Waxa keenay maroorka waayahaa maragood ah Q1aad (WQ: Maxamed Cumar Dhagax)

 

Qormada 1aad ee dhiganaha magaciisu kor ku xusan yahay :

Waa dhigane taxane ah oo ka war bixinaaya dhacdooyinka mutuxan iyo ma carawdada dalkeenan Somaliland taala waayadan

Ninka malaha beenta ah

Maatadaa ku booboow

Waxaad muudsanaysaa

Waa mur iyo deebaaq

Iyo milil iyo dhiig

Laga dhuray masaakiin

Balse maan la’aantiyo

Mixnadiyo qabiilkaa

Kugu tidhi macaaniyo

Waa malabkii doocaan

Hay odhan mar iyo labo

Midigtaada buuxsoo 

Maja xaabi qarankaba

Hordhac:

Dhiganahan aan ku magac dhabay Waxa keenay Maroorka Waayahaa Maragood ah waxaan kaga hadlayaa oo si buuxda ugu gonda degayaa dhacdooyinka Somalilan ka jira iminka, kuwo la soo dhaafay, kuwo hoosta ka nool iyo siyaabaha kala duwan ee ay ku yimaadeen.

Qarankeena Jamhuuriyada Somaliland waa qaran jira iminka 27kal oo wuxuu madax banaanida qaranimo is raacii 1960kii kala soo laabtay kal tirsigii ahaa 1991kii, xiligaas oo shir weynihii Beelaha Somaliland ku yeesheen Burco lagaga dhawaaqay 18/05/1991kii, haddaba waxaa is waydiin mudan tan iyo waagaas maxaa Somaliland ka xumaaday? Maxaa u hagaagay? Sidee wax yihiin? Iyo halka iminka xaalku marayaa maxay kaga duwan tahay waayadaas hore?

Milicsi guud oo ku wajahan sooyaalkii Somaliland:

Jamhuuriyada Somaliland waxay ahayd maxmiyad hoos tagta boqortooyadii ingiriiska (Somaliland British Protectorate), waa tay xoriyadeeda ka qaadatay 26/06/1960kii, Somaliland waxay jacaylka Soomaaliyeed awgeed iyo marin habow xiligaas ku dhacay ay isku raaceen Soomaaliya oo iyaduna ahayd geyi Soomaaliyeed oo uu gumaysan jiray Talyaanigu, haddaba markii Somaliland is raacaas ku hungoowday oo lagu majo xaabiyey ay dagaal culus oo naf iyo maalba lagu bixiyey dib ugala soo noqotay qaranimadeedii lixdankii halowday Jamhuuriyadii Soomaalida ee ay ka midka noqotay lixdankii, kalkii 1991kii bishiisii shanaad toban iyo sideedeedii ayey ahayd markii shir beeleedkii Burco lagu gaadhay gooni isu taaga Somaliland, waana tii jabhadii SNM xilka loogu dhiibay si ku meel gaadh ah, waxaa xigtay in shir weyne lagu qabtay Boorama lagu soo doortay Madaxweyne Md, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, xiligaas waxaa xilka lagala wareegay Md, C/raxmaan Axmed Cali (Tuur) oo ahaa hogaamiyihii 5aad ee SNM, C/raxmaan Tuur waa tuu ka degay Xamar kuna dhawaaqay Federaalka Soomaaliyeed, waxa markaaba curtay dagaalo anafo xun reebay oo dhex maray beelweynta Garxajis iyo Isbahaysigii Cigaal, dagaalkaas oo ahaa mid siyaasad ku fadhiya runtiina loo yaqaano iminka “Mashruuc”; si kastaba ha ahaatee waa tii kal tirsigii 1997kii dib loo doortay Md, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Haddaba dib u doorashada Cigaal waxaa Somaliland ka dhaxashay hore u socod lagu soo gaadhay hanaanka maanta lagu jiro, waxaa lagu soo gaadhay u soo gudubkii dhabaha xisbiyada badan ee aynu maanta wax ku doorano, waa tii lagu soo yagleelay dastuurka qaran ee JSL, haddaba ka dib geeridii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal AHUN, waxaa hogaaminta qarankan JSL la wareegay madaxweyne ku xigeenkiisii Md. Daahir Rayaale Kaahin, Daahir Rayaale wuxuu si hufan u meel mariyey qorshihii qaranimo ee uu ka dhintay Cigaal, wuxuu hirgeliyey doorashooyinkii ugu horeeyey ee Somaliland ka qabsooma oo ahaa kuwii dawladaha hoose, waxa uu sidoo kale qabtay doorashadii Madaxtooyada ee 2003dii, doorashadii golaha Wakiilada ee 2005kii, wuxuu kale oo qabtay doorashadii madaxtooyada ee 2010kii ahaydna midhkii uu hogaaminta Qaranka JSL ku guulaystay Madaxweynaha iminka Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Haddaba Somaliland waxay Burco ku heshiisay in shir weyne qaran yeeshaan kaasina uu ahaado mid lagu qaybsanaayo saamiga ay kala yeelanayaan, arintaasina waxay hir gashay 1993dii oo uu qabsoomay shirweynihii Boorama, waxaa mudnaanteeda leh in loo gudbay marxalad kale oo ah doorasho iyo tartan furan, waxaa meesha ka baxday beel heblaayo ayaa xilkaas iska leh, balse kuma wada qancin guud ahaan beelaha Somaliland, waxaa jirta oo ilaa iminka taagan tabashada Beelaha darafyada, waa gar balse waxay u baahan tahay in hab iyo hanaan loo yagleelo lagaga baxaayo tabashooyinkaas laguna gorfaynaayo qaran la wada leeyahay oo loo siman yahay, waxa kale oo iyana aan marnaba meesha ka bixin is dilka iyo dirirta ka dhex ooganta beelaha is ood xiga, beeliba beel kale ayey ka boodsan tahay, waxaa laysku hayaa inta ceel biyood ama daaqsin dan u wada ah degaankaas, waxaan marnaba la tuuri Karin in aanay beeluhu is hayn! Balse ay jirto cid kale oo is haysa isla markaasna ku qudhuubata magacyada beelaha iyo oosha markaa degaanka wadaagta, sababtoo Soomaalida beelaheedu hore waa ay isu qaban jireen, waxa se is waydiin mudan maxaa laysku qaban jiray ama ay dirirtu ka hoohaari jirtay? Waa tay ahayd Geel la kala dhacay, aanooyin rag ku kala maqan beelaha, kuwaasna waa la maarayn jiray, haba soo cusboonaadeeneh, waayadeed Maan rag waa mudacyo afkood sida mudacyo afkood laysula helaana waa adag tahay, hase yeeshee waxa la gaadhi jiray heshiisyo intooda badani meel marto.

Dhigaalkii Maxamed Cumar Dhagax