Xabaashii bey qadisey (WQ: Hibo Ciise Maxamed “Basbaaso”)

Waxa lala soo gaadhey cusbitaalka guud ee Hargeysa goor habeenimo ah, awood umay laheyn inay hadasho amaba dhaqdhaqaaqdo dirqi iyo tu xun bay kusoo gadheyba meesha, waxaa markiiba ku soo cararey kalkaaliyayaasha caafimaadka ee ku sugan dhakhtarka weyn gaar ahaan waaxda Dhallaanka iyo Hooyada, waxa markiiba jagac isku soo yidhi dhakhaatiirtii, kalkaaliyayaashii iyo bukaankii qaar kamidaba, xaaladeedu ma ay wanaagsaneyn oo way wada gariireysay.

Markii lasoo galiyey gudaha waadhka ummulaha waxa la moodayey iney tahay hooyo la baaxa dageysa oo aad ugu dhiban fooshii laakiin markii wax layska waydiiyey waxa la ogaadey iney hooyadani hore usoo umushay oo ilmihii aanu ku jirin cajaaib! Haddaa maxaa caloosha sidan ugaley sa waaba xadhig mijaha ilaa feedhaha lagaga wareejiyey oo waliba si aad u giigsan ugu xidhan, Naxdin badanaa wala wada anfariirey.

Xadhigu siduu u giijisnaa iyo adeygiisa awgii waxa lafurfurayey in muddo ah iyadoo xoog iyo xeelad midna aan loola kala hadhin, waa Alle mahadii wuu furmay haddana waxa la arkey yaabka yaabkiis inanta jidhkeedu meel kaliya oo farta lasaaro malaha quraanba meelwalba lagaga qorey subxaana laah waxba yaanan hadal kugu daaline dadkii wadey waxey tibaaxeen in madheertii ay ku hadhsantahay kana soo bixi waydey. La eeg oo wax alla wax ku hadhay majirto waana la arkayaa oo xanuun aad ubadan baa ka muuqda korkeeda, beerka ayay ka gariireysa.

Isla markiiba waxey garteen hawl wadeenadii caafimaadku iney si kale wax u jiraan waxan inanta caloosheeda kasoo weynina ay tahay kaadi ilaa waayadanba ku kaydsameysay gudaheeda lana fahmi la,aa oo qaraxba ay ku dhawdahey koonbadii yareyd ee loogu talo galey iney inoo kaydiso kaadidu.

Umulisooyinkii ku hawlanaa badbaadinta bukaanina waxey tibaaxeen in gabadhan dhaawacyada loo geystay awgood ay XABAASHA UUN QADISEY teediina aaney noqon.

Alla cilmi la,aantu xumaa markii hawshii soo afjarantey, dadkiiyoo dhana u qaadan waa ku noqotey siday hawshu u fududeyd iyo sida loogu maaro waayey, waxaa wareysi hor leh lala galey cidii wadey inantan saxariirtey ee keentay cusbitaalka.

Waxey sheegeen iney  inabadana  ku qayliyeen in hooyada xarun caafimaad meeshii ugu dhaw lala gaadho balse aan dhag jalaq loosiin oo layidhi dumar baad tihiin waliba aan waayo arag aheyn ee inanta waa la dureeyay waa in sideg deg ah loola gaadha dabiib iyo wadaad quraan saara.

Wadaadkii halkanbuu yidhi inanta waa ladureeyay, dabeylaa marey iyo waxaan loo jooginba, wakaa sidii kitaab quraana jidhkeedii ku idleeyay, xadhig weyn oo aad moodo Dabarkii Awrta adeygiisana laga yaabey ayuu intuu isku wada keenay gabigeediiba ayuu sidii geed ugu duubey dabadeedna guntin weyna jiriq ku siiyey.

Waxanoo dhibaato iyo kadeed ah waxa inoogu wacan waa daryeel la,aanta caafimaad ee baahsan ee ka jirta guud ahaanba wadanka iyo iyadoo ladayacey lana mooganyahey in dadkeenu reer miyi iyo reer guuraa u badan yihiin, waliba daryeelka Hooyada iyo Ilmaha waa in aad loogu feejignaada xanaanooyinkuna ay noqdaan kuwo goobkasta iyo wakhtikastaba diyaar u ah sidii ay u badbaadin lahaayeen maatidaa la dayacey.

Hoos ka akhri maqaaladdii hore ee Hibo Ciise Maxamed qortay:

Tolow yaa inoo maqan?

Ma xor baad tahay mise xayirane?

Eed ha qaadin

Hal bay ragga dheer yihiin

Balaayaa kasoo ham iyo dig leh!

Rajo qaribto “Qabyaalad”

Bulsho wada siyaasiya

Been ha ku sabaaleyn

Guurka haweenka badan

Aafo

Hashu maankayga gaddee ma masaar bay liqday!

Qalinkii Hibo Ciise Maxamed “Basbaaso”

hibafaakhir@gmail.com