Wixii dhacay maxaynu adduunka kala wadaagnaa? W/Q: Cali Cabdi Coomay

Dib-isu-habeynta ciidan kastaa waxa ay qaadataa wakhti.

  1. Talyaaniga ayaa lagu soo jebiyey dagaalkii Adwo sannadkii 1896-kii ee uu la galay Itoobiya khilaaf soo kala dhexgay ciidankiisa awgii. 40 sanno ka dib ayuu dib isu soo habeeyey waxaanu Itoobiya cagta mariyey sannadkii 1936-kii, waa kii Boqor Xayle Salaase dibadda dalkiisa uga cararay. Sidoo kale siyaasiyiinta Talyaaniga marka la yidhaa dagaalkii labaad ee adduunka waad ku jabteen. Waxa ay kaga jawaabaan” dagaalka waxa ku jebay nin macangaga ah oo keligii-taliye ee dalku muu jebin”.
  2. Ruushka ayaa magaalada Bakhmuut ee dalka Yukreyn oo ay ciidankiisu ka dagaalamayeen muddo dhan 7 bilood ayaa waxa is-khilaafay taliyeyaashii ciidanka, taasina waxa ay keentay inay dhexdooda iska laayaan qaar ka mid ah saraakiisha. Ruushku ciidankiisii wuu kala soo baxay magaaladda, waxaanu gebi ahaanba dib habeyn ku sameeyey ciidankii iyo taliyeyaashoodii, waxaanay keentay inay dib u qabsadeen
  3. Itoobiya waa tii ciidankii dawladda ee Abiya laga soo saaray gobolka Tigree ee waqooyiga Itoobiya, dib u habeyn iyo qorshe ka dib waa kii ku rogaan celiyey ee aakhirkii qabsaday.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com