WIILKII NAFTIISA SIRDOONNADU KU LOOLLAMEEN (Q:3)….(W/X:Kamaal Marjaan)

Kooxda afduubtay Injineer Cumar si arxandarro ah ayaa ay u ciqaabeen, si uu uga jawaabo su’aalo adag oo ay xeeldheereyaal ka tirsan MO SS AD oo ku sugan Talaabiib, khadka maqal iyo muuqaalka ee Internet ka ku weydiinayeen muddo 36 saacadood.

Waxa ugu muhiimsan ee ay ka doonayeen waxa uu ahaa in uu u sheego luuqadda furayaasha (Code Languages) barnaamijka u suurtageliyey in uu dhexgalo nidaamka kombiyuutarka gantaalaha koofiyadda birta ah ee Is raa iil, sida uu u dhisay ama u horumariyey barnaamijkaas iyo sida oo kale barnaamijka uu u adeegsaday in uu dhexgalo talefanka masuuliyiin xukuumadeed iyo saraakiil ciidamada Is raa iil ka tirsan.

Ninkii Cumar la socday ayaa bilayska ku wargeliyey in saaxiibkii la afduubay, halkaas ayaanay sirdoonka Malaysiya ka bilaabeen baadhitaanka. Waxa se in ay helaan Cumar halka uu joogo ka caawiyey sirdoonka Turkiga oo qudhoodu xaaladda dusha kala socday.

MIT waxa ay la xidhiidhay wakaaladda sirdoonka Malaysia ee magaceeda loo soo gaabiyo MSB, waxa aanay ku wargeliyeen halka lagu hayo injineerka. Taas oo ciidamada ammaanka Malaysia u suurtagelisay in ay soo badbaadiyaan Cumar.

Saraakiisha Malaysiya waxa ay ogaadeen in Injineer Cumar ay waraysi la yeesheen xeeldheereyaal ka tirsan MO SS AD oo ku sugan Talaabiib, marka laga tago su’aalaha la xidhiidha teknoolajiyaddana, waxyaabaha kale ee ay weydiiyeen waxaa ka mid ah in uu xidhiidh la leeyahay ururka Xa maas. Laakiin weli ma cadda in Is raa iil ay xog muhiim ah ka heshay Injineerka iyo in kale. Waxa kale oo ay MSB ogaatay in qorshaha Is raa iil ahaa in Injineer Cumar si qarsoodi ah loogu dhoofiyo Talaabiib.

MSB waxa ay sheegtay in ay furfurtay shabakado sirdoon oo MO SS AD ku beertay Malaysiya, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen 11 nin oo u dhashay Malaysiya, kuwaas MOSSAD ay shaqaalaysiisatay.

In kasta oo aan lagu arag wax raad ah oo muujinaya in ka tirsan yahay Xa ama uu taageero Xa maas, haddana MO SS AD waxa ay aaminsantahay in Cumar uu xubin ka yahay.

Dhowaan ururka Xa maas waxa uu shaaciyey in uu leeyahay unug gaar ah oo qaabilsan ammaanka iyo xogdoonka Internet ka, Kombiyuutarrada, iyo guud ahaan Teknoolajiyada (Cyber). Kaas oo a ay sannadihii u dambeeyey si qarsoodi ah ugu adeegsanaysay raadinta xogta MO SS AD iyo guud ahaan Is raa iil.

MIT ayaa xaqiijisay in Injineer Cumar Al-Balibiisi ay dib ugu soo celisay dalka Turkiga, ammaankiisana ay iyadu sugayso. Dhinaca kalana MIT waxa ay sheegtay in ay magaalada Istanbuul ku qabatay basaas lagu magacaabo Usaama Xijaasi, iyo Raa’id Qasaala oo ka shaqeeya shirkad Teknoolajiyadeed oo xidhiidh la leh MO SS AD, taas oo ah shirkaddii uu Qasaal sheeganayey markii uu Cumar shaqada u soo bandhigayey, iyo nin kale oo ka mid ah basaasiintii MOSSAD ee shaqada beenta ah u soo bandhigayey Cumar Balbiisi.

Baadhitaannada sirdoonka Turkiga ayaa sheegaya in la xaqiijiyey in Qasaal uu ka tirsanyahay MO SS AD, labadan eedaysane ayaa Istanbuul u yimid in ay la kulmaan Cumar oo qorshuhu ahaa in ay shaqo u soo bandhigaan, si ay kalsooni ugu beeraanna waxa ay Cumar ku qanciyeen in uu u sameeyo barnaamij (App), iyaga oo lacagta ugu shubay xisaab uu Cumar ku leeyahay mid ka mid ah bangiyada dalka Masar.

MIT waxa ay xog fiican ka heshay shirkadaha kala duwan ee Cumar xidhiidhka la soo sameeyey, kuwaas oo la ogaaday in ay dhammaantood yihiin shirkado ay adeegsato MO SS AD. Waxaana la xaqiijiyey in Cumar hortii ay MO SS AD shirkadahan qudhooda u adeegsatay qabashada dad ay dabagal ku haysay.

MO SS AD ayaa muddo dheer wadday hawlgalo qarsoodi ah oo ay ku khaarajinayso ama ku afduubayso dadka ay cadowgeeda u aragto ee ku sugan dalalka adduunka, gaar ahaan Falastiiniyiinta. Dalalka ugu badan ee ay MO SS AD ka ugaadhsatana waxaa ka mid ah Malaysiya oo ka mid ah dalalka qadiyadda Falastiin sida weyn u taageera, Falastiiniyiin badanina deggenaanshiyo u tagaan. Laakiin ay Is raa iil aamintahay in uu yahay dalka ay Falastiiniyiintu ka helaan aqoonta ugu badan ee dhinaca Teknoolajiyada oo marka dambe ay u adeegsadaan dagaalka ay kula jiraan Is raa iil.

Sannadkii 2018 kii Falastiini ahaa injineer dhinaca culuumtada Korontada ah oo lagu magacaabi jiray Faadi Muxamed Al-Batshi ayaa koox u shaqaynayey MO SS AD oo moto watay ay rasaas ku dileen Malaysiya.
Injineerkaas ayaa ay Is raa iil ku eedaysay in uu ahaa maskaxda samaysay diyaaradaha iswada (Drones) ee ay Xamas u adeegsato weerarrada Is raa iil.

MSB waxa kale oo ay baadhitaannadan ku ogaatay ugu yaraan lix ka mid ah Falastiiniyiinta ku sugan Malaysiya oo ku jira liiska dadka ay MO SS AD doonayso in ay khaarajiso, waxaa ku jiray arday jaamacadeed barta culuumta Teknoolajiyada iyo barayaal jaamacadaha ka dhiga aqoonta injineeriyadda iyo Teknoolajiyada la xidhiidha oo ay ku eedaynayso in ay xidhiidh la leeyihiin Xa maas.

Waxa aanay heshay xogta ay MO SS AD ka ururisay raggan oo ay ka mid tahay sawirradooda, jadwalka hawl maalmeedkooda, laga bilaabo subaxa illaa habeenkii, sawirrada baabuurtooda iyo guryaha ay Deggen yihiin, xogta xaasaskooda iyo carruurtooda iyo tafaasiil badan oo la xidhiidha noloshooda.

~#DHAMMAAAD

FG:
Sawirka afarta nin ahi waa basaasiinta MOSSAD ee ay MIT qabatay, sawirka gaarka ah ee koofiyadda xidhanina waa Faadi Muxamed Al-Batshi oo ah Falastiiniga la dilay

Isha xogta
________
Aljazeera
Wargeyska Sabah (Turkey)
New Strait Times