Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu horayn waxaan kugu hambalyaynayaa Guusha aad ka gaadhay tartankii salmiga ahaa ee doorashooyinkeena.

Mudane Madaxweyne waxaad hogaanka iyo hilinka u qabatay Qarran curdin ah oo ay ku xeeranyihiin baahiyo badan oo aasaasi ah, waxa lagaa rabaa Qorshe cad iyo Qiyam adag oo waafaqaya barnaamij ololeedkaagii.

Mudane Madaxweyne Qarrankan waxaa ragaadiyay dibna uhaya aafooyinka; Dhaqaale-yarrida, Tahriibka, Shaqo la’aanta, Musuqmaasuqa, Sixir bararka iyo Tayo xumada Waxbarashada heerarkeeda kala duwan.

Haddaba si loo helo hogaamin waafaqsan riyooyinka Dadkeena iskuna keenaysa qaybaheena kala duwan ee bulsheed, sidoo kale saxar-tiraysa dhaliilaha dawladeed ee jirra. Waxaa loo baahanyahay in la sameeyo qorshayaal barwaaqeed oo hormuud u noqonaya tabashooyinka dadkeena iyo dalkeena kuwaas oo lagu kabayo barnaamijsiyaasadeedkaagii ololaha, Waxaana hubaal ah hadii taas lasameeyo in talaabo horleh laqaadidoono dhinackasta oo horumareed.

Mudane Madaxweyne waxaad bedeshay madaxweyne ruugcadaa ah nin reer uweyna ahaa wax badan oo jirrana uurka ku hayay in badan oo nabadayn iyo tanaasul ahna dalka kusoo waday isagoo lahaa himilooyin iyo hadaf uu ku doonayo Somaliland mid ah, haddaba adna waxa kula gudboon maadaama aad kasoo baxday xisbigiisii lajaan qaadida wixii horre ee wanaagsanaa iyo iswaafajinta barnaamijkaaga.

Mudane Madaxweyne waxaa muhiim ah inaad ka fekerto soo dhisida dawlad aan la bilaaban mucaaridad iyo kala fogaansho bulsheed oo isla maalmaha ku dhawaaqidaba dhaca. Waxaa muhiim ah inaad shishe u eegto halka ay munaasib ka tahayna aad dhigto waxaad tahay shaqsi ogaal iyo xog oge u ah dadkan iyo dalkaba.

Mudane Madaxweyne marka laga hadlayo soo dhisida dawlad tayoleh oo aan mucaarad la kowsan waxaa muhiim ah inaad qaado talaabo geesinimo ah Dhamaantoodna aad ka takhalusto Golaha Wasiirada hada jirra ama xukuumadii horre, taas oo keenaysa dhabaynta iyo dariiq u helida barnaamijkaaga siyaasiga ah. Bulshadeenu waxay u aragtaa Madaxweyne amaba ay tahay in Golaha Wasiiradan Jiraa ay iyagu masuul ka yihiin dhamaan aafooyinka ka jirra Dalkeena sida: Qabyaalada, Hanti boobka iyo musuqmaasuqa. Sadexdan oo keenaya dhamaan inta kale ee dib uhaysa dalkeena.

Mudane Madaxweyne ugu dambayn waxaan kugu dardaarayaa Ilaalinta cadaalada, garsoorka, horumarinta, deeqda ,daryeelka , dhawrida iyo Ogaanshaha bulshadeena tamarta yar. Adiga oo ka warqaba inta danyar ah ee dadkeena ah hadana waxaa hubaal ah in dhamaantood ama codkii ugu badnaa 55% ay kusoo doorteen Weliba Dana ay kusoo moodeen adiga. Alle garabkaaga hagalo xilkaa culusna Alle hakuu fududeeyo hana kugu asturro dhamaantiisa.

……Wabilaahi Tawfiiq……
W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir
Aqoonyahan Shahadoyin Kala Duwan
Abwaan Dareen Cabirre Ah
Qoraa aragtiyo cilmiyaysan iyo kuwo dadweynaha
Fogaal Araga fikirka xorta ah ee Madaxbanaan
Kafaalooda Arimaha bulshada
Siyaasada Somalida Iyo Caalamka
Dhiiri Geliye Ma Hagrade Ah
Dhexdhexaad Xeer-beegti ah
Xil Guudna Sidda.

Email: Ismail1234921@gmail.com
Mob: +25263 409 48 55