Wax kabaro Qaab-dhismeedka xukuumada Switzerland ee mucjisada ah (WQ: Rashiid Odowaa)

Waddankan Switzerland waa waddanka loo soo qaatto halbeegga Nabadda,Xasiloonida,Xorriyadda,dhex dhexaadnimada,waligii waddankani xulufo lamuu noqon laba dhinac oo is haya xattaa UN wuxuu wadankani xubin ka noqday dhowaan 2002 waana dalka ay madaxda Africa iyo qaar badanoo Adduunka ka mid ahi ay magangelyo u doontaan Lacagtana ay dhigtaan haddaba akhriste waxad ogaattaa maxaa ugu wacan inuu waddankani noqdo waddan dhex dhexaad ah oo nabad loogu soo hirto runtu waxay tahay waa loo fikiray dadkiisa ayaana wax ka dhigay.

Dadka ku nool waddankan oo lagu qiyaaso 8.5 milion waxay ka soo kala jeedaan asal ahaan Wadanka Jarmalka,Faransiiska,Talyaniga iyo Romania, waxa la ogyahay inay wakhtiyo ay waddamadan is gumaadi jireen ay jirtay oo ciidu oloshay sida dagaalkii 1aad iyo 2aad ee adduunka hase ahaatee waxay yidhahdeen anagu kuma jirno waxanu nahay waddan la yidhaa Switzerland, waxa sii caawiyay waddankan juquraafi ahaan waxa ku hareeraysan ama uu u badanyahay buuro aad u dhaadheer oo qurux badan kuwaas oo ka soocay waddamada kale sidaas darteed albaabada ayay ka xidheen.

Wax badan oo cajaaib ah ayuu leeyahay waddankani waxa ka mid ah Caasimaddu maaha sharci ee waa ku meel gaadh,wakhtigan hadda la joogo caasimadd waxa la yidhaa magaceda (BERN) waana lagu shaqeeyaa uun ee marka la doono waa la rari karaa,waxa kaloo ay jira magaloyin caan ka adduunka Sida GENEVA oo xarumo badan oo UN leedahay ay ku yaallaan.

Dadka reer Switzerland hadday qodob sharci oo jiray doonayaan in wax ka beddel iyo kaabis lagu sameeyo ama ay u arkaan inaanu dantooda ahayn wax culus maaha 50,000 oo qof ayaa saxeex laga soo qaadayaa ka dibna waa la bedelayaa,Sidoo kale haddii koox ka kooban 7 xubnood ay 18 bilood gudahood ku soo helaan 100,000 oo saxeex waxay beddeli karaan dastuurka labada jeerba waxa la horkeenayaa baarlamanka waxana lagu codaynayaa hal dheeri.ka dibna meesha wuu ka baxayaa ama waxbaa laga beddelayaa.

Waddanka Switzerland habka qaabdhismeedka Xukuumadoodu waa habka federal (semi-direct democracy) waa dimoqradi toos ah lkn xukun ku dhexjiro,sadex gole ayaa jira, Golaha sharci dejintu wuxu ka koobanyahay 246 xubnood,waxa si toos u soo doorta dadka waxayna u kala qaybsamaan labada aqal eek ala ah Golaha Qaranka oo ka kooban 200 xubnood iyo Golaha maamullada gobollada oo ka kooban 46 xubnood oo ka kala yimaadda 26 (Cantoons) gobollo.

Golaha fulinta ee xukuumadda federalka ahi waa (7) xubnood oo ay soo doortaan golaha baarlamanku toddobadan xubnood waa wada wasiirro(golaha wasiirrada) dhamantood ,toddobadan xubin ka mid ah ayaa marba madaxweyne noqota hase ahaattee waxa cajiib ah madaxweynaha mararka qaarkood ayaan cidiba aqoon oo uu dadka shicibka ah uun iska dhex socdaa.sababtoo ah wuxuu shaqeeyaa Sanad keliya ka dibna waa wareegto mid kale ayaa lagu wareejiyaa xattaa ma cadda qaabka ay doortaan madaxweynaha.awoodda madaxweynuhu way iska kooban tahay wuxuuna inta badan guddoomiyaa fadhiyada taladu waa dhex (collective),waxana suurto gal ah madaxweynaha inaad mararka qaarkood aad bas wada raaci kartaan ama maqaaxi laga wada shaahayn karo iyadoo aanad garanayn.

Waxa jira 5 xisbi qaran Ciidanka waddankani aad ayuu u xadidan yahay marka loo eego Yurubta kale waana qiyaastii 171.000, Waddankan way tiro badanyihin xarumaha UN ee ku yaallaa,sidoo kale heshiisyada iyo axdiyada lagu galay way tiro badan yihiin sida axdiyada (Geneva Conventions) iyo shirarka caalamiga ah waxa kaloo lagu dhex dhexaadiyaa waddamada muranku ka jiro,waxana arrintaas u saamaxday dhexdhexaadnimada ay caan ku noqdeen waxa hubaal ah waddankan haddad intaad doonto dhex joogtid inaand arkaynin wax ka hadlaya Qabyaalad,Musuq,EEx hanti la boobay beelo is dilaya,waxan odhan karnaa waa dad fikiray oo nidaamkooda hagaajistay wax kastaana wada jir kaga gudbaya.

Inagu Somali guud ahaan inagoo nimcadii ilaahay inagu galladay ee Muslinimo haysanna ayaynu haddana meel khaldan soconnaa,waxa wanaagsan inaynu caalamka hareeraha iinaga xiga eegno oo ku dayanno wixii qaab dhismeed xukuumadeed iyo Siyaasad ah,Waxa wax lala yaabo ah dadkeenna qurbaha taga waddamo hagaajistay nidaamkoodii dowladnimo ayay u dhoofeen dhaqaalena way ka heleen masha allah hase ahaattee qaarkood waxay soo gudbiyeen qabyaalad iyo xumaan halkay ka soo xigan Systemka ay ku soo arkeen aduunka waana arrin khaldan ayaan odhan karaa.hase ahaattee way jiraan qurbe joog badan oo wadankooda soo dhisa.

Si gaar ah waxan doonayaa inaan ula hadlo dadka reer Somaliland inay systemka jira qolo kastaa meesha ay ku fiicantahay aynu ka soo copy garaynno.muhiimaddu maaha kumaa madaxweyne ah ee waa qaabkee waddanku horumar u gaadhaa loona wada dhisaa.
Rashiid Odowaa
Khadarsalaan@gmail.com
063-4101213