xaasidku ma aflaxo mana guulaysto! (WQ: Mohamed dhamac Hassan)

Qarax, burbur kama waan toomaan.
Hadii ay Somaliland u gaysatay xukumad hore Somalia xasuuq. Kuwana dhibkaa haysta uunbaa ina haysaa lahaa. Waar nimanku ma quustaan miyaa.
Waxay kaga dhagtay walaladeen Somaliland waxbay tabanayaan. Adeer waxba ma tabanayaan nabad samaysteen, dalbay samaysteen horumarbay samaysteen. Meel ay u mareen markay wayeen. Qaar saxafiyiin isku sheega. Shilin Muqdisho u doontay. Ayay ku yidhahdeen warar ka sameeyaa in Somaliland dadka la xidh xidho.

Maxaaba la xidhi inta madaxwayne Muse Bihi yimid. Iska daa qaar dambi yar galay la sii daayee. Ilaa budhcad badeedkii la sii daayay.
Intay dalka Somaliland ku mashquuleen ayay dayaceen dalkii ay mamuli lahayeen Somalia.
Shacabkii iyo dawladada iyo argagixisadii isku milmay Somalia. Bad governance.

Qarixii ugu dambeeyay waxay dambiga saareen gabadh indha la. Lakiin waxa cadaatay inay ahayd inside job. Nacamtii qaar matalayaa dawlada Somalia ayaa ah argagixisada la shaqaynaya.
Somaliland dad arxan leh weeyan la damqada walaladood. Dhibkaste soo gaadha waxa dayacay kuwa villa Somalia agagarkeedu maamula.

Hadaan idhaa guriga igu xiga uunban mamulayaa. Anoon daganayn, una talaabi karin, gali karina. Sheeganaya inuu gurigaygii yahay sow ayaan daro maha. Somaliland sheeganayaan bal car wakaase ha yimadaan kuwa xukumad ka tirsan Somalia. Lakiin dadka miskiininta u soo qaxaya Somaliland. Waa soo dhawaynay. Waakuwaa ganacsiyo macal ku leh Somaliland.
Ninka gurigiisi dayacay ee qarax dhameeyay.
Maah maahdi maxay ahayd. “Tagarta saaran ma arkee ta dadka kale arkaa”

Tusaale fudud Norway Sweden waa laba dal walalalo ah. Hore macal Danmark wax wada lahaa. Dalal kala duwan samaystay. Barigii hore si isku difaacan mid u dagaalami jiray. Waa dalal walalo ah isku talaaba. Isku afafa lahjada ha kale duwanaato afka Daniska ka yara fog mooye. Tusaaluhu waa maxay. Waxay malin dhexda ka hadlayeen. Labada dal walalaha een is xaasidin. Maadamo police Sweden la rabo in la kordhiyo. Arday police Norway qalinjabisay laga soo amaaanaysto. Laga shaqaalaysiiyo Sweden.
Maxaa diiday Somaliland iyo Somalia walalo ahadaan isku talaaban. Waa isku af waa isku diin yes lakiin waa laba kale dal. Hada tidhaa inta Arabi ku hadashaa wa isku dal amaba Spanish oo kale sow khalad maha.

Kama dambays, Allow dhibka ka saar wadanka jaarka nahay. Qarax dhameeyay nabada aanay ka jirin.
Allow Somaliland nabada u siyaadi. Waa dal cisi iyo sharaf leh. Wax la xidh xidha ma jirtee. Yaan lagu mashquulin. Labada ha laga hadlo waxa dhiig dadanaya ee qarax dhacaya.
kuwaa Somalia dayacay masuuliyadoodi, they should be very worried inay seexdan maha waayo waxa isku milmay dawladoodii iyo argagixisadii.

Somaliland xidigaha ku socotaa. Waligeed soo noqonmayso, kuwa samaha jecel waladood kolay horumarkaa gaadhnay iyo nabada waa ku hambalyaynayaan. Markaa kuwa xaasidka waligood aflixi mayaan oo guulaysan mayaaan.
Malin wanaagsan!!

Mohamed Dhamac