Weedhihii Xanafta Lahaa ee Masuuliinta Xukuumaddu u Geysteen Gobolada Bari (WQ: Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan)

Madaxweynuhu kama falcelin Weedhihii xanafta lahaa ee Masuuliinta Xukuumaddu u geysteen Gobolada Bari:

 

Wasiir xigeenka Arrimaha Gudaha:Sanaag waa gobol aafaha, baga ilaahay kaaga keeney,

 

Guddomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda: waad nasiib badan tahay haddaan Saraar lagugu tuurin;

 

Tiimbaro: Cerigaabo wixii wax garanayey way ka tageen, dad caamo ah oo qabyaalad iyo aargoosi uun garanaya baa isugu hadhay,

 

Ina Kaahin oo reer cerigaabo uga ashkatoodeen meel ka dhacyada bariga lagu la kacay, baa dadkii ugu jawaabay, ” waan idinka raaligelinayaa qanjiidhada yar, laakiin adkaysta annagaba intaa waa nala qanjiidhinayaaye!

 

waar adigu yeelkaaye, sidee baad aflagaado ummad dhan iyo gobolo dhan looga caam yeelaa?

 

Oday Biixi arrintaas kama falcelin, sababta aan qoraalka u daahiyey waxan sugayey in madaxweynuhu arrintaa ka falceliyo. Haseyeeshee markuu ka aamusay, raiisulwasarihiisiina arrinkiiba ku qiimeeyey qanjiidho , hadda xitaa qanjaruufo maaha, ayaan soo xusuustay dhacdo berigii Maxamed X. Ibraahim Cigaal dhacday:

 

Cigaal oo Jabuuti u dudaya ayaa Madaxweyne xigeenkiisi Daahir Rayaale hambalyo u direy munaasabaddii xorriyadood ee 27kii Juun.

Cigaal si deg deg ah ayuu jaraa’idka iyo radyawga uga baahiyey in Hambalyadaasi ay tahay mid Rayaale keliya ku kooban aanu Somaliland kaga wakiil ahayn.

 

Haatan, haddii oday Biixi nimankii sida xun u hadlay tallaabo ka qaadi waayey, ma odhan kariwaayey,  “waa reer Bariyaw, naxligan ay masuuliintaydu shubayso lama qabo, weli madaxweyne baan idiin ahay!”