Wasiirka Imraadka Qarqaash oo mar kale hadlay (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Wasiirkan imaraadka ayaa ka hadlay BBCda maalin hore, waynagii ogayn wuxu buuq dhaliyay warkaas. Shalayna hadhwanaag news ayaa soo qortay warkale oo isla arintii xoojinaya, waan fahmi waayay macnaha arinkan ka dambeeya.

Bal aan isku dayo, horta midbaan idiin sheegayaa maqaalo horena waan ka qoray, kolay anigu ma taageersani Dp world iyo ciidamadaa imaaraadka ee saldhiga la siiyay.

Hadana isla imaaraadkii  ayaa heshiiskii carqaladaynaya, waa maxay macnaheedu, bal hadii aynu hadalkaa ninka wasiirka ah dhagaysano dee waa inaynu qasanaa is qabsanaa weeyi macnaheedu, bal ka warama nimanka iyaga oon ciidamadoodii inoo iman, doonaya inay hadal inagu qasaan, bal ka warama marka ay ciidamadoodu inoo yimaadaan, ka warama inta qas iyo dhib ay inoo gaysan doonaan, waaryaa soomalidu waxay tidhaa caano daatabay dabadood la qabay eh, nimankaas waxay duulaan ku yihiin daganaanshaheena.

Nimankaas imaraadka sheeganayaa waa kuwaa is cadeeyay wax kale uma soo socdaan nabadaadaa yar ayay duulaan ku yihiin, waa kuwaa kuu muujiyay inay u socdaan inay isku keen diraan eh, waar intay goori goor tahay heshiisyadooda ha laga fiirsado, talaaban ha laga qaado,  isaga  oo illaahay cadawga muslimka ka hadlaya wuxu yidhi cadaawadoodu afka ayay ka muuqatay, waxay idiin qarinaayna ee laabta ay ku hayaana  ka wayn, waydinkii ogaaa markii dadka yurub joogaa ka mudaharaadeen saldhigaa milatari, dadkii qaxootiga ahaa ee doonta lagu laayay bada yaman, ma wax isku beegmaybaa mudaharadaada iyo dadkaa la laayay.

Waar nimankaas waa kuwaa afka ka cadeeyay inay nabadaada duulaan ku yihiin eh, waar arinkood dib ha loo eego. Soomalidu waxay tidhaa nin kuu digay kuma dilin waa kuwaa kuu cadeeyay inay nabadaada duulimaad ku yihiin, maba qarsanayaan, inaga ayay talo inoo taal, waxaynu yeelayno. Nimanka reergalbeedka ayaan qarsan marka ay wadan ku duulayaan, iyaguna waa dhashoodii waxay u socdaanba maba qarsanayaanba.

Mida kale soomalidu waxay tidhaa gacantaadu hadii ay dhudhubkaagasho lama soo dhufto eh waa la dhiraandhiriyaa, waad ogtihiin xidhiidhkeena baayacmushtar inta badan xagaa ayuu ku xidhanyahay, wixii laga yeelayaa lahaa caqli ayuu u baahanyahay.

Nin caalim ah ayaa yidhi hadii aad mushkilad gasho, halkii aad ka gashay uun ka noqo.  Markaa Kulmiya ama siyaasiyuutu (xisbiga ay doonaan ha ku jireen eh waa isku wada mid eh) dhudhubtaa ay umada galiyeen iyaga ayaa looga fadhiyaa siday uga saari lahaayeen.

Nur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com

Hoos ka akhriso qaar ka mid ah maqaalladii ugu dambeeyey ee Nuur Xaaji:

http://bandhige.com/sidee-madaxnimo-ama-kursi-lagu-helaa-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/yaa-maanta-soomali-ugu-liita-ama-ugu-ayaan-daran-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/waayaha-somaliland-yaal-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/cabdoo-qalad-xisaab-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/sannadihii-lays-khiyaamaynaayay-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/tolow-ciidamdii-shisheeye-miyaa-la-joojiyay-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/shaqo-waa-maxay-shaqadu-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/tolow-ma-waxbaa-is-badalaya-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/islaamku-waa-jawharad-wq-nuur-xaaji-xiiray/

http://bandhige.com/cadow-aan-la-arkayn-wq-nuur-xaaji-xiiray/

 

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com