20 – Dec – 1984 ..“Xasuustii Xasuuqii Shacabkii Burco iyo xiligii Madaarka”
20 – Dec – 1984
Saacadii Dilka 7:00 Aroornimo
Warqadii magacyada ladilayey Goobta Kaabada madaarka burco Maalinta khamiis
32 sanno ka hor maanta oo kale 20 -12 -2016 waxay ku beegan tahay dil wadareedkii dawladii siyaad barre ku fulisay 43 qof oo kamid ahaa Aqoonyahankii,Waxgaradkii iyo ganacsatadii Burco
FG:- QORAALKA WARQADA KU QORAN IYO SIDUU XUKUNKA BAADILKA AHI U DHACAY HOOS KA DAALACO
Maanta Waxay Ku Beegnayd Sanad Guuradii 32 Aad Ee Ka Soo Wareegtay Markii Magaaladda Burco Lagu Toogtay 42 Kii Oday. 20.12.1984 Waxaana Toogtay Taliskii Siyaad Bare. Akhri Magacyada Ragaasi. una Ducee In Eebe u Naxariisto.
HR.192/84 RG Burco, 20/12/84
UJEEDDO:- FULIN XUKUN DIL AH
KU XIGEENKA XEER-ILAALIYAHA GUUD CQS
MARKUU ARKAY:- Go’aanka Maxkamada Dagaalka C.Q.S.
Lam 190/84 ee 20-12-84, kaas oo lagu cayimay
ciqaabta dilka ah ee lagu xukumay eedaysanaasha
kala ah.
1- Dilsuge – Qaasin Qodax Jaamac
2- “ – Cabdiraxmaan X. Maxamed Siraad
3- “ – Ciise Ibraahin Ismaaciil
4- “ – Siciid Maxamed Ismaaciil (Madoobe)
5- “ – Aadan Nuur Ismaaciil (Coraaq)
6- “ – Yaasiin Axmed Warsame (Soonaani)
7- “ – Axmed Cabdi Xasan
8- “ – Cabdi Maxamed Cali (Dhagjar)
9- “ – Axmed Yuusuf Mire
10- “ – Cabdi Jaamac Xasan (Sanweyne)
11- “ – Maxamed Yuusuf Ismaaciil (Comaas)
12- “ – Axmed Xasan Ismaaciil (Yunbur)
13- “ – Diiriye Cismaan Yuusuf (Laba Lugood)
14- “ – G/le Maxamed Cali Qorane
15- “ – Ex.S/A.Shukri Maxamed Samatar – (Qurmiye)
16- “ – Ismaaciil Saalax Wiriye “
17- “ – Maxamed Samatar Axmed “
18- “ – Saleebaan Hirad Aadan “
19- “ – Cali Cabdi Xasan “
20- “ – Aadan Jaamac Warsame “
21- “ – Maxamed Maxamuud Cabdi “
22- “ – Axmed Ismaaciil Maxamed “
23- “ – Cali Cumar Diiriye “
24- “ – Muuse Xasan Ibraahin “
25- “ – Cali Giire Cabdi “
26- “ – C/laahi Maxamed Faarax Taakuliye
27- “ – Aadan Cali Ibraahin Qurmiye
28- “ – Cabdi Maxamed Yuusuf Taakuliye
29- “ – Cabdi Xasan Jaamac “
30- “ – Cabdilaahi Xuseen Nuur Korto
31- “ – Cali Xuseen (Inta dambe way masaxantay)
32- “ – S/Alifle Axmed (Inta dambe way masaxantay)
33- “ – Magacu wuu masaxmay
34-Dilsuge – S/Alifle Faarax (Inta dambe way masaxantay)
35- Edsane- Jaamac Cabdilaahi Saciid
36- “ – Dable Maxamed Cige Xabad
37-Edsane – Cabdi Cali Axmed
38- “ – Saciid Cismaan Geelle
39- “ – Abuukar Cabdilaahi Rooble
40- “ – Cabdilaahi Saalax Giir
41- “ – Cawil Saalax Giire
42- “ – Ibraahin Maxamed Xandulle (Ina Aar) – Maqane
43- “ – Cabdi Xuseen Dheere – Maqane
In la fuliyo maanta 20/12/84 Saacadda 0700 subaxnimo laguna fuliyo goobta toogashada Burco.
MARKUU ARKAY:- QOD.227 XEER
MARKUU ARKAY:- QOD. 69 XEER
MARKUU ARKAY:- Xeer lam 54 ee 14.8.82
WUXUU GO’AAMIYEY
In go’aanka maxkamadda la fuliyo laguna fuliyo meesha iyo waqtiga ay cayintay, ayna fuliyaan koox ciidan ah oo hogaaminaayo Sarkaal ku haboon isaguna C.Q.Sida kuwaas ahaan K.D.S.iyo daraawiishta Booliiska.
WUXUU KALOO GO’AAMIYEY
In aasidda dadka iyo wixii kharaj ah loo xilsaaray D/Hoose ee Burco si toos ahna uu u maamulaya Guddoomiyaha Maamulka Degmada Burco.
Rabi naxariistiisa ha ugu deeqo…..