Wedka dila saxafiga iyo mihnaddiisu waa beenta (WQ: Barkhad M. Kaariye)

Ku socota Saxaafadda (Aniguna ku jiro):

Wedka dila saxafiga iyo mihnaddiisu waa beenta. In qofka saxafiga ahi been sheegaa siyaabo kala duwan ayay ku timaaddaa; in uu kas u sameeyo iyo in uu kamaโ€™ amma hubsiimo-laโ€™aan u sameeyo โ€“ labadaba anshaxa mihnaddu wuu ka digaa. Si ay ku timaaddo ba, beentu waa wedka sumcadda iyo mihnadda weriyaha. Intaasi idinkuma cusba, waxa se u baahan inaynu u dhug yeellano arrinta dambe oo si fudud loogu dhaco, gaar ahaan warbaahinta casriga ah ee baraha bulshadu ka mid yihiin ayaa sahla in qaladkaasi dhaco. War baa qof soo qorayaa isagoon raacin cidda uu ka soo xigtay, sidii uu u sheegay wax baa iska beddelaya amma sidii uu u sheegay si aanay ahayn baa soo baxaysa! Waa sababaha aan u sibir-saaro in qof saxafi ah oo war soo qoray dadku ugu qoraan; โ€˜Sourceโ€™ โ€˜Caddeyn soo raaciโ€™ IWM – Xitaa haddii aan isaga ma-jirto looga baran, saxafi kale ayaa laga arkay oo u soo jiiday.

Haddaba, si saxafigu warkii ugu tebiyo baraha bulshada, karaamadiisuna u badbaaddo oo aanu u noqon qof ma-jirto sheegay, waxaynu ku baxsan karnaa haddaanu saxaafadda nahay tallaabooyinkan;

1- Xogtaad soo qorayso raaci halka aad ka keentay, tusaale ahaan โ€“ โ€˜Waxaas ayaa dhacayโ€™ sida uu sheegay hebel amma lagu baahiyay meel heblaayo! Taasi waxay suurtogelinaysaa in xitaa haddii xogtaa runnimadeeda wax iska beddelaan in masuuliyaddu fuusho cidda aad xigatay, halkaa karaamadaada ayaa ku badbaadday iyo in dadku kuu arkaan โ€˜Looga qaateenโ€™
2- Sheeko socota oo isa soo taraysa โ€˜Developing Storyโ€™ dadka u sheeg in waxaasi dhaceen, lagana yaabo inay isa soo tarto. Taasi waxay fakaag amma faalal (Space) u bannaynaysaa haddii warkaaga wax iska beddelaan, inaanu beenoobin.
3- Dhacdo aad sheegayso oo markaas soo baxday ka fogow faahfaahinteeda hoose, sida tirooyinka, goobaha cayiman IWM. Taasi waxay sababaysaa in aan warkaagu beenoobin oo tusaale ahaan; haddii dhacdo tuulo ka dhacday intii aad sheegi lahayd magaca tuulada, dabadeed tuulo kale noqon lahayd, waxa kaaga habboon inaad sheegto magaalada ugu dhaw, โ€˜Dhacdadaas oo ka dhacday duleedka magaalo heblaayoโ€™ โ€“ mar kale fakaag baad siisay in aan warkaagu beenoobin. Sidoo kale, haddii shil dhaco tirada dadka dhimatay/waxyeelladu gaadhay ha ku degdegin inaad sheegto, si aanad beenaale u noqon!

Guud ahaan waxba innaga xumaan maayaan haddaynu dabbaqno mabdaโ€™ ay saxaafaddu leedahay oo dulucdiisu tahay; โ€˜Degdeg aad u sheegto, hubsiimaa ka door roon!โ€™

F.G: Waxa laga yaabaa inaanan wax cusub sheegin, waxase hubaal ah inaynu dhammaanteen u baahannahay inaynu dabbaqno! Inaad ogaato/taqaanno waxa ka quman, kana waxtar badan inaad shaqada ku dabbaqdo. #AnigubaShalay