Wasiir Samsam may hungurayn lacagta DP world ee halkii looga baahnaa ayey Ku shubtay indhaha dadweynaha oo shana (WQ: Cabdi Caawiye)

 

Waxa jira dad mucaarada oo xajiin LA daba socda marwo samsam lkn way u quus goysay dadkana waxay tustay inay tahay qof ka fog musuqnaasuq.

Wasiir samsam waa shaqsiyada haweenka ah ee loo dhiibay wasaarada ugu culus wasaaaradaha somaliland hadana XARAAR IYO XURMO soo hoysay.

Sida xaqiiqadu tahay wasiir samsam cabdi Adam waa shaqsiyad ku sifowdaw wax qabad.daacadnimada,hawlkarnimada xilkasnimada ee si siman uga muuqda qarankan somaliland.

Waa wasiirka kaliya ee ilaa hada aan lagu xaman shaqo xumaan ama inay ka gaabisay waajibaadkii ay qaranka u haysay.

Waa wasiirka laba xil oo ay  qabatay Labadaba laga mahad laga sheegtay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxay Baanka dhexe ku wareejisay 5 Milyan oo doollar oo ay bixisay Shirkadda DP World ee Maamusha Dekedda Berbera, taasi oo noqonaysa markii labaad ee Shirkaddu Dawladda ku wareejiso lacagtaasi oo Heshiiskii ay Dekedda kula wareegtay qayb ka ahayd.

Sidii ay ahayd ayey ugu wareejisay iyadoon bacda shilin ka dhinayn taasina waxay cadaynaysaa inayna ka mid ahayn dadka Ku mamay xoolaha dadweynaha.

Marwo Samsam Cabdi Aadan iyadoo ka hadalaysay wareejinta lacagta shanta milyana ayaa tidhi “Waxaanu joognaa Baanka dhexe eeSomaliland, waxaanu Akownka ku shubaynaa ShantiiMilyan ee DP World ee hadhsanaa. Waxaan aad iyoaad ugu Mahad-naqayaa, waxa kale oo aan u Mahad-naqayaa Qolada Baanka oo si hufan noogala wareegaLacagta, kuna shuba Akownka Lambarkiisu yahay 11.”

Marwo samsam iyadoo u duurxulaysay dadka eedaha madhan LA daba socda waxay tidhi “beentu waa furaha munaafaqada”

Wasiirka Maaliyaddu waxay ka jawaabtay eedaymouga yimid Xisbiyada Mucaaradka ah qaarkood, kuwaasi oo nuxurkoodu ahaa inay Guddida Doorashooyinka ku wareejisay Jeeg aan shaqeynayn, “Beentu waa furaha Munaafaqa, beentii uu Qofku u sheegayey Qof kale ayaa imika lala soo fadhiisanayaa Warbaahinta. Habeen dhawayd waxaan daawanayey Nin weyn oo aan Ixtiraami jiray oo leh Lacagtii laguwareejiyey Komiishanku been bay ahayd oo Baankalaguma shubin. Anigaa Komiishanka u qoray 24 Bilyan iyadoon Bajadka noogu jirin, waana markii la lahaaDoorashadu waxay dhacaysaa bishan Maarij, Madaxweynuhu wuxuu yidhi Lacagtaa waa in la bixiyaa. Afartii Milyan ee Dollar Sarrifkii baa wax ka gooyey, waxayna ku jirtaa Akownka Komiishanka.”Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay inay ka xumaatayHadalka Mucaaradku ku sheegeen inaan Komiishankalagu wareejin Lacagtaasi “Aad baan ugu xumaaday hadalkaa, waayo ? Qof weyn oo intaas oo Qofdaawanayso oo Been Telefiishannada la soo fadhiistay.Markaa Lacagtana (aanu Baanku ku wareejinay) waxaanu sidan u yeellnay (u soo bandhignay) in aan la odhanin Doorkii horeba Lacag caddaan ah ayaa la wareejiyey ee maxaa doorkan Jeegga keenay.”

 

Qalinkii CABDI CAWIYE

shaywaal12@gmail.com

+ 252634115877