Waxtarrada in Hay’aduhu Soomaaliya soo degaan (WQ: Khaalid M Rooble)

Maqalkii hore ee SIdee Hay’aduhu ugu Takrifalaan Deeqaha Soomaaliya la Siiyo waxa aynu si guud uga hadalnay habdhaqanka gurracan ee hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Caalamiga ah ee aan dawliga ahayn ee Soomaaliya kashaqeeya islamarkaana deggan Nairobi. Iminka waxa aynu si gaar ah u eegaynaa bal waxtarka ay lacagaha magaca Soomaaliya lagu soo qaato ee lagu lunsado Kenya ay Soomaalida u yeelan lahaayeen hadii waddanka gudihiisa lagu isticmaalo.

Lacagahan deeqaha gargaarka iyo kuwa horumarinta ee intooda badani waxa ay ku baxaan kharashyada kala duwan ee mushaharooyinka, kirooyinka xafiisyada iyo guryaha waaweeyn, gaadiidka, safarada, amniga, hudheellada waaweeyn iyo maamulka dhammaantood waxa ayna waxaas oo lacag ah galaan Kenya iyo wadammada ay kasocdaan madaxda hay’aduhu. Hay’adahaas oo xarumahooda usoo wareejiya Muqdishu waxa ay  meesha ka saari lahayd kharashaadka kala duwan ee  faraha badan siyaalaha kala duwan ugala xafiisyada  ay  hay’aduhu ku leeyihiin Kenya iyo mushaharooyinka xad dhaafka ah ee la siiyo dadka ajnabiga ah – gaar ahaan kuwa Kenyaatiga ah iyo waliba qarashaadka safarada dhaadheer ee Soomaaliya iyo Kenya loogu kala goosho.

Talaabadaasi waxa ay suurtogelin lahayd in lacagahaas si dadban iyo si toos ahba ay uga faa’iidaystaan Soomaalidu. Marka laga yimaaddo in  deeqaha gargaarka  iyo horumarinta intooda badani toos u gaaraan dadka  loogu talogalay, waxaan shaki ku jirin in si dadban  ay lacagaasi waxtar ugu yeelan lahaayeen dadka Soomaaliyeed taas oo gacan kageysan lahayd  dib u soo noolaynta hanaankii dawladnimo iyo kan amni ee waddanka.

Tusaale ahaan dadka ajnebiga ah ee u shaqeeya xarumaha hay’adaha ee Nayroobi waxaa lagu qiyaasaa ugu yaraan 1200 -1500 qof. Shaqaalahaasi waxa ay qaataan lacago aad uga sareeya kuwa ay qaataan dadka isla hay’adahaas uga shaqeeya xafiisyada yaryar ee  ay ku leeyihiin waddanka gudihiisa. Waxaana hubaal ah in xafiisyadaas waaweyn oo loosoo wareejiyo waddanka gudihiisu ay gacan ka geysan doonto dibudhiska dalka iyo kasoo kabashada dagaalada. Waxa ay  gaar  ahaan saamayn togan ku yeelanaysaa   dhinacyada amniga, shaqo abuurka, waxbarashada, dibudhiska dhaqaalaha iyo maamul wanaagga.  Dhinacyadan aynu sheegnay ayaynu mid walba si kooban u tilmaami doonaa saamaynta togan ee dhaqaalaha Kenya lagu isticmaalaa kuyeelanayo hadii waddanka loosoo wareejiyo.

Shaqo abuuritaan: waxaa xaqiiqo ah in shaqo la’aantu kamid ah tahay waxyaalaha amni xumada dhaliya. Shaqaalaha hay’adaha ee Nayroobi degen waxaa lagu qiyaasaa ilaa 1200 – 1500 oo qof. Tirada intaas le’egi lacagaha faraha  badan ee ay qaataan waxaa lagu shaqaalayn karayaa ugu yaraan 10,000 qof (toban kun oo qof oo Soomaali ah).   Dadkaas waxa ay noqon karaan kuwo aqoonyahanno ah, xirfadlayaal, iyo kuwo ilaaliya amniga.

Waxbarashada: waxbarashada oo ah meelaha halbowlaha u ah dib u dhiska wadanka waxa ragaadiyay awood darro ay ugu horrayso dhaqaale la’aan taas oo keentay xitaa in la heli kari waayo mushaharooyinka aqoonyahanno horseed ka noqda dibu dhiska Wasaaradda Waxbarashada iyo hannaankii waxbarashada waddanka ee burburay.. Run ahaantii, haddii hay’adaha waxbarashada kashaqeeya ee deggan Nayroobi ay  wadanka iman lahaayeen, waxa ay ogaan lahaayeen baahida dhabta ah ee ka jirta dhinaca waxbarashada. Kharashaadka farahabadan ee ku baxa meelo aan waxtar buuran lahaynna waxa ay usoo wareejin lahaayeen meelaha looga baahan yahay. Waxbarashada waddanka oo wax laga qabtaana waxa ay yaraynaysaa amni darrada, tahriibka, xagjirnimada iyo dhibaatooyin badan oo iminka jira.

Dhaqaalaha: dhaqaaluhu waxa uu halbawle u yahay kasoo kabashada dagaalada iyo horumarka waddanka. Sidaa awgeed, marka laga yimaaddo shaqaalaha ay tooska uga qortaan waddanka, hay’aduhu waxa ay adeegyada ay u baahan yihiin ka iibsan lahaayeen ganacsatada waddanka sida guryo, gaariyaal, qalab xafiisyo, isgaarsiin, raashin, qalabka dayactirka baabuurta iyo xafiisyada iwm.  Dhaqaalahaas wadanka gudihiisa galay isna waxa uu saamayn togan ku yeelanayaa kor u qaadista nolosha kumanaan qof oo si dadban iyo si toos ah uga faa’iida.

Arinta kale ee iyana ay muhiimka u tahay in hay’aduhu u soo guuraan wadanka gudihiisa waa sidii ay hay’adahaasi ugu dhawaan lahaayeen dadka ay u adeegayaan, una heli lahaayaan xogo dhab ah oo kusaabsan xaaladaha dhabta ee jira iyo sidii looga hor tegi lahaa masiibooyinka bani’aadminimo ee marwalba lagu baraarugo iyada oo aan waxbadan laga qaban Karin.

Su’aasha lagayaabo in la  isweeydiiyo ayaa ah: xaaladda nabadgelyo ee waddanka ka  jirtaa masaamaxaysaa in hay’aduhu usoo guuraan waddanka. Anigu waxaan leeyahay haa. Sababta oo ah, hay’adaha waxaa dhaqaalaha siiya dawladaha waaweyn. Dawladahaas dhaqaalaha bixiyaa waxa ay safaarado kuleeyihiin Muqdisho, iyaga oo xafiisyana ku leh  qaar kamid ah magaalooyinka kale ee dalka. Xafiisyadii, qunsuliyadihii iyo safaaradihii deeqbixiyaasha haddii ay dalka degenaan karaan, dabcan ha’ayduhuna way degi karaan.

Ugu dambayntii, waxaa lagama maarmaan in hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa Caalamiga ah ee aan dawliga ahayn, iyo deeq bixiyayaashu garawsadaan in lagaaray waqtigii hay’adaha samafalka iyo horumarintu ay u guuri lahaayeen dalka gudihiisa.  Dawladda Soomaaliyeedna xil ayaa kasaaran in ay hay’adahan la xisaabtanto. Laso maqaalka dambe oo aanu kaga hadli doono mawduucyo kale oo muhiim ah oo arrimahan la xiriira.