Xadhigaygii shalay (WQ: Dr-Abdulqani Hussein Bede)r

Xadhigaygii shalay

Sida intiinna badani aad la socoteen waxa 12 saacadood ka dib xalay 10:30 habeennimo la I keenay gurigaygii, aniga oo intaas ku xidhnaa xarunta CID-da Hargeysa.

Waxa ay ahayd abbaaro sagaalkii subaxnimo, markii uu nin dhalinyaro ahi iigu yimi gurigayga iina sheegay in la iga doonayo xarunta CID-, waxa aannu ku ballanay in aan iskay u imaaddo 11-ka, hase yeeshee toban daqiiqo ka dib ayuu igu soo laabtay isaga oo askar wata, sidaas ayaan ku raacay oo ku tegay xarunta, fadhi yar oo OB-ga la igu waraystay ka dib, waxna la iga qoray, waxa la i geliyey liiska dadka goobta ku xidhan.

Waxa ay niman haldoorka bulshada Soomaaliland ah oo qaraabo iyo asxaabba leh, culimo, saraakiil, ganacsato, salaadiin, oo xadhigaygu dhibayey galeen dadaal xoog leh oo ay xorriyaddayda ku raadinayeen, xalay oo jimce fasax la yahay ahayd, abbaaro 10:30 ayaa la igu soo daray oo ay I keeneen gurigaygii, iyaga oo diiday in ay guryahoodii ku hoydaan ilaa ay aniga gurigayga I keenaan oo ay I soo saaraan.

Aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinayaa, Ilaahay ajarkooda ka weyneeyo, abaalkoodana ha gudo, hana barakeeyo adduunkooda iyo aakhiradoodaba.

Waxa aan u mahadcelinayaa Jananka Booliska oo markii uu I aqoonsaday, isla markaana garowsaday waxa la igu eedeeyey in aan ka fogayahay, culaysna la saaray qaatay, go’aan geesinnimo leh oo uu xorriyadayda iigu soo celinayo.

Sidoo kale waxa aan u mahadcelinayaa taliyaha CID-da oo markii danbe ee ergadu u timi ee uu i aqoonsaday si fiican iila dhaqmay, ina raali geliyey, isaga iyo tiimka qalbiyada fiican ee la shaqaynaya ee uu ugu horreeyey Mudane Daahir- denbi baadhe-, waan u mahadcelinayaa idilkoodba.

Waxa aan u ducaynayaa maxaabiista ku xidhan goobtaas oo shalay aannu wakhti fiican wada qaadannay, iyaga oo bixitaankayga aan ku faraxsanaynna aan ka soo tegay- maxay uga xumaadeen soo bixistayda? Mar kale ayaan ka jawaabi- Ilaahay ha u fududeeyo culayska saaran, xorriyaddoodana ha u soo celiyo.

Golaha sare ee lagu gaadhay go’aanka xidhitaankayga waan u cudurdaarayaa in ay qoraalkayga la foolxumeeyey ku go’aan qaateen, denbiga iyagu ma laha inkasta oo ay hubsiimo la gudboonayd.

Kuwa iyagu denbiga uun ka dhex baadha ee indhaha dhagarta uun ku eega qoraallada ujeedkoodu yahay toosinta talada ummadda iyo la talinta madaxda, waxa aan leeyahay qoraalkayga aad foolxumeyseen ujeedkiisa, waad ogtihiin in uu beri ka yahay sida aad u macneyseen, sida uu Yeygii Nebi Yuusuf lagu eedeeyey dhiigga Nebi Yuusuf beri uga ahaa- xumaantu wanaag ma dhasho ee aakhiradiinna uun u tudha.

Maantaba waxa aan khudbaddii jimcaha ka akhriyey masjidkii aan ka akhrin jiray.

Ugu danbeyn, waxa aan bilashada bishan ramadaan ee barakaysan ugu hambalyeynayaa dhammaan walaalaha muslimka ah ee aannu bartan ka xidhiidhno.

 

Guuleysta walaalayaal.

 

Dr-Abdulqani Hussein Beder