Sida ku cad war bixinta sanad laha ah ee ay soo saarto hay’ada xannuunka Macaanka ee maraykan ku (American diabetes association) iyo hay’ada ingiriiska ee xannuunka Macaanka (UK diabetes), xannuunka macaanku waa sababta koobaad ee keenta Kelyaha oo qofka fadhiista.
Xannuunka macaanka waxaa loo aqoonsan yahay in uu yahay; xanuun ku bilaabma khalkhal ku dhaca nidaaminta sonkorta jidhka, laakiin wuxuu saamayn halis ah ku leeyahay dhamaan qaybaha kala duwan ee jidhka qofka.
Xubnaha uu saameeyo waxa ugu horeeya indhaha, Kelyaha, lugaha hoose ee cagta, xididada wadnaha waraabiya, kuwa maskaxda waraabiya iyo meelo kale oo badan.
Marka la qeexayo xannuunka macaanka waxa lagu tilmaamaa “Spectrum of diseases”. Waa xanuun midabo badan leh oo marxalado badan mara.
Waxa kale oo jirta in uun yahay xannuun khuraafaad aad u badan laga aamin sanyahay oo bulshooyin kala duwani siyaabo kala duwan wax uga fahamsan yihiin.
Halkan waxaan si kooban ugu xusayaa saamaynta uu kelyaha ku leeyahay.
Siya la ogyahay xannuunkan dhibtiisu waxay ku qoton taa: Iyadoo dhamaan Unugyada jidhku awoodi kari waayeen in ay isticmaalaan sonkorta (Glucose) si ay tamar uga helaan oo habsami ugu shaqeeyaan, sababta oo ah waxa la waayay Maadadii is qaabil-siin lahayd Unugyada iyo sonkorta, Maadadani waa Insulinta eh.
haddaynu si fudud u cabirno, Insulintu waa Fure; waxay furtaa Unuga, ka dib waxay u ogolaataa in sonkortu ku xerooto, oo uu isna shiilo oo adeegsado.
Hadaba ka waran hadii Furihii lawaayo, ama shaqayn waayo, ama qufulkiiba la bedelo?.
Haddii sadexdaa midkood dhacdo, xannuunka qofka ku dhaca waxa la yidha Macaan am Sonkorow ( Diabetes Mellitus). ninba sida uu u yaqaan.
Hadii furihii la waayo gebi ahaantiiba, waa Insuliintiiye, noocaa waxaa la yidha Macaanka nooca 1aad ama (Type 1 diabetes mellitus). Hadii furihii shaqayn waayo ama qufulkiiba la bedelo waxaa la yidhaa Macaanka nooca 2aad. ama (Type 2 Diabetes Mellitus).
Aan kusoo laabto Macaanka iyo kelyahii. Hadaba marka sonkortii jidhku isticmaali kari waayo ee ay meel ay u dhaqaaqdo waydo, waxay sonkortu buux-dhaafinaysaa dhiiga.
Dhiigana sidana aynu ognahay waxa sifeeya Kelyaha. marka sonkortii oo dhiigii dhex dabaalanaysaa kelyaha gaadho waxay isku deyaysaa in ay kaadida raacdo oo ay meesha dhaafto. Laakiin looguma talo gelin, waa maadad cuf wayn oo aan ka dusi karin shabakada kellida. Markaa maxay yeelaysaa?
Waxay iyadoo lakabyo ah ku rasays-maysaa xididadii yaryar ee ili-ma qabatayga ahaa ee kelida ( Glomerular Capillaries). Arinkani waa khatar wayn, waayo sonkortu markay halkaa ku ururto waxay dhaawacaysaa oo jeex-jeexi xididadan yaryar, waana kuwa ugu muhiimsan shaqada kelida.
Ilaa ay sondortii qasab kelida ku dhaafo oo kaadida soo raacdo. Halkaa dhib ayaa ka dhacay!!. Hadii laga gaadho oo sonkortaa jid loo sameeyo oo la daweeyo, kelidu way kasoo kaban kartaa dhaawacaas.
Waxaad ogaataa kelida marnaba looguma talo gelin in sonkortu dhaafto, markaa hadii la arko sonkor kaadida soo raacday..dhib ayaa jirta. waa in kelida la rumaysto. waayo warbay ogtahay.
Sideen ku ogaanayaa in aan macaan qabo?
Macaanka ama sonkorowga, gaar ahaan nooca labaad malaha astaamo degdeg uga soo daahira qofka.
Inta badan waa laga dul kufaa uun!!
Iyadoo qofka xanuun kale laga baadhayo. Ama -hadii uu yahay qof caafimaadkiisa ku baraarugsan- isagoo baadhitaan rootiin ah samaynaya ayuu la kulmaa. Ama ugu danbayn marka uu muddo dheer qofka hayo ayaa lagu ogaada mid ka mid ah aafooyinka mudada dheer ee uu keeno; sida kelyaha oo fadhiista ka dibna la ogaado inuu macaan qabay mudo dheer.
Maxaa kula gudboon?
Haddaad tahay qof leh khatar dhaliyaha macaanka (Risk factors), oo ay ka mid yihiin; miisaanka culus, cabitaanka sigaarka, jimicsi la’aanta iyo wahsi jacaylka, da’da ka wayn afartan sanno, subaga dhiiga oo siyaado ah, xannuun kale gaar ahaan dhiig karta.
Haddii aad arimahaas dhamaantood ama qaarkood leedahay waxaa khatar ugu jirtaa macaan. hada u fiirso maaha waad qaadaysa!!.
Waa in aad noloshaada wax ka bedesho.
Ugu horayn dhin miisaanka! waa ka ugu muhiimsan, jooji qiijinta sigaarka iyo wixii kale ee la qiijiyo-ba. bilow jimicsi joogto ah. quudo cunto u badan khudrad ( Fruits and Vegetables) inskana baadh macaan iyo dhiikar sanadkii hal mar.
Labadaba baadhitaan koodu aad ayuu u fudud yahay una Jaban yahay.
Yaa u baahan in aad fariintan gaadhsiiyo? ugu horayn Waalidkaaga, hadii aad nasiib badan tahay oo wali midkood ama labadiiba kuu nool yihiin. Waalidku inta badan caafimaadkiisa ma deneeyo isagoo ubadka iska hor marinaaya.
Iyo waliba marka la eego intaooooda badan oo hayntoodu kooban tahay mas’uuliyadooduna badan tahay.
kadib ehelka iyo asxaabta inta kale.
Macaanku waa xannuun hadii la fahmo si fiican loola noolan karo, la laylyi karo. aafooyinkiisana laga hortagi karo. sida kali ah ee kelyaha loo badbaadin karaana waa in sonkorta la xakameeyo.
Wadankeena oo keliya inta ugu badan ee dibada u aada kelyo xannuun ee qaarkood kelyaha laga bedelaa waa sabab macaan.Inta luga laga jaro waxa ugu baan macaan, hadii anay dhamaantood ahayn, inta indha beesha qayb wayni waa macaan dartiis.
Markaa ka dibtoonow waa aar dhabacanaya, waxa lagaga adkaan karaa in aad ka il-horayso oo aad halkiisa ku joojiso. fariintana faafi.
Allaah mahad leh.