Nin oday ah, da’diisu lixdankii sii galayso oo miyi ku nool, ayaa maqlay kalarogga magaalada iyo sheekooyinka yaalla ee hadba looga qabaxsiiyo cawayska fiidkii.
Odaygu, dhowr jeer ayuu isku dayay magaalada inuu u safro hadda iyo wakhtigii u dhalinyaro ahaa, wa u suurto gali wayday oo xoolaha u yaraantii raaci jiray iyo ogolaanshiyo la’aan dhanka waalidka ah, markii u waynaadayna caafimaad la’aan ayaa asiibtay dhanka murqaha, ah waxa ku adkaatay inuu lugeeyo iyo kartidii socdaalka ee dhaqaale waa isu qabanwayday labadu ba, maadaama ay durugsanayd magaaladu.
Maalintii dambe ayaa oday ay isku da’ iyo isku xaalad ahaayeen, magaaladii tagay markii ugu horeysay noloshiisa. Muddo ka dib ayaa labadii oday kulmeen, waxaa labada lagu kala magacaabi jiray Aw-muxumed oo ah kan magaalada tagay iyo Guuleed oo kankale ah. Sheeko iswaraysigi na sidan ayu u dhacay:
Guuleed: weeye
Awmuxumed: waa nabad
Guuleed; Aw-muxumed beryahan xaggaad ku maqnayd, miyaad xannuunsatay?
Aw-Muxumed: war Guuleed waa anigii magaalada aaday oo gaadhi laygu qaaday.
Gulleed: haddaad gaadhi heshay, maxaad ii wargalin wayaday?
Aw-muxumed: qolo aannu jaarnahay intaannu isqabannay, ayay gaadhi Boolis lanoo soo diray, dhul beereed ayaa dagaal gacan-ka-hadal ah nagu dhexmaray.
Guuleed: dee markaa talo safar iyo tabantaabo aan ku gaadho bandarka ayaa ii gudboon e maxaan sameeyaa!? Anna gaadhigaas ha ii yimaadee, ilayn dhiman maayo tiiyo bandarka aanan isha galin e!
Aw-muxumed: Dambi dhac ah, dagaal ama toogasho qof waa inaad gashaa, si duhur laguu dhifto oo dhowr caano-maal ba gacmaha lagaa xidhi hadhowna waa la gu siidayne.
Guuleed: Allow talo iyo tusmo ma horeysay adna ma igu guubaabisay.
Oday Guuleed,hadalkaas ayaa dhubuq ku yiri maankiisa, muddo markii u dambi inuu faraha la galo raadshay, ayuu maalintii dambe nin aay is-af-dhaafeen xabbad toorray ah ku aasay, kadib na waa geeriyooday, halkii baa lagu aasay. Odayaashii ayaa Guuled qabtay si’ay labada beelood uga wada hadlaan.
Muddo gar socotay, waxa la go’aamiyay in la cafiyo Gulleed mag na laga bixiyo.
Guuleed ayaa goobtii cafiska la waydiiyay wax u oranayo weedh ahaan iyo cafis ahaan ba, hadaldheer ka dib, gundhigii hadalkiisu waxa u noqday:
” War halay cafiyee, muddo dhowr cisho oo xadhig jeel magaalo ah, I geeya si’aan ugu ededsado”. Warkaas iyo weedhaas, dheg jalaqsi looma siin ilayn 100 halaad oo laga bixiyay ayaa laga sugayaa inuu dib u dhaqee.
Guuleed, waxa laga hayaa ” Wixii maankaagii ku dhololo ilayn god naareed na waa loo galaa, waxa la’aan iyo dhiig islaameed labaduba waan u galay, tolow Allow kuwa magaalada joogaa na maxaay sameeyaan”.
Intaan Guleed xaqqa geeridu u iman ayaa waxa u fursad u helay, inuu kamid noqdo dhoowr qof oo qooysku ka dhashay dammaanad qaaday in xajka la geeyo, sidaas ayuu ku arkay magaaladii iyo qaar kasii wayn xajmi ahaan sida: beledka barakaysan ee Makka.
Waxaa markale Gulled laga hayaa ” ilaayn hadaad samirto, oo maalmo dhoowrto wixii aad ku hammido, isagoo ajar iyo khaayrleh waad heshaa, marbaan xaj, Bandar iyo waxaan ka sheekeeyo ba ka godgali gaadhay, oo qisaas iyo laygu dhababi lahaa “.
Hadda wixii dadka qaar damcaan waay u naar galaan, iska daa inay ka samo galaan e!
Nuxurka sheekadu na waa, dadka qaar ayaa hadafkooda, tuugnimo, dhac, dil, khaa’innimo, been, iskudir, IWM, u sameeya si’ay u gaadhaan hadaf yar iyo waxaan lagu warayn.
Wa Billaahi Tawfiiq.
WQ: Xasan Cabdi Shire