Xadhiga Siyaasiga ah iyo Maxkamadaha (WQ: Prof Cabdi Cali Jaamac)

Waxa aynu taagannahay Isgoys; Maxkamadda ayaa sheegi dhinaca loo dhaqaaqayo: Democracy vs Dicatatorship.

Xadhiga Siyaasiga ah iyo Maxkamadaha; Democracy VS Dictatorship; kolba ka ay Maxkamaduhu Taageeraan Ayaa Guulaysta!!

Waddanka uu doono ha ahaadee, haddii uu dhaco ba xadhig siyaasi ahi oo dhaqso loo sii dayn waayo ciddaa la xidhay, ka quuso dimuqraadiyad iyo xorriyad, waxana maalintaa kow ah diktaatoriyad iyo xuquuqda dadka oo lagu tunto!!!.

Haddii maxkamadi xukunto qof siyaasad loo soo xidhay waddanka uu doono ha ahaadee, waxa aad ogaataa meeshaa ma jirto wax dimuqraadiyad la yidhaa, maxaa yeelay horta ma jiro danbi siyaasi ahi; sidaa darteed ma jiro xukun iyo xabsi siyaasi ah, maxaa yeelay siyaasaddu danbi maba noqoto ba ayaa lagaa yidhi, sida biyaha qollatayn ka gaadhay, aanay uba nijaasoobin!!

Maxkamaduhu had iyo jeer wax ay la jiraan dimuqraadiayadda iyo xorriyada dadka, waligeedba lama arag dimuqraadiyad hirgashay oo maxkamaduhu aanay taageerin; waad aragteen intiina wax akhridaa sida ay had iyo jeer isugu sidkan yihiin Rule of law iyo Democracy; ama meesha way wada joogaan ama meesha way ka wada maqan yihiin; ma i la socotaa; lama arag meel midi ka maqan yahay, oo ka kale joogo!!!

DEMOCRACY & RULE OF LAW

Cabdo; ku dhaqanka sharciga iyo maamul wanaagga.