Hadal caan ahaa oo Culimadii hore o dhan jireen (haddaad habeenkii xaabaysato waxa laga yaabaa in mar uun aad Abeeso qaadato).
Dhamaan dhaqaaq kasta ama dhacdo kasta oo nolosha saamaysa waxa jira dabar ama xariiq u yaala oon laga talaabi karin, ilaa la raaco baab kiisa furdaamiya ficilkasta oo diintu inoogu dhigtay, dhaabado adag oon laga talaabi Karin si kasta oo xaaladu ahaato.
Hadda waxa baahi wayni ka jirtaa ganacsiga oo u baahan qof kas tana waajib ku tahay in uu aqoon u leeyahay Baabka bayca ama iibka. loo yaqaan marka Fiqiga la joojo.
Si looga dheeraado dhinaasho ama dhaawac macmiilka gaadha ama ganacsadaha oo riiqdeeda iyo saamaynteedu daba dheeraato, adoon dhaadayn gadis yar oo aqoon la’aani kugu sim birixiyo kaasi oo aanad kasoo kaban karin kabid’deeduna Diin ahaan.
Ganacsigu waa mid kamida meelaha dadka iyo dal kuba ka ruqaansado gaar ahaan ganacsiga yaryar ee is ku xidhiidhsan sida silsilada. haddana waxaa m;toonaanta ganacsiyada shareecada waafaqsanayn ee il’ duufka inta badan ku dhaca.
Kuwaa oo dhaawac iyo dhibaato wayn dadka iyo dalka ku abuuri kara sida Ribaa oo aqoon badan iyo il dheeraan durugsan iyo dhugasho sare u baahn. Maadaama Rabbi swt. Wacad ku maray in uu dagaal lagali doono dadka caadaysta qaab ganacsiyeedkaa dhiig miirashada ah iyo baahi ka macaash ka ah.
Dambi waxaa inoogu filan in aqoon la aan dhex dabaalano gadis kasta oo ganacsiyeed ama la taliye shareecadeed lahayn. Markay badwayn xushana Idaacadaha telefoon u soo dirno, sheekh maxay shareecadu ka qabtaa sidaasaan muddo hawshayda kusoo watee. Waa mar dadka iyo dalkaba aad balaayo huluuqsiisiinay.
Dusmooyinka aqoon la’aanta sharciga Fiqiga waxa lagaga caafimaadi karaa in qofkastaa aqoon u yeesho baabka looyaqaan Bayca ama aad lahaataa la taliye Fiqiga oo shareecada ah. haddii kale waxaan noqon uun xaabayste habeenkii marka gurcudku dumo, meelaha wax kasta qaata ama halaq ama badeecad kolba kuu haleelo indhoolahasi.
In qofku noloshiisa dabaro waa mid kamida cibaadooyinka waawayn. nolol xalaala oo dhawrsoon ku noo laadaa. wayna ka fadli badan tahay in aad masaajidka is ka dhex fadhido, balse waa saacad cibaado iyo saacad nolosha la dabaraayo.
Saxaabada Rabbi swt. Raali haka wado ahaadee. Waxay lahaayeen tujaar kuwaas oo haddana ahaa Suhaad(dad aduunyo ka dhawrsaday) oo safka hore seegin marna khayr kasta. Sabab too ah aduunyadu gacantooda umayn dhaafin qalbiga, taasi oo haddii ay dhacdo qalbigu indho beelayo.
Culimada ayaa is waafajiya waxa saahidnimadodii iyo tujaarnimadoodii kaliya waxay ku soo koobaan in marka maalka faaiidadiisu badato may farxi jirin marka maalku khasaarana may nixi jirin. Taasi oo iimaankooda iyo qanaacadoodu meel raasukh iyo rasmi ku ahayd dhaldhalalka aduunyaduna wax dheeliya ku keeni jirin.
Sidaa daraadeed Rabbi Swt. Isagoo amaanaya dadka wuxu yidh (waa rag tijaarada iyo iib midna ilawsiinayn xuska Rabbi swt).
Taasi oo tilmaan cad inaga siinaysa in ganacsigu yahay mid mashquul badan oo kaliya ragga, ragga ah mashquulin. Iyo ka digtoonida dhalan teedka iyo mac macaanka gaaban, ee geediga lagu jiro in laguu soo jirana aynaan dhaadayn.
Ganacsigu waa mid kamida tiirarka horumarka lagu gaadho diin teenuna dhiirisay, halka dhinaca kale uu aad u kobciyo waxa loo yaqaan damaca sare kaasi oo mararka qaar laac khatara waajaha. Badina kamid dabinada uu shaydaanka ku adeegto si uu karkaarka u waydaariyo aadamaha dhexdoodana u abuuro uur ku taalooyink riiqdeedu raagto.
Waxa uu abuuraa jawi ku qarqoomid iyo mashquul aad u badan iyo qalooc ku raadin arsaaqda iyo taasi oo dabino halisa marmar lagu dhaco. Arsaaqdu way qoran tahay hadba adigaa leh doorashada waddadaad ku raadinayso xalaal iyo xaaran doorashadu waa qaacidda kala saaraysa hadba siday u ee keenayso noloshaada hadda iyo bari.
Shaydaanku qofka uu cibaadadiisa u taag waayo waxa uu ku yidhaa (waar bal soo eega halka Arsaaqdu ka soo gasho,) haddii wax yar oo xaaraani jiraan wuxuu shaqaalaha hoose ibliis ku yidhaahdaa. is kaga rawaxa waligiiba ha cibaadaystee waxba laga aqbali maayee. Subxaan.
Khatarta xaaraantu way ka halis badan tahay dambi kasta waayo waxay saamayn toosa ku leedahay cibaadada iyo noloshaada dambe iyo ta xaadirka ah. Halka dambiyada kale ku kooban yihihiin dhacdada. Sidaa daraadeed waa in aan taxadirnaa oo xaliibnaa waxa ina soo galaya iyo sidaan ku bixinayno. Su’aalaha caanka ee qiyaamahana maalka 2 suaaloodbaa ugu jira. Halkeed ka heshay kuna bixisay. Ducada dadka laga aqbalaana waa xalaal miiradka ilaaliya labadaa dariiq.
Maanta baahi wayn baa ka jirta mawduuca hadii aynaan u kicina dhamaanteen way ina dambarsan doontaa. Badbaadaynu dhamaanteen uga baahanahay dhawrida iyo barida dhaqan wanaanga jiilkan iyo jiilalka soo socdaa si aanay u moodin in noloshu tahay booba yaa waddani. mawduucan waxaanu ka sheekaysanay Guuleed Axmed Cumar liibiya. Allaw na dhawr dhamaantayo.
Qalinkii Axmad Cali Kaahin. Ahmedckahin@gmail.com