WAX KA BARO SHURUUCDA BADAHA EE CAALAMIGA AH (UNCLOS). (WQ: Rashiid Odowaa).

Haddii aynu eegno axdiga badaha caalamiga ah ee Geneva 1973 iyo 1982 waxa kabis iyo wax ka bedel lagu samaeyay 1994 iyo 2013 wuxuu dhigayaa in wadan kastaa u madax bananyahay xuduudda baddiisa si la mid ah berrigiisa.
Waddan kastaa xadkiisu waa 12(Neutical mile) oo u dhiganta 22 km illaa hawada halka ku began iyo illaa badda gunteeda waxa leh waddankaas xeebta leh waxanu xaq u leyahay inuu sharciga waddankiisa mariyo cidii xadgudub ku soo gasha marakiibta ama gaadiidka halkaas waxase xaq loogu leeyahay in ciddii soo marta ee aan guranayn khayraadka ama aan qashin qub wadin ama aan hab quusid ah ku marayn(Submarine) waa loo ogolyahay inay maraan hase ahaatee waa inayna ku hakanayn oo ay u dhaafayaan si socod ah isla markaana Calankooda waa inuu muuqdaa oo ay dusha ka taaganyahay.
Waxa xusid mudan wadanku haddii uu gasiirado leeyahay (Archipelagic) wadankasi isagaa xaq u leh inuu sawirto mapkiisa waxanau cabirka ka bilaabi karaa gasiiradda ugu fog ee uu xukumo gasiiradahas biyaha u dhexeya waa inuu nabad buuxda lagu maraa gadiid kasta oo si nabad ah u socda.
Haddaba halkii ka sii wad 12(Nautical mile) oo u dhiganta 22km waxa loo yaqaan aaga muranka waxana waddanku xaq u leeyahay inuu xukunkiisa ku fuliyo haddii cid kaloo faro gelin waddaa soo gasho ama qashin lagu aasayo waxanay ka ilaalin kartaa dadka muhaajiriinta ah,wasakhaynta biyaha waanu ku cashuuri karaa.
Haddana dib u soo noqo ka bilow xeebta illaa 200 Nautical mile oo u dhiganta 350 km waxa loo yaqaan Economoic zone(Exclusive Economic zone EEZ) waxayna waddankan xeebtan lihi xor u yahay inay ka faaiidasto wixii khayraad ku jira kalluumaysi,shidaal ama macdan kaleba si nabad gelyo ah aagan looma oggola kaluumaysato shisheeye ahi inay soo galaan.
Waxase lala wadaagi karaa in xadhko ama dhuumo la marsado badda hoosteeda taas waa lala wadaagi karaa wadankan xeebta leh.waayo dhaqaalaha iyo isu socodka ayaa muhiim u ah dadyowga dunida guudkeeda ku nool.
Halkaas wixii ka sii bilaabma oo laga gaadho ilaa iyo halka ugu gunta dheer badda hoosteeda waxa loo yaqaan kaydka Qaaradda ka dhexeeya ama (Continental Shelf) aagan waddanku xor uma aha inuu macdan ka qotto waxase loo ogol yahay wixii ka sarreeya dhooqada ama gunta badda ee aan ahayn wax nool wuu ka faaiidaysan karaa waxa kale qaaradda ama gobolka ayaa talo ka wada yeelanaya aagan halka uu ka bilaabmayo waa la garan karaa lkn halka uu ku egyahay way ku kala duwanaan karaan qaaradaha adduunku waayo waxa kala dhow halka laga gaadhayo gunta ugu hoosaysa ee biyaha.
Intaas wixii ka shisheeya waxa loo tixgelinayaa biyaha caalamiga ah ama badda sare(High sea) waa aag adduunka oo dhan ka dhexeeya wixii halkaas ku saabsan nooc kasta oo ay tahayba waxa loo tixraacayaa Axdiga Qaramada midoobay ee xeerka badaha caalamiga ah (United Nations Convention law of seas UNCLOS)
Waxa loo ogolyahay waddamada Landlock ah ama aan badaha lahayn inay ku helaan alaabta u soo degaysa si Transit ah waana Xuquuq caalami ah.
Haddaba waxa muhiim ah inuu waddan kastaa lahaada awoodda ama Capacity uu ku ilaalin karo xeebihiisa iyo baddiisa lkn meesha ma shaqaynayo hadal waxaynu ognahay in dhowaan Xukuumadda Somalia ruqsad u siisay Shirkado China ah inay ka kalluumaystaan badaha Somalia waxase jirta in maraakiibta waddamo badan oo adduunka ahi ay horeba si badheedh ah oo aan gabasho lahayn uga kalluumaystaan xeebaha Somalida waxay kaloo marakiibtaasi jebiyaan meelaha uu kalluunku hadhsado ama ku tarmo ee loo yaqaan (Coral reef) iyagoo ka faaidaysanaya maqnaanshaha xukuumad awood leh oo ka difaacda khayraadka dadka Somalida ee la xalaashaday.

Rashiid Odowaa
khadarsalaan@mail.com
0634101213