Wax ka ogow dhacdooyinkii sababay in Muslimiintu joojiyaan Salaadaha Jimcaha iyo Jamaca! (WQ: Abdoulkarim Qurusdoon)

Wax ka ogow dhacdooyinkii sababay in Muslimiintu joojiyaan Salaadaha Jimcaha iyo Jamaca!

 

Maqaalkan dheer ee lagu baahiyey Al Jazeera.net, waxa uu ka sheekaynayaa dhacdooyin taariikhda ku xusan oo sababay in ay Muslimiintu baajiyaan salaadihii Jimcaha iyo Jamaacada.

 

Waxaa ka mid ah:

 

1. Qof naftiisa u baqay sabab caafimaad ama mid amni.

 

2. Qof deyn lagu leeyahay oo ka baqday in qofkii deynta ku lahaa uu ku qaanabo dadka hortooda.

3. Cuduro faafay.

4. Masiibooyin dabiiciya.

5. Bulshada oo fitnad (xurgufo) ku sallaysan madaahibta ka dhex qaraxday.

6. Dagaalo lagu hoobtay.

 

7. Kacdoono siyaasadeed oo dhacay.

 

Dhacdo aad ii soo jiidatay waxay ahayd markii reer Qayrawaan (Tuunis) ay ku mudaharaadeen boqoradii Faadimiyiinta oo ay nacayb badan u hayeen, waxay ka caageen ka soo qaybgalka salaaddii Jimcaha iyaga oo u dulqaadan kari waayey ammaanta boqorada daalimiinta ah.

 

Jacayl iyo weynaynayeen salaadda Jimcaha ay u hayaan ayaa inta ay maasaajidka yimaadaan waxay odhanayeen ” Eebbow markhaati ka ahaw”, kadib guryahooda ayay ku laabanayeen oo ay ku tukanayeen afartii rakcadood ee Duhurka.