Waxa uu baadhis dheer ku sameeyey ‘sababta keenta guusha ama guuldarrada dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalalka.’….W/Q:(Kamal marjaan)

Sawirka hoose, waa mid ka mid ah xafiisyada madaxtooyada Somaliland, dhowaan ayuu madaxweyne Biixi ku qaabilay danjiraha Maraykanka. Kabadhka ka dambeeya Dr. Ciise Kayd, wasiirka arrimaha dibadda SL, waxaa ka muuqda buugga “Why Nations Fail’ ee ay qoreen Daron Acemoglu iyo James A. Robinson.

Waxa uu baadhis dheer ku sameeyey ‘sababta keenta guusha ama guuldarrada dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalalka.’ Arrintan waxaa hore loola xidhiidhin jiray dhaqanka iyo caadooyinka bulshada, isirkaa, diintaa, cimilada, juqraafiga, iwm. Laakiin labadan qoraa iyagu waxa ay si qurux badan u soo bandhigeen aragtiin cusub oo ah, ‘wanaagga ama xumaanta siyaasadaha hoggaamineed ee madaxda, iyo sida ay u maamulaan ilaha iyo hay’adaha dhaqaalaha ee dalku, in ay yihiin sababta horseedda horumar yo guul siyaasadeed, ama dib u dhac, xasilooni la’aan siyaasadeed, iyo in uu dalku kala daato.’

Tusaalayaasha ay dib u dhaca u soo qaateen waxaa ka mid ah Soomaalida. Waxa ay sheegeen in sababta guuldarradu ay tahay, dawladda oo noqday mid aan lawadalahayn, taladii iyo dhaqaalihii oo lagu koobay dad gaar ah oo ka hodmay, sharciyadda iyo nidaamka dawladeed oo liita ama aan jirin, qaybsanaan qabiil oo sababtay colaado sokeeye iyo xasiloonidarrooyin siyaasi ah, iyo khayraad dhaqaale oo kala duduwan oo aan jirin.

Talooyinka buuggani u soo jeedinayo Soomaalida iyo dadyowga la duruufaha ah waxaa ka mid ah, in isbeddel aasaasiya lagu sameeyo shaqada hay’adaha siyaasadda ee dawladda iyo kuwa dhaqaalaha la xidhiidha. Waxaana ugu mudan, in la dhiso dawlado la wadaleeyahay, taladeedana laga wada dhex muuqdo, sida oo kalana hay’adaha dawladdu ay shaqada ka dhexeysa sida ku habboon u wadaagaan. Taas oo uu u arko in ay tahay, sida ugu habboon ee lagu xoojin karo sharciga iyo kaal dambaynta, laguna ilaalin karo xuquuqda lahaanshiyaha gaarka ah ee hantida, iyo fursadaha dhaqaalaha oo kobca, dadkuna u sinnaado.

Markii ishaydu ay sawirka buuggan ku dhacday, waxa aan is weydiiyey laba su’aalood:

1. Somaliland waxaa ka jira dhammaan sababaha uu buuggani sheegayo in ay keenaan guuldarrada siyaasadeed iyo dhaqaale. Sidaas awgeed, waxa aan is weydiiyey ujeeddada uu lahaa qofka buugga halkaas ku qurxiyey? Ma in dalka aanay arrintaasi ka jirin ayuu sheegayaa?

2. Diblumaasiyadda, saxaafadda iyo sirdoonku waxa ay ka mid yihiin mihnadaha qofka ku tababara dhugmada iyo u fiirfiirsiga, inta badanna dadka ka shaqeeyaa, qoraalladooda si ay akhristaha faham fiican u siiyaan, waxa ay hummaag ka bixiyaan xaaladaha ku xeernaa dhacdada ay ka warramayaan; sida waxa ay ishoodu markaas qabanaysay iwm.

Nasiibdarro, Danjire Richard H. Riley oo uu buuggani wajahaaddiisa yaallay, waxa uu u socday in uu madaxda siyaasadda kala hadlo, arrimo xidhiidh la leh isla mawduuca uu buuggani ka hadlayo. Si kastaba ha ahaato e, Ma ogi in danjire Richard uu ka fikiray xidhiidhka ka dhexeeya buuggan (Haddii ishiisu qabatay) iyo arrinta uu u socday, ama inuu is weydiiyey buuggan yaalla goob aanu ka shaqaynayn.

Anigu se, waxa aan is weydiiyey, ‘Sababta buuggan kelidii looga dhex muujiyey kabadhkan qaawan. Ma madaxweynahaa akhriya, mise cid baa ujeeddo uun kale u dhigtay?

 

 

 

 

 

Xigasho:Kamal marjaan

Bandhige@gmail.com