Xaaladda degdegga ee uu ku dhawaaqay Madaxweyne Trump iyo Saameynta Nolol-maalmeedkii dadka
Kadib markii uu maanta ku dhawaaqay madaxweyne Trump in dalku galay xaalad degdeg ah, waxa la dareemayaa:
1. In la joojiyey kulamada dadku iskugu yimaadaan sida goobaha cibaadada. Hay’adda u sarreysa Muslimiinta Waqooyiga Ameerika waxa ay ku dhawaaqday in la joojiyey salaadihii jamaacada lagu tukanayey, gaar ahaan salaaddii Jimcaha. Waxa la fasaxay dugsiyadii dawladda iyo kuwii gaarka ahaaba.
2. Waxa ay dadkii u dhaqaaqeen in ay dukaamadii waaweynaa ka adeegtaan. Dagaal cidiyo-ku dagaalan ah ayaa dhex marayey dadkii adeeganayey.
Dadka caddaanka ah inta badan waxa ay boobayeen waraaqaha musqulaha loo isticmaalo iyo alaabta gacmaha lagu nadiifiyo.
Soomaalidu waxa ay faaruqiyeen goobihii ay yaaleen: baastada, makaroonaha, saliidda, sonkorta iyo caano-Niidooga.
3. Waxa socota wacyi-gelin meel kasta dadka loogu sheegayo in ay faraha maydhaan.
Fursad ayaa ku jirta dadyowga aan muslimiinta ahayn loogu sheegayo diinta Islaamka iyo halka ay ka taaggan tahay nadaafada, gaar ahaan weysada shanta jeer ee maallintii.
Xaaladdan soo korodhay iyo waddankii:
Illaahay ayaynu ka baryaynaa in uu ummaddeena ka badbaadiyo halistan. Waxa loo baahan yahay diyaargaraw dhan walba ah in la sameeyo, gaar ahaan gobolkii cagaarnaa iyo akhyaartii beeralayda ahayd aynu weydiino inta god ee kayd raashin ah ee u qodan?