Ku: Madaxweynaha la doortay, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Cabdiraxmaan Cirro
Ujeeddo: Xasuusin xilka,Mas’uuliyada iyo Amaanada Dalka iyo Dadkaaga Somaliland
Mudane Madaxweyne,
Waxaad maanta haysaa kalsoonida iyo codka shacabka Somaliland oo idil—waayeel, waxgarad, aqoonyahan, dhalinyaro, haween, naafada, kuwa saboolka ah, iyo reer miyiga—oo isku raacay inaad tahay qofkii hoggaamin lahaa dalkeena iyo dadkeena. Dad,kaagu codkooda kuma siinin si sahlan; waxay ku siiyeen rajo iyo hami ah inaad noqoto madaxweynaha mideeya quluubtooda, hagaajiya xaaladahooda, mustaqbalkooda, oo ifiya, nolashooda iyo dawladooda. Ogow inaad mas’uul ka tahay aayahooda iyo danahooda.
Bulshadan kala duwan ee kuugu hiilisay codkooda
Waxaa haysta dhibaatooyin waaweyn oo deg-deg xal ugu baahan:
•Shaqo la’aan baahsan: Dhalinyaro badan iyo dadka xoogsatada ah ayaa ku dhibban sidii ay nolol maalmeedkooda ugu heli lahaayeen hab sharaf leh.
•Sarif barar iyo sixir barar: Dhaqaalaha oo liita ayaa keenay in maceeshadu noqoto mid qaali ah oo aan qof walba awoodin, taas oo sii xumeysay xaaladda dadka saboolka ah.
•Caafimaad aan tayo lahayn: Dad badan ayaa u dhimanaya xanuuno laga hortagi karo ama lagu daweyn karo, iyadoo qaar ka mid ah gobollada ay ka jiraan cudurro faafa oo aan wali helin xal ku habboon.
•Waxbarasho aan tayo sare lahayn: Mustaqbalka jiilka soo socda wuxuu ku xiran yahay waxbarasho tayo leh, taas oo u baahan in si weyn loo horumariyo si dhammaan ardayda ay u helaan fursado isku mid ah.
•Colaado iyo saboolnimo baahsan: Qaar ka mid ah gobollada dalka waxaa ka jira colaado dib u dhac weyn ku keenaya bulshada iyo horumarka dalka, halka saboolnimada guud ee jirta ay ka dhigeyso dad badan kuwo aan nolol bini’aadanimo helin.
Mudane Madaxweyne, mas’uuliyadda aad qaaday ma ahan mid sahlan, laakiin waa mid lagu tijaabin doono adiga oo keliya. Maanta, waxaad u tahay ummadan hoggaamiye ka mas’uul ah xal u helidda caqabadahan. Tallaabo kasta oo aad qaaddo, waxaad ka dhigayso mid dadka lagu mideeyo, cadaalad lagu ilaaliyo, iyo horumar waara oo bulshada u horseeda nolol ka wanaagsan tan ay maanta ku jiraan.
Waxay kaa sugayaan bulshadaadu inaad noqoto:
1.Madaxweyne Ummadeed: U damqada dadka saboolka ah, kuwa aan codkooda la maqlin, iyo dhammaan kuwa ku dhibban xaaladaha nololeed ee adag.
2.Hoggaamiye Xal Doon ah: Si geesinimo leh u wajah arrimaha dhaqaalaha, shaqo abuurka, caafimaadka, iyo waxbarashada, adigoo xallinaya dhibaatada si waafaqsan cadaalad iyo danta qaranka.
3.Hoggaamiye Aakhiradiisa Ka Fakara: Waxaad tahay qofka lagu xisaabinayo daryeelka iyo cadaalada dadka, adduun iyo aakhiroba. Hawshaada ma ahan oo kaliya mid adduunyo, balse waa mas’uuliyad uu Ilaahay kaaga baahan yahay inaad ku garsoorto si caddaalad ah.
Mudane Madaxweyne, shacabka Somaliland waxay sugayaan inaad noqoto madaxweynihii bedelay halka maanta la jooogo, sare u qaaday rajadooda, oo iftiimiya waddo ay mustaqbal fiican ku gaadhaan. Codkooda maanta waa amaano iyo ballan ku saaran inaad uga adeegto cadaalad, sinaan, iyo naxariis.
Mudane Madaxweyne, waa ballan ay kaa sugayaan dadkaagu odhahdii ahayd (Rajada Shacabka)
Ilaahay ha kuu fududeeyo xilka culus ee laguu dhiibay, hana kugu hanuuniyo waddada cadaaladda iyo horumarka.
Somaliland waa dadkeeda, dadkuna waa kugu kalsoon yihiin in aad hoggaamin kartid si sharaf iyo daacadnimo leh.
Waa salaaman tahay, mudane madaxwayne Waa fariin ka timi Shacabka JSL
W/Q- Abdilaadiif Khaalif Ismaciil.
Bandhige@gmail.com