Xaalkeennu Yaanu Noqon Ninkii Qaaxo haysow Qoob Maroodi ka Cab (WQ: Aadan Faarax Haybe)

Sida aan maqlay, berigii aan daawada qaaxadu (TB-da) soo gaadhin Soomaalida, qofka uu ku dhaco waxaa loo oodi jiray meel cidlo ah, wixii cunto loo helana (sida muqmadda) waa la ag dhigi jiray si uu iskugu jelo inta uu awoodi karo. Dadkaas badanaa way u dhiman jireen xanuunkaas. Nin xero loo ooday, oo loo haystay inuu dhintay ayaa muddo ka dib isaga oo caafimaad qaba ka daba tegay beeshii uu ka dhashay. Waa la waraystay bal waxa Allah farajka uga dhigay. Wuxuun buu hadalkii ku soo koobay in uu biyo yar oo ku jiray meel uu mardooji ku joogsaday uu cabbay, kuna bogsaday. Wuxuuna talo looga qaateen ah ku soo jeediyey, in qofkii qaaxo ku dhacdo uu qoob maroodi ka cabbo.

Dad badan ayaa baraha bulshada ku faafinaya waxay u malaynayaan inuu dawayn karo COVID-19. Arrintaasi waxay sababi kartaa in dad badani isku halleeyaan waxaan la hubin waxtarkiisa. Inaad qof siiso talo aanad hubin ama aanad ka soo xigan cid lagu kalsoonaan karo, waa arrin culayskeeda leh. Inta badan xannuunada jira, dad badan ayaa ka bogsada iyaga oo aan wax dawo ah qaadan (self-limiting), kuwo kalena dawo ama cunto sabab kale u cuneen ayaan dawayn karta. Way adag tahay inuu qof kali ahi uu ogaan karo wixii ka kexeeyey xanuunkii hayey haddii aanu marin cilmi-baadhis dhab ah oo aad loo illaaliyey tayadeeda. Hal qof khibraddiisu (tajribaddiisu) waxay dhalisaa su’aal cilmi-baadhiseed balse ma aha cilmi-baadhis.

 

Waxaanad hubin dadka ha ku lu’goyn, aakhiradaadana u tudho.