Wax badan ka ogow kansarka beerka ku dhaca (WQ: Dr Amiin)

Beerku waa qanjirka  ugu weyn ee jidhka, Wuxuu jirka u qabtaa shaqooyin muhiim  ah oo kala duwan si jirka looga ilaaliyo sunta iyo walxaha waxyeelada leh, Waxay ku yaalaa beerku qaybta sare ee caloosha dhanka midig, Beerka ayaa mas’uul ka ah soo saarida dheecaanka beylka loo yaqaano, kaas oo ah dheecaan  caawiya  dheefshiidka dufanka, fitamiinada iyo nafaqooyinka kale, waxuuna sidoo kale beerku uu kaydiyaa nafaqooyinka sida glucose ah, Wuxuuna jirka ka saaraa beerku sunta ka harta daawooyinka.

Marka beerku uu ku dhaco kansarku wuxuu kansarku bur burinayaa dhamaan unugyada beerka sidaasna waxaa mesha uga baxaysa shaqadii beerka uu qabin jirey qofkana halis dhimo ayaa galayaa markaas.

MAXAA SABABA KANSARKA BEERKA?

Dhakhaatiirta ayaan hubin sababta dadka qaarkiis ay ugu dhacayaan kansarka beerka halka kuwa kalena aysan u qaadin.

Si kastaba ha noqotee, waxaa jira arrimo gaar ah oo la ogyahay inay kordhiyaan halista cudurka kansarka beerka ah waxaana kamid ah.

– qofka oo da’diisu ay dhaafto 50 sano ayaa halis aad ku qaadi karto kansarkaan.

–  in aad qabtay cagaarshowga qaybtiisa B iyo C ayaa ah khatarta ugu badan ee Soomaalida ku keenta karsarkan beerka.

– in aad isticmaasho qamrida iyo mukhaadiraadka ayaa ah halis kuu soo dadajin karta kansarka beerku in uu kugu dhaco.

– Sonkoroowga/macaanka iyo cayilka ayaa khatar kale oo kugu sababi karta xanuunkan kansarka beerka.

– in aad qaadato daawooyin badan oo uusan dhakhtar kuu qarin ayà khatarta ugu badan oo soomaalida ku keenta.

CALAAMADEHEE LAGU ARKI KARAA KANSARKA BEERKA?

– calool xanuun oo danqanaya marka kor laga taabto.

– jirka oo jaale cagaar xiga noqda indhaha iyo wajiga siiba.

–  matag, lalabo, tabardarro, daal iyo saxarada oo dhiig la socdo ama matag dhiig leh.

SIDEE LOO DAAWEEYAA KANSARKA BEERKA?

Majirto daawo rasmi ah oo meesha ka saari karta kansarka bale waxaa jira daawooyin ku meel gaar ah oo nolasha qofka loogu sii dheereenayo kuna xiran heerka uu marayo kansarku waxaana kamid ah:-

– in beerka laga jaro qaybta uu kansarku saameeyey si looga hortago in uu ku fido qaybaha kale ee beerka.

– in qofka laga badalo beerko oo loo galiyo beer qof kale.

– in lagu daaweeyee nooca daawada loo yaqaan “Chemotherapy” oo ah noo daawo oo bur burinaysa kansarka unugyada uu baxsadey.

–  in lagu daaweeyo nooc shucaac ah oo lagu gubayo unugyada kansarka oo loo yaqaano “Radiation Therapy”

Fadlan gaarsii asxaabtaada si ay uga faaiideystaan ama halkaan ugu yeer mid iyo labo.

 

Dr Amen