Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Cabbaas Araghchi ayaa Isniinta booqanaya Turkiga , si uu ula kulmo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga — ujeedku waa wada-hadal la xiriira dagaalka dib uga soo cusboonaday waqooyiga Suuriya.
Iran, waxay ku rideen waxa ka socda waqooyiga Suuriya xaalad argagax leh , mana awooddo waqtigan inay u helaan xoog militari oo la mid ah midkii ay tobankii sanno ee u dambeysay ay ku difaaceen Bashaar Al-Assad.
Hadda qof walba wuxuu oggaanaya inuu Turkiga diyaariyay waxa ka dhacaya waqooyiga Suuriya..!
Waxyar ka hor , wasiirka arrimaha dibadda Ruushka wuxuu la hadlay Fidan , oo ay hadda xigtay in la maqlay booqashada Araghchi, taa oo ka dhigan inay wada-xaajood ku raadinayaan awoodihii Bashaar Al-Assad u surageliyay barakicinta mucaaradka in lagu joojiyo burburinta ciidanka taageerraya Assad.
Maalintii koowaad ee dagaalka oo ah Arbacaddii , toddobaadkii hore , waxaa soo baxay saraakiisha militariga Turkiga oo sheegaya in howlgalka ay wadaan mucaaradka Suuriya inuu yahay mid sharci ah oo ay ku gaarayaan aaggagii la xaddeeyay heshiiskii ay garwadeenka ka ahaayeen Turkiga iyo Ruushka, wuxuuna heshiiska u oggolaanayay mucaaradka sunniyiinta inay maamulli karaan waqooyiga Suuriya oo ay ku jirto magaalada ay xalay qabsadeen ee Xalab.
Ma awoodin ciidanka Assad ka amarqaata inay la-dagaallamaan kooxaha mucaaradka, si la mid ah saacado ka hor waxaa la arkay iskuday ay ku doonayeen ciidanka taageerra Assad inay PKK ku wareejiyaan garoonka Xalab inuu noqday mid guul-darraysteen, kaddib markii kooxaha mucaaradka ee Carabta ay si dhaqso ah awoodooda u geeyeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Xalab, taa oo meesha ka saartay iskudaygii kooxda kurdiyiinta ee inay ku qabsadaan, waxaana hadda ku sugan kooxaha mucaaradka ee Carabta, tan militari ahaan waxaa laga arkay inuu jiro khad howlgalin ah oo u furan Turkiga oo uu kula xiriirayo kooxaha Carabta , sababtoo ah ma uu doonayo Turkiga inay PKK door ku yeelato howlgalka , tallaabo kale oo xaqiijinaysa in qorsheynta howlgalka ay ka timid Turkiga.
Muxuu ka doonaya Turkiga howlgalkan?
Ma cadda cid sharraxday, balse howlgalka waxaa laga arkay inuu Turkiga raadinayo sharciyad uu ku joogi karo meel ka fog xadka uu la leeyahay Suuriya , tani waa khatar kasta inuu Turkiga ka fogeeyay dhulkiisa, sidoo kale waxaa la arkay in Erdogan uu ku ciqaabay Bashaar Al-Assad diidmadiisa iskudayadii lagu doonayay inay dib xiriirkooda usoo celiyaan , taa oo dabcan uu Bashaar Al-Assad arkayay inay jiraan shuruudo ku adag oo ka imaan kara dhinaca Ankara. Fikradayda Iran ayaan dooneyn in dib loogu soo celiyo Suuriya saameynta Turkiga iyo kooxaha uu taageerro.
Hadda , Turkiga wuxuu ku soo celiyay saameyntiisa Suuriya hab militari , kaddib markii kooxaha mucaaradka ay qabsadeen dhul ballaaran oo ay ku jirto Xalab, iyagoo sii socon kara, sabab la xiriirta marxalada uu wajahayo Assad oo aan si dhammeystiran u heleyn dagaalyahannadii iyo awoodda Ruushka iyo Iran.
Awoodda ay u leeyihiin mucaaradka inay galaan dagaal waqti dheer iyo inay adagtahay waqtigan weerarro dhulka ah in looga saaro dhulka ay qabsadeen, sabab la xiriirta inay markan si ka duwan waqtigii hore ay ku hubeysanyihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo casri ah , kuwaasoo masaafo dheer awoodda inay ku burburiyaan difaacyada ciidanka iyo hubkooda casriga ah, wuxuu dhalinaya inay ku baxayso kharash badan dagaal toos ah oo lala galo, si ka duwan dagaalladii hore waxay dheeli-tiri karaan dagaalka cirka oo markii horey lagu burburiyay.
Toddobaadyada soo socda ayay ku jiraan waqtiga muhiim ah oo lagu arki karo wajiga dagaalka..!
Xigasho:Iman jama
Bandhige@gmail.com