Wasiirka waxbarashadu malaha dad somaliland duminaaya ayuu habeenkii la shiraa (WQ: Cabdi Caawiye)

Waxaa layaab iyo amakaag noqotay go’aanada uu wasiirka waxbarshadu ku dhawaaqo uu habeenkii lasoo faqo dad aan lagaranayan. Dad aan la garaneyn waxaan u leeyahay maaha go’aamadiisu qaar xitaa dadka dhimirka ahi qaadan karaan ama qof caaqila ama miyir qaba loogu dhawaaqo.

Waxa go’aamadiisa la yaabka leh ka mida :

  • Manhajka Soomaali ha laga dhigo iyadoo aynu ognahay in afka hooyo yey muhiim maado gaarana leeyahay. Haddana ardeydii afka Soomaaliga wax kusoo baratey maanta aqoontoodu waxay la mid tahay ta ninka tuulada jooga ee magaca iyo warqada uun akhriya. Waayo marka uu ardeygu soomaali kusoo dhigto 8 sanno fasalka 9 aad wuxuu tagaa isagoo dhago,la oo aan kala saareyn ( this and that ). Wasiirkuna kama uu fiirsanine wuu ku dhawaaqay colaad uu u qabo dugsiyada gaarka loo leeyahay daraadood.
  • Xayeysiiska waxbarashada halaga daayo telefishenka qaranka waa layaab ama waaba yaabkii oo laba jibaarane, telefishanka qaranka lacagaha ugu badan uu ku dhaqaaqaa waa lacagta kasoo hoyata xayeysiisyada meheradaha iyo ugu badnaan waxbarashada wasiirka waxbarshaduna waxa uu rabaa in telefishanka qaranku xidhmo waayo ma isagaa siinaaya bajadki xooga ahaa ee kasoo gali jirey xayeysiisyada waxbarshada.
  • Wuxuu ka qayb galey jaamacad cusub oo la furaayo isagoo wasiirku waqtiyadan dambe dhaliilaayey waxbarshada gaarka ah . maxaa isagoo wasiir waxbarsho ah hadii uu sharafta waxarashada dowlada doonaayo miyuu iska dhaafo ka qayb galkeeda mise tolow waxoogaa ayaa loo laabay koley meesha kama madhnee.
  • Gunaanadkii tiisaba daryeelaa tu kale kudara wasiir ujeedadaa waa la fahmi karaa waxaad tahay mid rabba in waxbarshada dalka gebi ahaanba la baabi,yo.
  • Ubadkaagu waxa ay dhigtaan dugsiyada gaarka loo leeyahay waxa aanad u geysey wax kale maaha ee waa tayadooda oo aad ku kalsoon tahay. Sacaadatal wasir waxaan ku leeyahay

 Nin wax hunguriiska maray hiifay waa qadaf.

cabdi-caawiye2

Waxa Qoray: Cabdi Caawiye